Sii baro iswiidhishka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023
Meeshaan waxaad ka heli barnaamishyada (appyada) oo telefoonka mobiilka, filimyo iyo boggaga internetka oo adiga isticmaalikartid sidey barashada iswiidhishka kugu sii socoto.

Waxaa lagugu salaamay iiswiidhish 2, 3 iyo 4
Dhanka Waxaa lagugu salaamay iswiidhish Hejsvenska 2, 3 iyo 4 waxaa ku jirta luqad in yar ka sii adag iyo xitaa naxwaha. Ku tababaro kolba hal mawduuc oo ah habka aad doonaysid inay u kala horeeyaan. Waxaad app-kan ku soo dejisan kartaa moobilkaaga. Waxaad app-kan isticmaali kartaa adigoo aan haysan intarnat.
Wararka iswiidhish fudud
Ku tababaro filim
Filimyadan waxaad ka baranaysaa kalmado iyo oraahyo caadi ah. Waad joojin kartaa oo dib ugu soo ceshan kartaa filimada haddii aad doonaysid. Waxaad heli kartaa filimkan oo qoraal leh haddii aad dhag ka siiso qoraalada hoose ee ku jira afar geeska dhinaca midigta ee gudaha filimkan.