Haparanda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Magaalada Haparande iyo magaalada dariska ee Tornio oo ku taalo Finland waa kuwo bartame-ganacsi oo casri hadana ku yaalo dhexbartanka dhulka-Barents. Waxaan isla dhisooynaa magalooyinkeena, anagoo dhiseeyno xaafad cusub oo ku taalo dhexbartanka xuduuda. Halkaas waxaa ku oolaanaayo carwo, shirkado, hoteelo iyo in kale oo badan, sido kalena waxaa ku olaanaayo dugsi sare iyo fagaare-labood ah. Wada shaqeeynteena waxaa ka kooban oo dhan hoowlaha degmooyinka badankooda, sidaas darteeda waxaan ku nahay mid caalamka uu kali ah. Waxaan joogna xududa aduunka ugu aamin badan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9693

Cabirla dhulka

1888 kiilomitir oo laba jibaaran

Magaalada Haparanda oo laga arko hawada. Magaaladan waxay ku dhinac taalaa webiga yar ee Torne älv oo waxay xuduud la leedahay magaalada Finlaandiiska ee Tornio.

Deegaan

Waxaa lee nahay nuuc-degaamo badan oo kala duwan, laga bilaaba guriyaal la kireeysto ilaa ku lagato iyo degaan-fillo. Waxee ku yaalaan magaalada bartamaheeda, xuduuda agteda, webiga agtiis ama bada ama baadiyaha.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Inta waxa ka jiro af iswiidhish, af finish, af ruush, af isbanish, af carabi, af faarisi, afka estooniya, afka thayland, af tigrinya, af ingriis, af romani shib, af meänkieli.

Jaaliyado iyo ururu

Inta waxaa ku yaalo kaniisada Iswiidhan, kaniisada asal raaca (ortodox) gudaha Tornio, masaajid ayaa ku yaalo Tornio, ururka-xasiloonida, ururka-diineed ee Filadelfia.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska dadweeynaha, Xafiiska qasnada ceeymiska, Xafiska shaqada iyo Xafiiska canshuuraha waxeey ku yaalaan Haparanda. Sido kale xafiiska-isdhexgalka oo leh qeeybta qaabilaada qaxootiga, carwo oo gudo ah iyo IKEA. Resursverkstaden waxeey dib uu habeeyn ku sameeyaan hadana iibiyaan alaab guri. Howl nuucaas ahna waa ka jirta gudaha Tornio.

Dalyeelka carruurta

Haparanda waxeey lee dahay xanaanad caruur oo lacag la'aan ah (bilaash) oo loogu tala galay qofka degan degmada.

Saddex iyo toban caruur ah oo saf ahaan isu dhinac fadhiya buur baraf ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Haparanda waxeey lee dahay dugsiyaal hoose-dhexe oo badan, laga bilaabaa fasalka eberaadka 6:aad ilaa fasalka 9:aad. Sido kale waxaan lee nahay dugsiga hoose-dhexe ee Montessori iyo Dugsi-luuqadeed. Dugsi-luuqadeed waxaa dhigto arday ka socdo Haparanda iyo Tornio. Hal dugsi sare.

Be'yada waxbarashada ee dugsiyadeena waa be'yad ee dhamaan, caruurta, ardayda iyo shaqaalaha ku dareemayaan farxad koreeyso iyo qanacsanaan oo keeneeyso horumor in la sameeyo in lagu horumarka-lagu socdo.

Caruur, dhalinyaro iyo dadka waa weeyn waxeey la kulmaayaan xariiro caalami ah iyo soo bandhigid dhaqameed oo kala duwan, sido kalena waxa lagu xiisogalinaa sameeyn gaar ah iyo hoowlo dhaqdhaq jireed. Hab nololeed oo wanaagsan iyo xili-firaqeed oo mecno leh, waa muhimada isku mideeyneeyso Haparanda iyo gobolka oo dhan.

Dugsiga-dhaqanka ee Haparanda waxee hada howl galiyaan waxbarasho dhanka heesta, masawirka, ciyaarta iyo riwaayada. Macalimiinta dugsiga-dhaqanka waxeey gacanta ku hayaan ku dhawaad waxbarasada heesaha ee dhan oo ka jiro dugsi hoose-dhexe iyo sare ee degmada. Hadafka laga lee yahay heesta waa in ardayda oo dhan in qalabkooda-heeseed dheleen ugu yaraan 20 daqiiqo isbuuci. Taasi waxaa loo qabaan karaa si gaar ah ama si kooxeed ah. Marka laga soo tago waxbarasho gaar ah, waxaan sido kale lee nahay koox heeseed iyo hoowlo kale oo ardayda ka qeeyb qaadan karaan laga bilaabaa fasalka 3:aad. Waxbarashada ciyaaraha waxaa la qabtaa galinka danbe iyo habeenada, waxaana loo qabtaa cauur da'doodu kala duwantahay. Hadafka laga lee yahay waa in xiisaha dhanka heesaha koor loogu qaado gudaha degmada. Waxbarashada waxaa lagu qabtaa Ungdomens hus Station. Labo koox ayaa ka hoowl gasho farshaxanka sawirka, labada isliin ayaa la qabtaa. Waxbarashada sawirka waxaa lagu qabtaa dugsi dadka waa weeyn ee Sverigefinska, ayadoo ee hogaamiyaan macalimiinta farshaxanka ee dugsiga dadka waa weeyn. Hoowsha riwaayadaha waxaa waqti habeen lagu qabtaa Starens aula ee dugsiga Gräns.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada bulshada waxaa lagu qabtaa bog-fiideyo. Dugsi dadka waa weeyn iyo waxbarashada luuqada iswiidhiska oo loogu tala galay soo galooytiga cusub, svenska för invandrare.

Caafimaadka

Sida ugu fiican ayaan sameeyneeynaa si aad ugu qanacsanaato hadana uu hesho adeega iyo daryeelka fiican oo ugu macquulsan. Taasi waxaa ka heleeysaa shaqaalaheena aqoonta leh. Rugta-caafimaadka waxeey lee dahay shaqaalo leh aqoon-xirfadee oo balaaran, waxeyna khibrad dheer ku lee yihiin qeeybo kala duwan taasi oo keeneeyso in aan ku siina daryeel iyo la kulan wanaagsan.

Markii laga soo gudbo dhakhatiiro-xaafadeed, waxaan sido kale heeysanaa kalkaalisooyin-xaafadeed, kalkaalisooyin ee dhinaca cudurka sonkoroowga, kalkaalisooyinka ambulaanska, kalkaalisooyinka qaabilaada, kalkaalisooyinka-hoose, xoghayaha-dhakhaatiirada, cilmi nafsi-yaqaane, kalkaaliso bukaan jimicsi iyo kalkaalisooyin ku xeel dheer dhaqdhaqaaqa iyo xanuunadiisa iyo qof ku xil dheer daryeelka lugta. Sido kale shaqadeena waxaa ku jirto howsha-ambulaanska. Waxaan lee nahay oo kale qaabilaad raajo iyo sheeybar sido kalena daryeel-iftiineed.

Familjens hus waxaa ka heleeysaa umulisooyin iyo kalkaalisooyinka-rugta caafimaadka caruurta. Markii laga soo tago umulisooyinka iyo kalkaalisooyinka-rugta caafimaadka caruurta, waxaa sido kale ka heleeysaa Familjens hus, shaqaale dugsi xananeed oo toobaran, hakaasna waqtiyo xadidan ayaa lagu qabtaa hoowl dugsi xanaaneed ee furan.

Caawinaad turjubaan

Turjumaan waa loo heli karaa xafiisyada dowladeed dhamaantood.

Xiriirka gaadiidka

Degmada waxaa isku xera gaadiidka dadweynaha. Warbixin ku saabsan jadwalka waqtiyada iyo siyaabaha kala duwan ee safarda waxaad ka helaysaa websidka degmada.

Shaqo iyo ganacsi

Inta waxaa ku yaalo IKEA Haparanda, Polarica, Degmada Haparanda, Outokumpu iyo Billerud Karlsborg.

Shirkadaha ku yaala degmadan