Go'aanka codsiga magangelyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023

Ka dib marka Hey'adda Socdaalku samayso baaritaanka magangelyada ayay sameeyaan qiimeynta. Markaas ka dib ayaad helaysaa go'aanka ah haddii codsigaaga magangelyo la oggolaaday ama la diiday.

Go'aankan wuxuu ku salaysanyahay sheekadaadi iyo caddaynti aad dhiibtay si ay u taageerto wixii aad ka sheekaysay. Waxaa kale oo ay xitaa ku salaysantahay waxa Hey'adda Socdaalku ka ogtahay xaalada ka jirta dalkaaga.

Hey'adda Socdaalka shaqaalaheeda ayaa kuu sheegaya go'aankan

Marka ay Heya'dda Socdaalka gaarto go'aan waxay kuu soo dirayaan warqad. Warqadan waxaa ku qoran goorta iyo meesha ay tahay inaad kula kulanto Hey'adda Socdaalka shaqaalaheeda.

Shaqaalahan ayaa kuu sheegaya haddii codsigaagi magangelyo la oggolaaday ama la diiday. Shaqaalahan ayaa xitaa kuu sheegaya sida ay Hey'adda Socdaalku u soo gaartay go'aankan.

Mararka qaarkood waxaad la kulmaysaa shaqaale ka hor intaan Hey'adda Socdaalku qaadan go'aan. Markaasi shaqaalahan ayaa kaala hadlaya wixi ku saabsan xuquuqda aad leedahay iyo waxa dhici doona marka aad hesho go'aankaaga.