Jokkmokk

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Jokkmookk waxey ku taala bartama wareega cirifika, waana degmaad labaad ee Iswiidhan ugu weeyn markii hdhul ahaan loo fiiriyo. Jokkmokk waa bartamaha goobata la kulanka samiga, waxeeyna caan ku tahay suuqa-jilaalka ee sanaadeed kaasi oo sanadko la xuso bilaawga bisha febraayo. Degmada waxa ku yaalo hal qeeyb oo ka mid ah meesha-dhaxalka-aduunka; Laponia. Halkaas waxaa ku yaal afarta jirdiin ee waa weeyn, Sarek, Padjelanta, Stora Sjöfallet iyo Muddus.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

4928

Cabirla dhulka

19334 kiilomitir oo laba jibaaran

Nin haya cawl geeso waaweyn leh oo jiidaysa qalab. Waa jiilaal oo baraf ayaa yaala dhulka.

Deegaan

Shirkada guriyeed ee degmada Jokkmokkshus waxeey soo bandhigeeysaa guriyo fiican oo ku yaalo xaafadaha dhisan iyo xaafadaha ka yar ee Porjus iyo Voullerim. Sido kale weey jiraan shirkado gaar guri uu leh oo kireeyo guriyaasha. Qaxootiga ka tirsan, taabo gelinta isku diwaha qaxootiga degmada ayaa ku caawinaayo guri-helid. Inta qaabilaada la sugaayo, guriga waxaa lagu sii qalabeeynaa wax yaalaha asaasiga ah ee guriga. Alaabtaan guriga waa la sii heeysan karaa haddii degmada la sii joogo ugu yaraan 2 sano.

Guri weyn oo huruud ah oo ku yaala deegaan duur ah oo baraf qariyay. Dayaxi ayaa iftiiminaya barafkii yaalay dhulka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Halkaan waxaa joogo dad uu dhashay dalal kala duwan, hadda luuqadaha ugu weeyn waa af faarisi/dari, af soomaali, af tigrinya, af carabi, af rush iyo afka thayland.

Jaaliyado iyo ururu

Kaniisada Iswiidhan, Salem iyo kaniisada bingist degmada waa ku matalanyihiin. Urur muslimeed waa ka maqan yahay degmada, sidaas darteed markii la xusaayo sanadka-cusub ee islaamka, waxaa la qabqaabiyaa safar-bas oo ku socdo Luleå si markaasi si wadajir ah loola xuso ururka halkaas ka jiro.

Qof ku dul ciyaaraya barafka yaala banaanka. Qofkan wuxuu xiranyahay maryo huruud oo matalaya digaaag.

Maxaa ka ag dhaw

Inta waxaa ku yaalo dukaamo, maktabad, xafiiska shaqada, xafiiska degmada oo loogu tala galay qaabilaad soo galooytiga cusub. Dukaamo gacan labaad ah, maqaayado, kafeteeriyo, goob-jimicsi, goob-isboorti iyo dabaal. Buur dheer oo barafeed oo ku yaalo Kåbdalis, 6 maayl jirto iyo fursadooyin kale oo lee helo karo howlo xilliga xagaaga iyo jilaalka, tusaale ahaan ciyaarta xeegada barafka, kubada cagta, baasket iyo ciyarta bandy. Iskuul dabaal oo loogu tala galay dumarka iyo caruurta.

Afar qof oo ku dabaalanaya barkad dabaal oo banaanka ku taala. Laba qof ayaa dhinac taagan barkada oo daawanaya. Koonahaasna barkadana waxaa ku taala qalabka lagaga soo siibto biyaha.

Dalyeelka carruurta

Halkaan waxaa ka jiro howl dugsi xanaaneed ee degmadeed, gudaha Jokkbokk iyo Porjus iyo Voullerim. Inta badana mudo-la sugo ma jirta ama weey gaaban tahay mudada la suga dugsiga xanaanada iyo goobta-xili firaaqeedka.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Dugsiga hoose-dhexe ee degmada iyo dugsi sare waxuu ku yaala xaafadaha-dhisan. Dugsiga hoose ee loogu tala galay da'da hooseeyso (fasalka 1 ilaa 5) waxeey sido kale ka jiraan Porjus, Voullerimna waxaa ku yaalo dugsi madaxbanaan oo isla da'daas loogu tala galay. Waxaan lee nahay fasalo diyaaris oo ku yaalo gudaha xaafadaha-dhisan oo fiican laguna tala galay caruurta iyo dhalinyarada dalka ku cusub.

Furadaha waxbarasho

Halkaan waxaa ka jiro fursad fiican ee waxbarasada dadka waa weeyn, labado qeeyboodba ee waxbarasho hoose-dhexe-sare iyo jaamacadeed. Waxaan lee nahay xarun-waxbarasho oo siifcan uu shaqeeyso, halkaana waxaa laga helaa waxbarashada luuqada iswiidhiska, waxbarashada dadka waa weeyn iyo mida gaarka ah, waxbarashada xirfada shaqada iyo waxbarasho fursadeed oo masafaad looga dhiganaayo jamacada ku taalo Luleå iyo Umeå. Sido kale xarunta-waxbarashada, waxaa laga howl wadaa waxbarashada-bulshada, ayadoo looga qeeyb qaadaanaayo shir-fiideeyo iyo af hooyo. Mudo-waqtiyeed oo la sugo waxbarashada luuqada iswiidihiska (ee spoo galooytiga) ma jirto.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka, daryeelka hooyooyinka iyo rugta xarun daryeelka caruurta waxeey ku yaalaan xafadaha-dhisan ee Jokkmokk. Daryeel takhakhus leh waxaa laga helaa masaafaf surtagal eh, waxaa lagaa helaa Gällivare iyo Sunderbyn. Daryeel ilkaha ee dadweeynaha waa laga helaa meesha.

Caawinaad turjubaan

Waa jirta fursad lagu helo caawinaad-turjumaan markasto oo xariir lala yeelanaayo hey'addaha dowladeed. Inta badan khadka telefoonka uu turjumaanka ku jiraa, luuqado qaarkood caawinaad-turjumaan isla degmada gudaheed ayaa lagu helaa.

Xiriirka gaadiidka

Xariir-bas oo fiican ayaa tago Gällivare iyo Luleå, xarunta-tareeynka Murjek, afar mayl oo uu jirto xaafada. Xilliga-xagaaga tareeynka waxuu mara wadada-gudaha oo marto Jokkmokk. Xariir-diyaradeed waa laga helaa Gällivare iyo Luleå. Diyaarada Luleå Stockholm waxeey qaadataa ku dhawaad hal saac.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waa shaqo-dhiibaha ugu weeyn, qeeybo ka mid ah maamulkana waxa looga baahan yahay inta badana shaqaale-ku meel gaar ah, gaar ahaan shaqada xanaaneeynta waayeelada. Sanadooyinka soo socdo, dad badan ayaa hawlgab noqon doono taasi oo mecnaheed tahay in baahida shaqalaaha qeeybtaan gudaheed, badan doonto.

Shirkadooyin badan ayaa ka ka jiro meeshan oo ka howl galo qeeybo badan oo kala duwan, oo leh hal shaqaale ama ka badan. Lagaa yaabaa in aad adiga ka mid noqon kartid? Ama laga yaabaa in aad adiga rabtid tartiib tartiib shirkad gaar ah furato. Markaas caawinaad laga heli karo ayaa jirto xafiiskeena-shirkadeed Strukturum!

Inta lagu jiro mudada xagaaga, Jokkmokk waa meel-dalxiiseed oo si fiican loo soo booqdo, taasi oo mecnaheed tahay in ee fursada shaqaleeynta-mudada ee weeyn tahay. Warshada-macdan soo saarida, shaqo dhiibe weeyn ayee ka tahay gobolka oo dhan, mana ugu yaro degmada-dariska Gällivare. Dad badan ayaa maalinkasto tareen uu raaco inta uu dhaxeeyso degaanka Jokkmokk iyo goobta-shaqada Gällivare.