La jirka kuwa kale ku tababaro swiidhishka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/4-2023
Si fiican oo lagu barto swiidhishka waa in lala hadlaa dad horbaba yaqaanna swiidhishka.
Ka fikir in aad taxaddir lahaatid haddii aad la kulmeysid cid aad intarneetka ku wada xiriirteen. Fadlan cid u sheeg meesha aad aadeysid, ballanta aad la leedihid saaxiibkaaga intarneetkana ka dhigo meel dadka oo dhan u dhexeysa.
Hage qaxooti ama saaxiib luqadeed
Degmooyin badan iyo ururo is xilqaamay ayaa ka shaqeeya in la caawiyo dadka ku cusub Iswiidhan inay xiriir la sameeyaan Iswiidhishka. Magaca hawshu way kala duwanaan kartaa, waxaa lagu magacaabi karaa saaxiib luqad, hagaha qaxoonti, caawiye qof cusub, la taliye ama saaxiib.
La xiriir degmadaada ama ka raadi bogooda intarnetka si aad u aragto nooca hawlaha laga helayo degmadaada.
Ku tababaro filim
Filimyadan waxaad ka baranaysaa kalmado iyo oraahyo caadi ah. Waad joojin kartaa oo dib ugu soo ceshan kartaa filimada haddii aad doonaysid. Waxaad heli kartaa filimkan oo qoraal leh haddii aad dhag ka siiso qoraalada hoose ee ku jira afar geeska dhinaca midigta ee gudaha filimkan.