Dib u mideynta qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/1-2024

Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan dib u mideynta qoyska.

Waa maxay dib u mideynta qoyska?

Dib u mideynta qoyska micnaheedu waa in qoys kala maqnaa ay codsan karaan in ay ku wada noolaadaan gudaha Iswiidhan. Qoysku waxay u soo guuri karaan xubinta qoyska ee helay sharciga degganaansho.

Qofkee ayaa xaq u yeelan kara dib u mideynta qoyska?

Qoyskaagu wuxuu codsan karaa sharciga degganaansho si ay ugu soo guuraan adigaaga jooga Iswiidhan haddii adigu aad

  • heshay sharci degganaansho oo joogto ah
  • heshay sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo ah qaxoonti ama qof u baahan gabood kale oo ay u muuqato inaad haysato fursado fiican in aad hesho sharci degganaansho oo waaraya
  • heshay sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo ay sabab u tahay caqabad fulin, micnihii in ay jirto caqabad ka hor imanaysa in la fuliyo go’aan ah dal ka bixid ama mustaafuris oo ay u muuqato inaad haysato fursado fiican in aad hesho sharci degganaansho oo waaraya
  • heshay sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo ay sabab u tahay xaalado aad u nugul oo ay u muuqato inaad haysato fursado fiican in aad hesho sharci degganaansho oo waaraya.

Qoyska inta kuugu dhow oo keliya ayaa kuu soo guuri kara adiga. Taas micnaheedu waa ninkaaga, xaaskaaga, lamaane, lamaane la wada noolyahay iyo carruurtaada ka yar 18 jir.

Adiga iyo ninkaaga, xaaskaaga, lamaanaha aad wada nooshihiin ama lamaanahaaga waa in labadiinuba aad ka weyntihiin 21 jir. Haddii aad haysato sharci deggenaansho oo ku meel gaar ah waa in badanaaba aad is qabteen ama horay u wada nooleydeen. Haddii aad haysato sharci degenaansho oo joogto ah waad isu soo guuri kartaan ama isku guursan kartaan gudaha Iswiidhan.

Waa in aad masruufi karto adiga iyo qoyskaagaba

Si qoyskaagu kuugu soo guuro waxaad u baahan kartaa in Hey’adda Socdaalka aad tusto in aad shaqo ka hesho lacag ku filan in aad adiga iyo qoyskaagaba ku masruufto. Tani waxaa lagu magacaabaa shuruudda masruufka. Waa in xitaa aad haysato guri ku haboon qoyska oo dhan.

Shuruudda masruufka ma khuseyso adigaaga helay sharciga degganaansho ee qaxoonti ahaan haddii xubnaha qoyskaagu ay codsadaan sharci degganaansho saddex bilood gudahood oo ka bilaabmaysa maalintii aad adigu heshay go’aanka sharciga degganaansho ama darajada qaxoonti ahaan.

Ka sheekee qoyskaaga dhanka gudaha codsigaaga magan-gelyo doon

Ka sheekee wax walba oo ku saabsan qoyskaaga dhanka gudaha codsigaaga magan-gelyo doon. Tani waa muhiim haddii aad awoodayso inaad dib ula midowdo qoyskaaga marka aad hesho sharciga degganaansho.