Östhammar

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Östhammar waa degmo ku taal gobolka Uppsala waxeyna degmadu caan ku tahay hawada dabiicaga iyo deegaan tayadiisu sarreeyso, intaas waxaa usii dheer wax soosaarka ganacsiga iyo warshadaha oo si dhaqsi u kobcaya sababtuna eey tahay meesha eey degmadu ku taal oo ah meel istaraatiiji ah.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

22276

Cabirla dhulka

3713 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmadu waxeey ka kooban tahay shan xaafadood oon aad ukala fogeyn, gaadiidka wanaagsan eey degmadu leedanahay waxuu sababay in masaafada u gobollada u dhow degmada aad usoo dhawaato, gobolladaas oo kala ah Mälardalen, Uppsala, Arlanda iyo Stockholm.

Deegaan

Degmada Östhammar waxeey ka koobantahay xaafadaha Östhammar, Öregrund, Gimo, Österbybruk och Alunda. Östhammar ayaa ah bartamaha magaalada. Degmada waxaa ku nool 20 000 oo ruux. Shirkadda guryaha ee degmada waxaa la dhahaa Östhammarshem waxaana guryaheeda laga kireysan karaa xaafadaha Östhammar, Gimo, Öregrund, Alunda, Österbybruk och Harghamn. Shirkadda Östhammarshem waxeey maamushaa guryo gaaraya ilaa 1 900.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luqagada afka hooyo ahaan looga barto iskoollada degmada waa teeylaandees, carabi, tigree iyo af-soomaali. Arday kasta xaq weey u leeyihiin in luqadda hooyo eey ku bartaan iskoolka hadeey tiradoodu tahay waxeey ka badan shan arday.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada waxaa ka jira 49 jaaliyado isboortis ah iyo dhadhaqaayo kale oo xagga isdhexgalka bulshada ah, taasi waxeey keentay iney degmadu yeelato waxyaabo badan oo eey dadka degmada sameyn karaan xilliyada firaaqada. Isboortiska gaar ahaanna kubadda cagta ayaa ah isboortiska ugu caansan degmada. Waxaa kaloo jira jaaliyado iyo ururo diimeed iyo kuwo siyaasadeed oo iyagana qeyb ka ah jaaliyadaha degmada taasna waxeey keeneysaa in jaaliyado nuuc walba isugu jira laga helo degmada.

Maxaa ka ag dhaw

Dukaanka cuntada ee ICA Supermarket ayaa ku yaal qeebaha kaal duwan ee degmada. Xafiiska shaqada waxuu ku yaal xaafadaha Gimo iyo Östhammar. Maktabadahana waxeey ku yaallaan Östhammar, Gimo, Österbybruk, Alunda iyo Öregrund. Degmada waxeey leedahay golaha wumaadiniinta oo loogu tala galay in muwaadiniinta degan degmada eey ra'yigooda ku saabsan arrimaha degmada geeyaan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Östhammar waxeey leedahay 12 dugsiyada xanaanada carruurta ah oo eey dowladdu leedahay iyo 10 dugsiyada xilli firaaqeedka ah.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Waxeey degmadu leedahay 14 dugsiyada hoosedhexe ah. Waxaa kaloo jira Resursskolan oo loogu tala galay ardayda caawimaadda gaarka ah u baahan. Iskoollada noocaas oo kale waxeey ka jiraan degmada oo dhan.

Degmada Östhammar waxaa ka jira fya dugsiyada sare ah. Seddax kamida waa kuwo eey dowladdu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay. Waxaa kaloo jira heshiis eey degmadu la geshay degmooyinka Uppsala iyo Tierp oo dhigaya in arday degan degmooyinkaas eey heli karaan barnaamij waxbarasheed kasta oo eey rabaan.

Furadaha waxbarasho

Degmada Östhammarwaxaa kaloo ka jira iskoollada dadka waaweyn oo waxbarasho kala duwan kuu haya. Waxaana jira heshiisyo eey degmadu la gashay degmooyin kale oo dhigaya inaad wax ka baran kartid degmooyinkaas haddii waxa aad jeceshahay inaad barato eeysan oollin degmada.

Caafimaadka

Degmada dhexdeeda waxaad ka qayb qaadan kartaa noocyada kala duwan ee daryeelka caafimaad. Waxaad ka heli kartaa xarun caafimaad ee arimada dadweynaha iyo waxaad kale ee hili kartaa xarunta daryeelka carruurta, xarurta daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilkaha. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixio dheeraad ah oo ku saabsan halkuu qofku ka helo karo waxa ku saabsan daryeelka kala duwan ee caafimaadka.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Waxaa jira gaadiid bas oo ahlkii saacba laba mar aada degmooyinka mellan Öregrund-Östhammar-Gimo-Uppsala. Waxaa jira bas isna laba mar halkii saacba ka baxa Österbybruk kuna geeynaya meesha uu kaxo tareenka Upptåget.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxaa ka dhisan 15 shirkado oo qeeybo kala duwan leh. Maadaama eey Östhammar u dhowdahay gobolka Uppsala oo ah gobolka ugu dhaqaalaha wanaagsan iswiidhan oo dhan, waxaa la dhihi karaa in jaanisyada shaqaale ee degmada eey badanyihiin. Wax soosaarka dhaqaalaha intisa badan waxuu ka yimaadaa shirkadaha wax soosaarka sida Forsmarks kärnkraftverk iyo Sandvik Coromant, waxaa kaloo jira shirkado kale oo nooc walba isugu jira oo wax ka geeysto kobcinta dhaqaalaha e degmada.

Shanta shaqo-bixiye ee ugu weyn degmadan waa Degmada Östhammar, Sandvik Coromant, Forsmark Kraftgrupp, Maamulka Gobolka Uppsala iyo shirkadda Iss Facilities Services. Sal-dhigashada dhinaca keydka shidaalka iyo qodista macdanta ee ku taala Dannemora waxaa la filayaa in xitaa iyanna ay keento in fursado shaqo oo cusub ka abuurmaan degmadan.

Jaanisyo shaqo oo badan waxeey ka jiraan degmooyinka iyo gobollada u dhow degmada oo masaafo yar u jira degmada, gaar ahaan gobollada Uppsala iyo Sstockholm oo sida shaqo looga helo fududahay hadaad wadanka ku cusubtahay.