Mullsjö

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Xaalada degmada aad ee uu fiican tahay oo loogu tala galay oo rabo in ee dagaan bey’ad xooga degan laakin isla markaas rabo dhawanaanshaha magaalo weeyn. Ma uu baahnid in aad ka tagto degmada maadama ee qani ka tahay soo bandhigida adeega iyo hoowlo firfircoon ee dibadeed oo la heli karo.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

7339

Cabirla dhulka

211 kiilomitir oo laba jibaaran

Deegaan

Meelaha Mullsjö iyo Sandhem labadii qofka hal ka mid eh waxuu dagan fillo leh jirdin iyo aragti-bananeed oo fiican. Laakin meelahees lee ma ahan meelaha soo jiidashada leh, baadiyaheena nolol leh, waxaa degan in ka mid ah dadka degan degmada. Shirkada guriyada ee degmada, Mullsjö bostäder, waxeey guriyaal la kireeyo ku lee dahay Mullsjö iyo Sandhemba. Sido kale degmada gudaheeda waxaa ku yaalo shirkado yaryar oo guriyaha kireeyo.

Mullsjö oo laga arko dhinaca biyaha lehna noocyo guryo kala duwan ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Luuqadaha dad joogo ee hadda ku hadlaan waa af faarisi/daari iyo af cari. Dadka luuqado kale ku hadllo waxeeyis badaleeysaa maadaama loo soo guuraayo iyo laga guuraayo. Fadlan la xariir isku-duwaha degmada si aad uu hesho warbixinta hadda oo ku saabsan luuqadaha degmada ka jiro.

Jaaliyado iyo ururu

Degmadeena waxaa ku yaalo ku dhawaad 100 ururo. Tusaale ahaan ururo sameeyn, ururo isboorti iyo ururo kaniisado oo kala duwan.

Maxaa ka ag dhaw

Mullsjö waxeey lee dahay bartame yar oo leh labo dukaan raashineed, iyo dhowr dukaamo oo tafaariiq leh, maktabad, xafiiska shaqada, farmashiye iyo xafiiska bulshada. Waxeey lee dahay dukaamo gacan labaad. Si ee uu helaan soo bandhigid inta ka weeyn waxeey dad badan oo degmada degan doortaan in ee aadaan magaaladeena weeyn, Jönköping.

Qof saaran baaskiin meesha jidka baaskiilada oo xaga dambena ka muuqdo dukaanka pressbyrå.

Dalyeelka carruurta

Degmada Mullsjö waxeey rabtaa in ee soo bandhigto xanaaneeyn-caruureed iyo iskuul oo lagu yaqaano amaan, wax soo saarid, waxbarasho iyo hormarid loogu tala galay in la sameeyo asal fiican oo loogu tala galay waxbarashada nolosha oo dhan.

Waxaa jiro dugsi xanaaneed ee degmada lee dahay iyo sadax madaxbanaan. In kale oo ku saabsan dugsi xanaaneed kasto waxaad ka akhrisan kartaa bogga internetka degmada.

Degmada Mullsjö ma kala wado dugsi xanaaneed oo furan oo lee dahay, laakin kaniisada Iswiidhan iyo kaniisada bingst ayaa leh dugsi xanaaneed furan oo ku yaalo degmada.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada waxaa ku yaalo afar dugsi hoose-dhexe oo loogu tala galay 6-15 sano. Waxeey ku kala qeeybsan yihiin labo qeeyb-iskuuleed.

Ardayda 16 sano jiro ama ka weeyn, dugsi sare waxuu ku yaalaa Jönköping ama magalooyin kale oo dhaw Mullsjö.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn, sidii waxbarashada iswiidhishka ee soo galooytiga iyo waxbarashada bulshada, waxaa si gacan-koobad ah taasi lagu qabtaa Jönköping. Degmada waxaa ku yaala dugsi dadka waa weeyn loogu tala galay.

Magaalada ugu dhow oo leh jaamacad waa Jönköping.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.

Caafimaadka

Mullsjö waxaa ku yaalo rug caafimaad. Sido kale inta waxaa ku yaalo daryeelka caafimaadka dumarka iyo daryeelka caafimaaadka caruurta iyo daryeelka ilkaha. Isbitaalka iyo qaabilaada degdega ugu dhaw waxeey ku taala Jönköping.

Xarunta degmada, guri jaajuur ah oo weyn ahna guduud.  Tabeelooyin banaanka ah ayaa sheegaya inay dhismahan laga helayo xarunta degmada, rugta caafimaadka iyo dhakhtarka daryeelka ilkaha.

Caawinaad turjubaan

Degmada Mullsjö waxeey turjumaanada ka dalbataa Jönköpings tolk- och översättareservice.

Xiriirka gaadiidka

Isgaarsiin fiican ee Mullsjö la lee dhay meelaha kale ee Iswiidhan ku yaalo, ayadoo loo raaci karo bas iyo tareen. Tusaale ahaan safarka ku socdo Jönköping qaataa:

  • Laga raaco Mullsjö bartamaheeda tareen, 21 daqiiqo ama 35 daqiiqo oo bas.
  • Laga raaco Sandhem tareen, 32 daqiiqo.

Haddii tareen laga qaato Mullsjö bartamaheeda, waxeey qaadaneeysaa 1 saac iyo 40 daqiiqo ilaa Göteborg, ilaa Malmö waa 3 saacadood iyo 10 daqiiqo iyo ilaa Stockholmna 3 saacadood iyo 20 daqiiqo.

Shaqo iyo ganacsi

Wax soo saarka ganacsiga iyo warshadaha ee Mullsjö waxuu lee yahay tageero joogta ah. Shirkadeeynta hada iyo boqolkii sano oo ugu danbeeyay waa mid weeyn, si rabid lehna ayaa uga hadleeynaa jawiga-Mullsjö. Degmada waxaa ku taalo dhowr warshado.

Dad badan oo dagan Mullsjö ayaa tareen uu raaco goobo-shaqo ku yaalo magaalo weeyn oo ku hareero degmada, tusaale ahaan Jönköping.