In la codsado magan-gelyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/4-2023

Waa inaad codsigaaga magan-gelyo ka dhiibataa mid ka mid ah Hey'adda Socdaalka xarumaheeda la iska dhiibo. Hey'adda Socdaalka xarumaheeda la iska dhiibo waxay ku yaalaan Göteborg, Malmö iyo Stockholm.

Caruurta yimi Iswiidhan iyadoo aanay waalid la socon waxay codsi magan-gelyo ka samayn karaan Boden, Norrkköping, Sundsvall, Umeå, Uppsala iyo Örebro.

Codsi kasta oo magan-gelyo waxaa loo eegaa si shakhsiyan ah. Tani micnaheedu waa in Hey'adda Socdaalku ay baari doonto sababta adigu aad magan-gelyo uga codsanayso Iswiidhan.

Tani waa inaad samaysaa marka aad codsanayso magan-gelyo:

  • Buuxi foomamka su'aalaha ku saabsan tusaale ahaan magacaaga, dalka aad u dhalatay iyo qoyskaaga.
  • U dhiib baasaboorkaaga ama aqoonsiyadaada kale si aad u caddayso qofka aad tahay.
  • Ha lagu sawiro.
  • Dhiib sawirka farahaaga. Sawirka faraha waxaa loo isticmaalaa si loo eego in adigu aad magan-gelyo ka codsatay dal kale oo ku yaala Yurub, ama haddii aad haysato sharci ama lagaa mamnuucay inaad joogtid dal ku yaala gudaha Yurub.
  • Qofka aad tahay u sheeg Hey'adda Socdaalka. Waxaad helaysaa caawimaada turjumaan inaad ka sheekayso tusaale ahaan sababta aad uga soo tagtay dalkaaga iyo sida aad ugu soo safartay Iswiidhan.
  • Codso taageero dhaqaale haddii aanad haysan lacag gaar kuu ah. Waxaad heli doontaa kaar bangi iyo warbixin ku saabsan nooca taageerada dhaqaale ee aad adigu codsan kartid.
  • Hel warbixinta ku saabsan nidaamka magan-gelyada, waxa ay tahay talaabada ku xigta iyo waxa ay tahay inaad samayso.
  • Hel warbixint ku saabsan arrimaha waaqiciga ah. Tusaale ahaan xaqa aad u leedahay guri iyo daryeel caafimaad iyo iskoolka caruurta.

Ka dib markaad dhiibato codsigaaga magan-gelyo waxaad heli doonta warqad. Tani waa caddaynta in adigu aad codsatay magan-gelyo.

Shaqaale jooga Hey'adda Socdaalka ayaa samaynaya guud marka codsigaaga magan-gelyo. Shaqaalahan ayaa samaynaya guud marka wixi adigu aad sheegtay iyo raadinti sawirka farahaaga wixi laga arkay. Shaqaalahan ayaa ka dib go'aaminaya inta ay leegtahay baaritaanka ay tahay in lagu sameeyo codsigaaga.

Adigu waxaad heli kartaa gar-yaqaan haddii shaqaalahani qiimeeyaan in aad u baahantahay. Gar-yaqaan waa sharci yaqaan ama qareen kaas oo kaa caawin kara codsigaaga magan-gelyo.

Shaqaalahan ayaa kula soo xiriiri doona haddii wax ka dhimanyihiin codsigaaga. Tani waxay noqon kartaa tusaale ahaan haddii aanad dhiibin wax ah dukumentiyo aqoonsi markii aad dhiibtay codsigaaga magan-gelyo.

Hey'adda Socdaalka waxay lahaan kartaa safaf dhaadheer oo waxaad sugi kartaa wakhti dheer in aad timaado baaritaanka magan-gelyo. Wakhtiyada sugitaanka way ku kala duwanaan karaan dadku. Codsiyada magan-gelyo oo dhan way kala duwanyihiin oo sidaas darteed ayay dhererka wakhtiga in lagu baaraa u kala duwantahay.

Markay noqoto doorkaaga inaad timaado baaritaanka magan-gelyada waxay Hey'adda Socdaalku kuu soo diraysaa warqad. Warqadan waxaa ku qoran goorta iyo meesha ay tahay inaad kula kulanto Hey'adda Socdaalka shaqaalaheeda.

Waa muhiim inaad u sheegto Hey'adda Socdaalka haddii aad guurto si ay iyagu u hayaan cinwaankaaga marka ay kuu soo dirayaan warqadan.

Baaritaan magan-gelyo waa wada-hadal aad kaga sheekaynayso qofka aad tahay iyo sababta aad u soo carartay. Adigu waa inaad xitaa sheegtaa waxa ay kula tahay inay kugu dhacayaan haddii ay khasab kugu noqoto inaad ku noqoto dalkaaga.

Inta lagu jiro baaritaanka magan-gelyo waa khasab inaad sheegto runta. Adiga ayay ku saarantahay mas'uuliyada inaad sheegto dhamaan sababahaaga aad u codsanayso magan-gelyo. Adigu maaha inaad ka tagto wax micno u yeelan kara codsigaaga magan-gelyo. Tani waxay raad ku yeelan kartaa Hey'adda Socdaalka qiimeynteeda codsigaaga magan-gelyo haddii adigu aanad sheegin runta ama aad baddesho sheekadaada. Haddii aad haysato caddayn dheeraad ah oo aad doonaysid in Hey'adda Socdaalku eegto waa inaad u soo qaadataa baaritaanka.

Ka dib marka baaritaanka magan-gelyada uu dhaco ee Hey'adda Socdaalku samayso qiimeynteeda waxaad helaysaa go'aanka ah haddii codsigaaga magan-gelyo la oggolaaday ama la diiday.

Sabata magan-gelyo ee caruur waxaa loo eegaa si gaar ah. Caruur waxay lahaan karaan sababo magan-gelyo oo aan ahayn kuwa waalidku leeyihiin.

Caruurta magan-gelyo si wada-jir ah ula codsada waalidkooda waxay xaq u leeyihiin inay la kulmaan shaqaalaha Hey'adda Socdaalka, haddii waalidku oggolaadan arrintan. Marka caruurta sababtooda magan-gelyo la baarayo waa in Hey'adda Socdaalka Shaqaalaheedu baaritaanka ku haboonaysiiyaan caruurta da'dooda, bislaantooda iyo caafimaadkooda.

Caruur waxay xaq u leeyihiin in qof weyn la joogo xilliga baaritaanka. Qofkani wuxuu ahaan karaa waalid, qof kale oo haysta mas'uuliyada sharci ee ilmaha ama gar-yaqaanka. Caruurta keligood yimi waxay mar kastaba xaq u leeyihiin in wakiilkooda caruurta la joogo xilliga baaritaanka.