Åre

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Åre waa degmo loogu tala galay haddii aad tahay qof jecel xarago iyo nolol firfircooni, isla markaana raba inuu ka agdhawaada adeeg degmo oo dhisan, xarumo caafimaad oo wanaagsan iyo fursado waxbarasho oo fiican.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

9483

Cabirla dhulka

7199 kiilomitir oo laba jibaaran

Halkaan waa meel ammaan ah una fiican korinta carruurta, waa degmo yar oo wax kasta kuu heysa. Degmada Åre waxaa kusoo badanaya dadka usoo guuraya waxaadna halkaan ka heleysaa dad badan oo adduuna dacalladiisa ka kala yimid. Hawo macaan, dhul dabiici ah iyo dad qali furan ayaa ah waxyaabaha keenay ineey dad badan usoo guuraan halkaan sanad walba. Soo dhowoow oo naga mid noqo!

Haweenay dhex maraysa harada dabaasha oo ay xaga dambe ka muuqato Åreskutan.

Degmada Åre waxeey ku taal gobolka Jämtland waxaana degan illaa 10 300 oo qofood. Bartamaha degmada waa xaafada Järpen oo eey degan yihiin illaa 1550 oo qofood. Degmada waxaa ka buuxa dhul dabiici ah oo aad u qurux badan oo uu qofka jeclaanayo inuu dego. waxaa ka jira shirkado badan oo kuwa dalxiiska ah shqaaleeysiiyana dad badan. shaqa bixiyayaasha kaloo waawey waa degmada shaqaalaheeda oo ka shaqeeya caafimaadka, daryeelka, iskoollada iyo waxii la mid ah.

Deegaan

Degmada Åre waxaa ku yaal fillooyin badan, guyro la kireysto iyo guryo dabaq ku yaal oo la gato. Waxaa jira guryo kireeyayaal baraayfat ah iyo shirkad eey degmadu leedahay oo heysa guryo wanaagsan weeyna fududahay inaad saf u geshid guryaha. Dadka wadanka ku cusub oo Hey'adda laanta socdaalka ka dalbado in la dejiyo degmada Åre, isla degmada ayaa ka caawineysa ineey guryo helaan.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa ku nool degmada Åre dad meelo badan ka kala yimaaday. Marka laga reebo luqadda iswiidhishka waa luqada ingiriiska. Luqadaga kale waa, carabi, faarisi, tigree, af-tigree, shiinees, teeylaandees, af-iiraan, soomaali iyo kuwo kale.

Degmada waxaa degan dad kasoo jeeda asalii hore ee Saami oo ku hadla luqada saamikoofureed.

Jaaliyado iyo ururu

Waxaa ka jira degmada jaaliyado badan qofkii xiiseynayana hidde iyo dhaqan waxa jira waxyaabo badan oo uu sameyn karo. Degmada waxeey leedahay iskool hidde iyo dhaqan oo muusik leh, qoob ka cayaar, shaleemo, maktabado badan iyo xarumo heeso.

Waxaabaha xilli firaaqaha la sameyn karo weey badan yihiin, khaasatan kuwa jecel jimicsiga. Waxaan heynaa meel lagu dabbaasho, hoolal isboortids, garoomo banooni iyo xarumaha dhalinyarada e xilli firaaqaha, hoolka fardaha, hool baraf, xarumaha ciyaaraha barafka, dhabbe loogu tala galay socodka iyo biyo mareenno fiican oo laga kalluumeysan karo.

Muuqaalka xaga sare ee jiiro barafka lagu ciyaaro iyo dad ku ciyaaraya barafka oo hoosta jooga. Wiishka kabiinka oo kor ku socda iyo muuqaalka dhulka xilliga jiilaalka oo muuqda.

Jaaliyado dhowr ah ayaa ka shaqeeya maddaalinta carruurta iyo dhalinyarada taasina waxeey keeneysaa in dadka ku cusub degmada eey ba isla markiiba la qabsadaan degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Järpen ee ah tuulada bartanka waxaa ka jira dhammaaan adeegyada degmada sida xarunta caafimaadka,adeegyada isdhexgalka, dugsiyo waxbarasho,daryeelka caruurta, xafiiska shaqada & dugsiga SFI iyo dukaanada cunada iyo maqaayado.

Åre waxaa ku yaalla kooxo dhowr ah oo ah dhammaan maqaayado, dukaano iyo hawlo firfircooni sida ku socodka ulaha barafka, dabaasha, wadista baaskiilka, doonwadista iwm.

Saabaanta (alaabta) guriga waxaad ka heleysaa Kupan, dukaanada laanqayrta cas iyo rugta qaxweysiga.

Adeegyada isdhexgalka bulshada

Bartamaha xaafada Järpen waxaa ku yaal xarunta is dhexgalka bulshada, halkaas waxaa lagaaga caawinayaa waxyaabahaan sosocda:

  • Warbixin waadix ah oo lagu bixinaayo luqad aad fahmeysid.
  • Caawimaad baraktiko ah oo laguugu tusaayo sida aad gurigaada u hagaajisan laheyd una wanaajin laheyd.
  • Ugu yaraan laba maalin isbuucii ayaad waxaad xaq u leedahay inaad tagtid adigoo xajisanin waqti xarunta adeega is dhexgalka bulshada. Halkaas waxaa lagaaga caawin karaa sida loo bixiyo kirada, sida loola xiriiro xafiisyada bulshada, in lagaa caawiyo warqadaha iyo wixii la midka ah.
  • Hal habeen isbuucii waxaa lagaa caawinayaa layliska iskoolka iyo su'aalaha kaloo aad qabtid.
  • Waxaad fursad laguu siinayaa inaad kulan kali ah la yeelatid shaqaalaha xarunta adeega is dhexgalka bulshada iyadoo turjumaan ku caawinayo.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada carruurta waxeey ku yaallaan xaafado badan oo degmada ka mid ah. Markaad inta usoo guurtid anagaa kaa caawineyno sida aad isaga diiwan galineysid Iskoolka xanaanada carruurta.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiyada hoosedhexe waxeey ku yaallaan Kall, Mörsil, Järpen, Åre, Duved, Undersåker iyo Hallen. Dugsiga sare waxuu ku yaallaa Järpen.

Furadaha waxbarasho

Sfi, iskoolka dadka waaweyn waxeey ku yaallaan Järpen, Waxaa kaloo ku yaal machadka dadka waaweyn oo lagu barto xirfado kala duwan oo ku saabsan ka shaqeynta makhaayadaha iyo dalxiiska.

Masaafo aad safar yar u galeysid ayaa waxaa ku yaal jaamacada Mittuniversitet oo heysa barnaamijyo waxbarashadeed badan.

Waxeey wada shaqeyn fiican naga dhaxeysaa xafiiska shaqada oo isagana haaya koorsooyin qofka u sahmeyso inuu shaqo helo.

Caafimaadka

Xarunta caafimadka waxeey ku taal Järpen, Hallen, Åre iyo Mörsil. Isbitaal leh qeybta dhallaanka Östersund. Xarunta ilkaha waxeey ku taal Åre iyo Järpen.

Caawinaad turjubaan

Degmada Åre Waxaad fursad laguu siinayaa inaad qabsatid turjumaan. Waxaan isku daynaa inaad isticmaalno turjumaano fadhiya meesha lagu kulmayo iyo inaanan isticmaalin kuwa taleefanka ka turjuma.

Xiriirka gaadiidka

Xaafadaha kala duwan ee degmada waxaad u qaadan kartaa bas, tareenna waxaad u qaadan kartaa Östersund, Mörsil, Undersåker, Åre iyo Duved.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa sanadaha soo socdo si fiican loogu baahnaan doonaa shaqaalaha heysta xirfadaha dhakhtarnimo, macalin, kabalyeeri, cunto kariye, bir tume iyo korontada kuwa ka shaqeeya. Waxaa kaloo iyaga jiri doono fursado shaqo oo ah dhinacyada caafimaadka iyo daryeelka, alxanka iyo garaash ka shaqeyna, gaadiidka iyo geedo jaridda.