Hoyga inta lagu jiro wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 1/9-2025

Adigaaga magangelyo ka codsadey Iswiidhan waxaad boos ka helaysaa mid ka mid ah Hey’adda Socdaalka hoygeeda magangelyo-doonka. Markaad ku nooshahay hoyga magangelyo-doonka waxaad xaq u leedahay taageero dhaqaale oo aad ka hesho Hey’adda Socdaalka. Haddii aad keli ahaantaa diyaarsato hoy badanaaba xaq uma lihid taageero. Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qawaaniinta ay tahay in lagu socdo.

Waxaa hoy laga siinayaa guryaha magan-gelyo-dooneyaasha

Qofka Dalka Iswiidan magangelyo ka codsado waxaa xilliga sugitaanka jawaabta lagu meeleeyaa guryaha Hey’adda Socdaalka. Markaad ku nooshahay hoyga magangelyo-doonka waxaad xaq u leedahay taageero dhaqaale (gunnada maalinlaha ah) oo ay bixiso Hey’adda Socdaalka.

Hoygu inta badan waa qol aad la wadaagayso dad kale oo aad isku mid tihiin jinsi ahaan. Haddii aad la timid qoyskaaga, waxaad heli doontaan qol gaar idiin ah.

Haddii aad keli ahaantaa diyaarsato hoy badanaaba xaq uma lihid taageero dhaqaale

Adigaaga keli ahaan diyaarsadey hoy intii aad u guuri lahayd Hey’adda Socdaalka hoygeeda magangelyo-doonka markaas qaanuun ahaan xaq uma lihid taageero dhaqaale oo aad ka hesho Hey’adda Socdaalka. Tani waxa ay dhaqan-gashay laga bilaabo Maarso 1, 2025.

La socodsii Hey'adda Socdaalka cinwaankaaga

Adigaaga ku nool hoy aad keligaa diyaarsatey waa in aad Hey’adda Socdaalka ku wargeliso cinwaanka aad ku nooshahay. Haddii aadan sidaa yeelin oo Hey’adda Socdaalka aanay kula soo xiriiri karin markaas waxaa dib lagaala noqon karaa codsigaaga magangelyo. Marka aadan aheyn qof magangelyo-doon ah, xaq uma yeelanaysid taageero dhaqaale oo laga helo Hey’adda Socdaalka oo waa in aad ka baxdaa dalka Iswiidhan.

Su’aalo iyo jawaabo

Maya. Waa in aad degan tahay hoyga magangalyo-doonka si aad u xaqa ah taageero dhaqaale uga hesho Hay'adda Socdaalka.