Isu diyaari shaqo gudaha Iswiidhan
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 28/4-2025
Siyaabo kala duwan ayaad isugu diyaarin kartaa in aad ka shaqaysato dalka Iswiidan. Halkaan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan adeegyada kala duwan ee aad ka isticmaali karto Xafiiska Shaqada. Waxaad sidoo kale ka akhrisan doontaa waxa aad u baahantahay in aad samayso haddii dalka dibediisa aad wax ku soo baratay oo aad rabto in aad waxabarasha ku sii wadato Dalka Iswiidan.
Akhriso warbixin dheeraad oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee Xafiiska Shaqada laga helo
Haddii aanad hubin nooca xifadda ee kugu haboon ama macnaha xirfadaada u dalka Dalka Iswiidan ka leehayay, waxaad isticmaali kartaa adeegga Xafiiska Shaqada "Hitta yrken". Adeeggan waxaad ka akhrisan kartaa waxyaabo ay ka mid yihiin
- hawlaha xirfadaha kala duwan
- fursadaha shaqada ee xirfadaha kala duwan laga helo
- nooca waxbarasho iyo khíbradaha aad u leedahay xirfadaha kala duwan ee aad shaqo ku heli karto.
Waxa kale oo jira filimaan tilmaamaya dhowr ka mid ah xirfadaha.
Sameyso astaan ku gaar ah taasoo suurtagelin doonto in shaqo-bixiyayaasha kula soo xiriiraan
Shaqo-bixiyayaasha si fudud ayay kula soo xiriiri karaan haddii Xafiiska Shaqada aad ka soo bandhigto karti-xirfadeedkaaga. Astaanta xirfadeed ee ku gaarka ku soo qor karti-xirfadeedkaaga iyo khibradaha aad u leedahay.
Dhisida astaanta xirfadeed darteed waxaad u baahan tahay e-mail.
Haddii aad leedahay waxbarasho dalka dibediisa ah
Waxaad turjumi kartaa shahaadooyinkaaga ama helaysaa in waxbarashadaada dal dibedda ah la qiimeeyo xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon. Waa qaab fiican oo la isugu diyaarin karo in shaqo laga raadsado gudaha Iswiidhan.
Turjumida shahaadooyinka dalka dibediisa ah
Haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah waxaa khasab ah inaad turjuntid dukumentigaaga waxbarashadan, haddii ay ku qoranyihiin luqad kale oo aan ahayn ingiriisi, faransiis, isbaanish, jarmal ama luqadaha waqooyiga Yurub.
Turjumidan waa inay sameeyaan turjumaano takhasus ah lagana dhigo iswiidhish ama mid ka mid ah luqadaha kor ku qoran.
Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale
Waxaa kale oo aad heli kartaa in waxbarashadaada dalka dibediisa laguu qiimeeyo. Tani waxay tahay in guddida jaamicadaha sare iyo jaamicadaha ay qoraan warbixin
caddaynaysa waxa waxbarashadaadu u dhiganto dhanka nidaamka waxbarasho ee iswiidhishka.
Adigu uma baahnid inaad haysato sharci deganaansho ka hor intaanad codsan qiimeyntan. Waxaa kugu filan inaad codsatay sharciga deganaanshaha oo aad haysatid kaarka LMA-ga.
Adigu waxaad soo diraysaa koobiga baasaboorkaaga iyo koobiga kaarkaaga LMA-ga oo aad soo raacinaysaa codsigaaga.