Bilow shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyo doonka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/6-2025

Adigu waad bilaabi kartaa shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga aad tahay magangelyo-doonka. Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa waxaad u baahan tahay inaad sameyso.

Si aad u furato shirkad gaar kuu ah waa in

  • laguu ansaxiyay canshuurta shirkadleydu bixiso
  • haysato lambarka isku-dubaridka ee (samordningsnummer).

Canshuurta shirkadleydu bixiso

Si aad u bilowdo ganacsi adiga kuu gaar ah waa in laguu ansaxiyay canshuurta shirkadleydu bixiso. F-skatt waxaa loo soo gaabiyay canshuurta shirkadleydu bixiso. In laguu ansaxiyo canshuurta shirkadleydu bixiso waxaad ka codsan kartaa Hey’adda Canshuuraha boggeeda intarnetka.

Lambarka isku-dubaridka (samordningsnummer)

Lambarka isku-dubaridka (samordningsnummer) waa lambar aqoonsi oo loogu talagalay adigaaga aan haysan lambarka shakhsiga. Waxaad lambarka isku-dubaridka (samordningsnummer) ka heli kartaa Hey’adda Canshuuraha marka aad codsanayso in laguu ansaxiyo canshuurta shirkadleydu bixiso.