Diidmo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 18/3-2024

Haddii codsigaaga magan-gelyo doon la diido taas micnaheedu waa in Hey’adda Socdaalka qiimeysay in aanad haysan sababo ku filan in laguu oggolaado inaad joogto Iswiidhan.

Haddii aad hesho diidmo waxaad haysataa saddex doorasho:

  • In aad rafcaan ka qaadato go'aankan
  • In aad ku noqoto dalkaagi ama dal kale oo aad ka haysato sharci aad ku joogto.
  • In aad codsato sharci shaqo, haddii aad shaqo ku haysato gudaha Iswiidhan.

Waa inaad bilowdo inaad qorshayso safarka aad ku noqonayso, iyadoo aan loo eegayn haddii aad doorato inaad rafcaan qaadato ama in aad dib u noqoto. Haddii aad wada-shaqayn la samayso Hey'adda Socdaalka waxay kaa caawin karaan safarka aad dalkaaga ugu noqonayso.

Go'aankani wuxuu badanaaba dhaqan galaa saddex toddobaad ka dib markaad heshay. Waa inaad ka tagtaa Iswiidhan marka go'aankani bilaabmo inuu dhaqan galo ee aanay sii socon karin in rafcaan laga qaato.

Haddii aanad aqbalin Hey'adda Socdaalka go'aankeeda waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato.

Go'aanka Hey'adda Socdaalka waxaa ku qoran dhererka wakhtiga aad haysato inaad rafcaan ku qaadato. Tani badanaaba waa saddex toddobaad oo ka bilaabanta marki aad heshay go'aankan.

Haddii aad leedahay gar-yaqaan waxaa gar-yaqaankani kaa caawin karaa inaad rafcaan qaadato.

Rafcaanka u gudba Maxkamadda arrimaha socdaalka

Haddii aad doonaysid inaad rafcaan ka qaadato Hey'adda Socdaalka go'aankeeda waa inaad warqad u qortaaa Hey'adda Socdaalka. Halkaasi waainay ku qornaataa:

  • Go'aanka uu yahay ka aad doonaysid in Hey'adda Socdaalku ay baddasho.
  • Sababta aad u doonaysid in Hey'adda Socdaalku ay u baddasho go'aankan.
  • Macluumaadkaaga shakhsiga ah.
  • Lambarka dacwadaada. Lambarka dacwadaada wuxuu ku qoranyahay kaarkaaga LMA-ga.
  • Lambarka telafoonka iyo cinwaanka ay Hey'adda Socdaalka ama maxkamaddu kaa heli karto.

Hey'adda Socdaalku waxay eegaysaa rafcaankaaga si loo eego haddii go'aankan la baddalayo. Haddii Hey'adda Socdaalku u aragto inay sameeyeen go'aan qalad ah way baddali karaan go'aankooda. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii ay jirto sabab magan-gelyo taas oo Hey'adda Socdaalku aanay ogayn markii ay gaarayeen go'aankan.

Haddii Hey'adda Socdaalku aanay u arag in ay jirto sabab loo baddalo go'aankan waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda arrimaha socdaalka. Maxkamaddu way baddali kartaa go'aankan, ama raaci karaan Hey'adda Socdaalka.

Rafcaanka u gudba Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka

Haddii aanad ku qanacsanayn Maxkamada arrimaha socdaalka xukunkooda waxaad rafcaan u gudbin kartaa Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka. Adigu waa inaad rafcaan u dirsato Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka gudaha saddex toddobaad laga bilaabo maalintii aad heshay go'aanki ka soo baxay Maxkamada arrimaha socdaalka.

Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka waxay ka shaqeeyaan oo keliya dacwado gaar ah. Tani waxaa lagu magacaabaa inay eegaan dacwada. Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka waxay eegi karaan dacwad aan la hayn jidki loo mari lahaa oo aan lagu arag xukunyo hore ama haddii Maxkamadda arrimaha socdaalku ay dacwadan u eegtay si qalad ah.

Dacwadaha badankooda waxay Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka go'aamisaa in aanay eegin rafcaankan. Markaasi waxaa ansax noqonaysa Maxkamada arrimaha socdaalka xukunkeedi. Haddii Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka go'aamiso inaanay eegin rafcaankan waxaa bilaabmaysa in xukunkii Maxkamada arrimaha socdaalku uu si toos ah u noqdo ansax.

Marka aanay suurtagal ahayn in rafcaan la qaato

Adigu ma qaadan kartid rafcaan:

  • Haddii aad aqbashay go'aankan och saxeexday xilliga waxa lagu magacaabo ku dhawaaqida in lagu qancay.
  • Haddii Maxkamadda sare ee arrimaha socdaalka ay go'aamisay in aanay eegin dacwadaada.
  • Aad heshay sharci daganaansho oo ku meel gaar ah.

Haddii aad heshay go'aanka mustaafurin ama diidmo waxaa laguugu yeerayaa wada-hadal aad la yeelato Hey'adda Socdaalka shaqaalaheeda si aad u qorshayso dib u noqoshadaada. Markaasi waxaad helaysaa warbixin ku saabsan doorashooyinka kala duwan ee jira. Waxaad xitaa dhiiban kartaa su'aalo.

Haddii adigu aanad safarkan keligaa qorshayn karin waxaa adiga iyo shaqaalahani aad si wada-jir ah u samaynaysaan qorshaha sida ay tani u dhacayso.

Goorma ayay tahay inaad ka tagto Iswiidhan?

Waxaad helaysaa wakhti cayiman in aad kaga baxdo Iswiidhan ka dib markaad hesho go'aankaaga. Go'aanka ayay ku qorantahay wakhtiga aad haysato.

Haddii aanad dib u noqon gudaha wakhtigan waxaad khatar ugu jirtaa in aad hesho mamnuucida dib u soo noqosho. Tani micnaheedu waa in aanad safar ku soo geli karin dal ku yaala gudaha Midowga Yurub (EU), Noorway, Iislaand, Siwisarland, Layjastayn, Roomaaniya ama Bulgaariya wakhti ah muddo hal ilaa shan sanno ah. Tani waxay ku qorantahay go'aankaaga muddada uu ansaxa yahay dhererka mamuucida safar dib u soo noqosho.

Haddii la diiday codsigaaga magan-gelyo laakiin aad shaqaynaysay xilligi wakhtiga aad ahayd magan-gelyo doon, markaasi waxaad codsan kartaa sharci shaqo oo baddela sharciga daganaansho.

Si loo helo sharci shaqo waa inaad buuxisaa shuruudahan sharciga shaqo ee ku aadan shaqo. Adigu ma haysan kartid laba ama dhowr shaqo oo si wada-jir ah u keenaya in shuruudan la buuxiyo.