Hoyga inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9/5-2025

Qofka Dalka Iswiidan magangelyo ka codsado waxaa xilliga sugitaanka jawaabta lagu meeleeyaa guryaha Hey’adda Socdaalka. Markaad ku nooshahay hoyga magangelyo-doonka waxaad xaq u leedahay taageero dhaqaale oo aad ka hesho Hey’adda Socdaalka. Haddii aad rabto inaad adigu laf ahaantaada habaysato hoy markaas badanaaba xaq ma u lihid taageero. Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamyada hirgaleen.

Waxaa hoy laga siinayaa guryaha magan-gelyo-dooneyaasha

Qofka Dalka Iswiidan magangelyo ka codsado waxaa xilliga sugitaanka jawaabta lagu meeleeyaa guryaha Hey’adda Socdaalka. Markaad ku nooshahay hoyga magangelyo-doonka waxaad xaq u leedahay taageero dhaqaale (gunnada maalinlaha ah) oo ay bixiso Hey’adda Socdaalka.

Haddii aad adigu diyaarsato hoy, xaq uma lihid gunno lacag ah

Adigu waad dooran kartaa in aad hoy keligaa diyaarsato, taas oo baddel u ah in lagu noolaado hoyga magan-gelyo doonka ee Hey’adda Socdaalka. Haddi keligaa diyaarsato hoy markaas caadi ahaan xaq ma u lihid taageero dhaqaale oo laga helo Hey’adda Socdaalka. Tani waxa ay dhaqan-gashay laga bilaabo Maarso 1, 2025.

La socodsii Hey'adda Socdaalka cinwaankaaga

Haddii aad ku nooshahay guri aad adigu habaysatay waa in aad la socodsiisaa Hey'adda socdaalka ciwaanka aad degan tahay. Haddii aadan cinwaankaaga la socodsiin Hey'adda Socdaalka waxay Hey'adda Socdaalku dib kaagala noqon kartaa codsigaaga magan-gelyo doonka.

Miyaad codsatay magangalyo ka hor Maarso 1, 2025?

Haddii hadda aad degan tahay hoy oo iskaaga u heshay oona magangelyada codsatay 1 maarso kahor, waxaa kula soo xiriiri doonta Hey’adda Socdaalka oo kadib kugu meelayn doonto guryaha magangelyo dooneyaasha. Xaq u yeelashada taageero-dhaqaaleedka waxaad xajisan kartaa haddii guryaha magangelyo dooneyaasha aad u guurto 31 agoosto kahor.