In loo soo guuro Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Sawirka aduunka lehna dad socda oo sita boorsooyinka safarka.

Waxaad xitaa akhriyi doontaa wixii ku saabsan noocyada kala duwan ee haajiridda, tusaale ahaan haajiridda xooga shaqo iyo haajiridda magan-gelyo doonka.

Waxaad wax dheeraad ah ka ogaan doontaa sharciyada iyo qawaaniinta raad ku yeelanaya adigaaga yimi Iswiidhan oo waxaad akhrin doontaa waxyaabo ay ka mid yihiin sharciga shaqo, sharciga degganaansho iyo dhalashada Iswiidhishka.

    Taariikh kooban oo ku saabsan u soo guurida Iswiidhan

    Intii lagu jiray qaybti labaad ee 1800-yadii waxaa qoysas badan oo jooga Iswiidhan ahaayeen sabool. Qaar badan waxay ahaayeen beeralay oo jilaalka ayaa mararka qaarkood dheeraa oo qaboobaa. Way adkayd in la helo raashin ku filnaada. Wakhtigaas 1,5 malyuun oo Iswiidhish ah ayaa ka guuray Iswiidhan. Qaar badan waxa ay ku hamiyayeen nolol sii fiican oo laga helo Ameerika oo waxay doonyo kaga talaabeen badda Atlaantiga. Xilligaas waxay Iswiidhan ahayd dal laga haajiro.

    Maanta waxaa taas baddashay in dad badan doonyo kaga soo talaabaan badda Mediterranean-ka oo ku hamiyayaan in ay yimaadaan Yurub iyo Iswiidhan. Waxaa badan dadka u soo guura Iswiidhan marka la barbardhigo dadka ka guura halkan. Imminka Iswiidhan waa dal loo soo haajiro.

    U soo haajirida Iswiidhan way kala duwanayd sanadihii la soo dhaafay. Mararka qaarkood dad badan ayaa yimi gudaha muddo wakhti kooban ah. Qaar badan waxay u yimaadaan iyadoo ay khasab ku noqotay in ay ka soo cararaan dalalkii ay u dhasheen. Qaar kalena waxay u yimaadeen in ay shaqeeyaan.

    Xilligii u dhawayd dagaalki labaad ee aduunka (1939-1945) waxaa yimi dad badan oo ka soo cararay dalalka waqooqyiga Yurub, Baaltiga iyo bariga Yurub. Intii lagu jiray 1950- iyo 1960-yadii waxaa shirkadaha Iswiidhishka u baahdeen xoog shaqo oo xilligaas dad badan ayaa halkan ugu soo guuray si ay u helaan shaqo. Qaar badan waxa ay ka yimaadeen Jarmalka, Giriiga, Yuugoslaafiya, Turkiga iyo dalalka waqooyiga Yurub. U soo haajirkan wuxuu kaalmeeyay in Iswiidhan dhaqaalaheedu aad u fiicnaaday wakhtigaas.

    Khariidad sawiran oo Yurub ah lehna dad ku soo socda Iswiidhan oo sita boorsooyinka safarka.

      Laga bilaabo soo haajirka xoog shaqaale ilaa iyo soo haajirka magangelyo doonka

      Intii lagu jiray 1970-yadii waxaa sii xumaaday dhaqaalaha Iswiidhan oo may jirin shaqooyin badan. Xilligaas dad badan may u soo guurin halkan si ay u shaqeeyaan. Laakiin qaar badan ayaa halkan yimi maadaama iska horimaadyo ka jireen dalalkooda hooyo, tusaale ahaan Jilee iyo Iiraan. Iyagu waxa ay magangelyo ka codsadeen Iswiidhan. Waxaa xitaa jiray dad badan oo halkan ugu soo guuray si ay ula noolaadaan xubnaha qoyskooda.

      1975 ayaa baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay nidaamyo siyaasadeed oo cusub. Nidaamyadaas siyaasadeed ee cusub ayaa keenay in ay u fududaato ajnabiga in ay haystaan luqadooda iyo dhaqankooda. Ajnabiga waxay xaq u yeesheen in ay helaan turjubaan marka ay la xiriirayaan hey'addaha dawladeed ee Iswiidhishka oo gudaha iskoolkana waxaa carruurtu awoodeen in la siiyo cashar ah afkooda hooyo. Soo haajiridu waxa ay abuurtay fara badnaan oo kaamaysay in la horumariyo bulshada Iswiidhishka iyo dhaqanka.

      Xilliyadii 1980- iyo 1990-yadii waxaa dagaal iyo dhibaatooyin ka jireen dhowr meelood oo hareeraha aduunka ah. Qaar badan oo magangelyo ka codsaday Iswiidhan waxa ay ka yimaadeen Iiraan, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya, Turkiga, Soomaaliya iyo Yuugoslaafiyadii xilligaas.

      Maanta waxaa Iswiidhan ku nool 10,3 malyuun oo qof. 2,6 malyuun oo ka mid ah waxa ay ku dhasheen dalka dibediisa ama leeyihiin hal ama laba waalid oo ku dhashay dalka dibediisa. Tani micnaheedu waa in boqolkiiba 25 ka mid ah dadweynaha Iswiidhishka ay asal ahaan ka yimaadeen dibediisa.

      Dhaqdhaqaaq kordhay iyo kantaroolid xoogan

      Ilaa iyo dhammaadkii 1980-yadii qawaaniinta in loo soo haajiro Iswiidhan waa la adkeeyay. Kantaroolada xuduudyada dalka taxaddarkooda ayaa dheeraad noqday oo si loo soo galo Iswiidhan waa in adigu aad haysataa dukumentiyo aqoonsi ah.

        Iswiidhan waxa ay xubin ka tahay Midowga Yurub (EU). Tani micnaheedu waa in dalalka EU-da ay waxyaabaha qaarkood si wadajir ah u go'aamiyaan socdaalka dadka, taas oo ah soo haajirida iyo ka sii haajirida oo la isku daray.

        Xilligii 1990-yadii waxa ay dalalka EU-da go'aamiyeen tusaale ahaan in dadka doonaya in ay magangelyo ka codsadaan dal ah EU-da ay taas ka sameeyaan dalka ugu horeeya ee EU-da ah ee ay yimaadeen. Qaanuunkan waxaa lagu magacaabaa Sharciga Dublin.

          Intii lagu jiray 2000-yadii waxaa isbadalay qawaaniinta loogu talogalay in loo soo haajiro Iswiidhan si looga shaqeeyo. Tani waxay ku xirantahay in EU go'aamisay in ay sahlanaato in la guuro dalalka EU-da dhexdooda. Waxa kale oo ay ku xirantahay in Iswiidhan go'aamisay in ay u sahlanaato shirkadaha Iswiidhishka ah in ay shaqaalaysiiyaan dad ka yimi dalalka ka baxsan EU-da.

          2016 waxaa soo baxay sharci ku meel gaar oo cusub kaas oo keenay in dad badan helaan sharci deganaansho oo ku meel gaar oo baddalay kuwii joogtada ahaa.

            Sharciyada iyo qawaaniinta

            Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira sharci magaciisu yahay sharciga ajnabiga. Tani waxaa ku jira qawaaniinta magangelyada, sharciga deganaansho, sharciga shaqo iyo dib u mideynta qoyska.

            Magangelyada iyo sharciga deganaansho

            Dalalka qaarkood ma la oggola in aad sheegto aragtiyaha aad doonayso adigu. Adigu waxaa lagu gelin karaa xabsi ama weliba nafta lagaa qaadi karaa iyadoo ay sabab u tahay in aad leedahay aragti siyaasadeed oo gaar ah. Adigu waxaa xitaa lagu gelin karaa xabsa ama nafta lagaa qaadi karaa haddii tusaale ahaan aad aminsantahay diin gaar ah ama leedahay dookha noocyada galmada oo gaar ah. Haddii aad ku nooshahay hanjabaad noocaas ah waxa aad gabood ka raadsan kartaa dal kale. Gaboodkaas waxaa lagu magacaabaa magangelyo. Dadka ka yimi aduunka oo dhan ayaa magangelyo ka raadsan kara oo sharci deganaansho ka heli kara Iswiidhan.

            Waxaa jira sababo dhowr ah oo lagu helo sharci deganaansho. Tusaale ahaan haddii dagaal ka jiro dalka aad degantahay, si aad dib ugula midowdo qoyskaaga, si aad wax u barato ama u shaqayso.

            Haddii la oggolaado codsigaaga magangelyo micnaheedu waa in aad heshay sharci deganaansho.

            • Sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah (TUT) micnahiisu waa in laguu oggolyahay in aad joogto Iswiidhan wakhti cayiman.
            • Sharciga deganaansho ee joogtada ah (PUT) micnahiisu waa in laguu oggolyahay in aad ku noolaato oo ka shaqaysato Iswiidhan iyadoo aanay jirin wax xadayn wakhtiga ah.

            Dad ka yimi aduunka oo dhan ayaa magangelyo ka raadsada gudaha Iswiidhan. Intii lagu jiray 2010-yadii dad badan ayaa raadsaday magangelyo, oo qaar badan ayaa xitaa helay sharci deganaansho. Sanadihii 2010-2019 isu geyn in u dhaxaysa 95 000 iyo 150 000 qof ayaa sanad walba helay sharci deganaansho. Kuwaas inta u dhaxaysa 12 000 iyo 72 000 waxay sharci deganaansho ku heleen sababtoo ah magangelyo sanad kasta.

              Sharciga shaqo

              Si adigaaga ah muwaadin ajnabi ah aad u yeelato xaqa in aad ka shaqayso gudaha Iswiidhan waxaad u baahantahay sharci shaqo. Adigu waxaad sharciga shaqo ka codsanaysaa Hey'adda Socdaalka.

              Haddii aad heshay diidmo dhanka codsigaaga magangelyo, laakiin aad shaqaynaysay wakhtigii aad ahayd magangelyo doonka, waxa aad codsan kartaa sharci shaqo oo baddal u ah sharci deganaansho.

              Att flytta till någon i Sverige

              Om du bor i Sverige kan din familj ha rätt att flytta till dig i Sverige. Det kallas att återförenas. De som kan ha rätt att flytta till dig är din maka/make, sambo eller partner och dina barn under 18 år.

              Följande gäller om din familj ska ha rätt att återförenas med dig:

              • Du har fått ett permanent uppehållstillstånd

              eller

              • Du har fått ett tidsbegränsat uppehållstillstånd men bedöms ha goda möjligheter att få ett permanent uppehållstillstånd.

              För att få ta hit din familj kan du också behöva visa att du kan försörja er och att du har en bostad som passar för hela familjen.

                Muwaadinimada Iswiidhan

                Haddii aad doonaysid in aad noqotid muwaadin Iswiidhish ah waa in aad codsi u dhiibtaa Hey'adda Socdaalka. Adigu waa in aad buuxisay 18 sano, haysato sharci deganaansho oo joogto ah oo aad haysatay oggolaanshaha in lagu noolaado Iswiidhan muddo ah wakhti cayiman. Adigaaga ka yar 18 sano waxa aad muwaadin Iswiidhish ah noqon kartaa haddii aad si wadajir ah ula codsato mid ka mid ah waalidkaaga. Hey'adda Socdaalka ayaa go'aamisa haddii aad helayso muwaadinimada.