Bilow shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyo doonka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/4-2025
Adigu waad bilaabi kartaa shirkad gaar kuu ah inta lagu jiro wakhtiga adigu aad tahay magan-gelyo doon.
Si loo bilaabo shirkad gaar kuu ah waxaa khasab ah in adiga:
- Laguu ansaxiyay canshuurta shirkadaha. Tani waxaa lagu magacaabaa F-skatt.
- Haysato lambarka isku dubaridka
Canshuurta shirkadaha
Canshuurta shirkadaha waxaa loo soo gaabiyaa F-skatt. Shirkadaha oo dhan waa inay haystaan oggolaanshaha F-skatt lagana helo Hey'adda Canshuuraha. Waxaad bogga intarnatka ee Hey'adda Canshuraha ka codsan kartaa in laguu oggolaado F-skatt.
Akhri dheeraad ku saabsan F-skatt
Lambarka isku dubaridka
Lambarka isku dubaridka waa nooc ah lambarka shakhsiga oo ku meel gaar ah. Adigu laf ahaantaada ma codsan kartid lambarka isku dubaridka. Haddii aad F-skatt ka codsatid Hey'adda Canshuuraha waxay Hey'adda Canshuuruhu kuu codsan kartaa lambarka isku dubaridka.