In la yimi Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/4-2023

Marka aad timaado Iswiidhan waa inaad isla markiiba codsataa magan-gelyo.

Haddii aad la kulanto booliiska xuduudaha marka aad timaado Iswiidhan

Haddii aad la kulanto booliiska xuduudaha marka safar ku soo gashid Iswiidhan waa inaad iyaga u sheegtaa in aad doonaysid inaad codsatid magan-gelyo. Booliiska xuduudaha waxay joogaan tusaale ahaan meesha lagu kantaroolo baasaboorada ee eerbooryada, xarumaha gaadiidka badda iyo meelaha ay ku soo dagaan tareenada iyo basaska yimaada Iswiidhan. Booliiska xuduudaha waxay ku weydiin doonaan dhowr su'aalood. Ka dib ayaad adigu la kulmaysaa Hey'adda Socdaalka taas oo kaa qaban doonta codsigaaga magan-gelyo.

Haddii aanad la kulmin booliiska xuduudaha markaad timaado Iswiidhan

Haddii aad joogto Iswiidhan waa inaad adigu la xiriirtaa Hey'adda Socdaalka. Adigu waa inaad tagto mid ka mid ah Hey'adda Socdaalka xarumaheeda la iska dhiibo.

Hey'adda Socdaalka xarumaheeda la iska dhiibo waxay ku yaalaan Göteborg, Malmö iyo Stockholm. Caruurta yimi Iswiidhan iyadoo aanay waalid la socon waxay codsi magan-gelyo ka samayn karaan Boden, Norrkköping, Sundsvall, Umeå, Uppsala iyo Örebro.