In la helo shaqo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 5 7 2018

Waxaad shaqo u raadin kartaa qaabab kala duwan.

  • Waxaad tegi kartaa Xafiiska Shaqada oo shaqo ka raadin kartaa xayaysiisyadooda shaqooyinka banaan.
  • Waxaadla xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaysiinta. Shirkad shaqaalaysiin waxay shaqaale ka kireeyaan shirkado kala duwan.
  • Waxaad la xiriiri kartaa shirkadaha shaqaalaha qora. Shirkad shaqaale qortaa waxay dad u heshaa shirkad doonaysa ina shaqaalaysiiso shaqaale cusub.
  • Waxaad ka jawaabi kartaa xayaysiisyada joornaalada maalinlaha ah ama ku yaala Intarnatka.
  • Waxaad la xiriiri kartaa shaqo bixiye.
  • Waxaad weydiin kartaa dadka aad garanayso.

Si loo shaqeeyo oo loo helo mushaaro waxaad u baahantahay inaad xisaab bangi taas oo lagu soo shubi karo mushaaradaada.