Iskoolka xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/9-2023

Caruurta oo dhan xaq ayay u leeyihiin waxbarasho. Degmada ayay waajib ku tahay in la siiyo caruurtaada boos ah iskoolka. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa nooca qawaaniinta jirta iyo nooca taageero ee caruurtaadu heli karaan si ay iyagu u awoodaan inay tagaan iskoolka iswiidhishka.

Xaqa waxbarasho

Ilmahaagu xaq ayuu u leeyahay dugsiga xanaanada si shuruudaheedu la mid yihiin kuwa caruurta kale ee joogta Iswiidhan. Ilmahaagu wuxuu xaq u leeyahay inuu
tago iskoolka laga bilaabo xilli dugsiyeedka ilmahaagu buuxinayo lix sanno Xaq waxbarasho wuxuu khuseeyaa noocyada iskoolka ee:

  • dugsiga xanaanada
  • fasalka barbaarinta
  • dugsiga hoose-dhexe
  • dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay
  • dugsiga gaarka ah iyo hoyga xilli firaaqaha

Marka ay noqoto dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waxaa ilmahaagu xaq u leeyahay waxbarasho haddii ay bilaabaan waxbarashadooda ka hor intaanay buuxin 18 jir.

La xiriir degmadaada

Degmadaada ayay waajib ku tahay inay ilmahaaga ku casuumaan boos ah iskoolka. Haddii aad haysato hal ama dhowr carruur ah oo u baahan boos ah dugsiga xanaanada, fasalka barbaarinta, dugsiga hoose dhexe ama dugsiga hoose- dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsi gaar ah, dugsiga sare ama dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waa inaad la xiriirto degmadaada. Degmada ayaa ku siin karta macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida aad adigu sameynayso.

Ilmahaaga waa in lagu soo casuumaa booska dugsiga xanaanada gudaha afar bilood laga bilaabo markii aad la xiriirtay degmadan ee aad diiwaan gelisay in ilmahaagu u baahanyahay booska dugsiga xanaanada.

Ilmahaaga waa in uu bilaabaa dugsiga hoose-dhexe ama lagu soo casuumaa boos ah dugsiga sare sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah. Tani waa inay dhacdaa ugu dambeyn hal bil ka dib markaad timaadeen Iswiidhan.

Daraasadayn

Daraasadaynta dugsiga hoose-dhexe

Marka ilmahaagu bilaabayo dugsiga hoose-dhexe waxay shaqaalaha iskoolka darsayaan waxa ilmuhu hore u yaqaanay. Daraasadayntan waxaa lagu tixgeliyaa da'da, aqoonta hore iyo xaaladaha shakhsiyan. Gudaha laba bilood laga bilaabo markii ilmahaagu bilaabay iskoolkan waa in maamulaha iskoolkani go'aamiyaa sanad dugsiyeedka iyo fasalka ilmahaagu ka tirsanaanayo. Daraasadayntan waxaa loo isticmaalaa xitaa sii wadida qorshaynta waxbarashada ilmahaaga. Xilliga daraasadayntan waxaa la isticmaalaa turjubaan ama macalin ku hadla afka hooyo ee ilmaha.

Haddii ilmahaagu u baahanyahay tegista dugsi hoose-dhexe oo la habboonaysiiyay ama dugsi gaar ah

Dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay iyo dugsiga gaarka ah waa laba nooc oo dugsi hoose-dhexe oo la kala dooran karo oo si gaar ah loogu qaabeeyay carruurta leh hoos u dhacyada awoodaha laxaadka qaarkood.

Ka hor intaan ilmuhu billaabin dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay ama dugsiga gaarka ah waxaa la sameeyaa baaritaan ku saabsan nooca iskool ee ugu habboon.

Waalidka ama dadka haysta mas’uuliyadda sharci ee ilmaha waa inay oggolaanshahooda bixiyaan ka hor intaan ilmuhu billaabin dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay ama dugsiga gaarka ah.

Daraasadaynta dugsiga sare

Dhinaca dugsiga sare waa in macalimiintu ay si joogto ah u sameeyaan qiimeynta aqoonta ilmahaaga. Qiimeyntan ayaa saldhig u ah sii waditaanka waxbarashada ilmahan.

Waa wax iskeed loo doorto in la aado dugsiga sare. Dugsiga sare waxaad ka dhigan kartaa barnaamijyo qaran oo kala duduwan ama barnaamijyo hordhac ah. Barnaamijyada qaranka waxaa ku jira barnaamijyo xirfadeed iyo barnaamijyada isu diyaarinta jaamicadda.

Si aad u hesho barnaamij xirfadeed waxaa lagaa rabaa inaad haysato shahaaddo baasitaan oo ku aaddan af Iswiidhishka ama af Iswiidhish oo luqad labaad ahaan ah, af Ingiriisi, xisaab iyo shan maaddo oo dheeraad ah. Micnhii waxaa loo baahanyahay shahaaddo baasitaan ah ku aaddan isu geyn siddeed maaddo.

Si ilmahaagu u tegi karo barnaamijka u diyaarinta jaamicada waxaa shuruud u ah in ilmuhu ku baasay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo sagaal maado oo dheeraad ah. Micnihii waxaa shuruud u ah ku baasida isu geyn laba iyo toban maado.

Haddii u qalmin barnaamijyada qaranka waxaad wax ka baran kartaa mid ka mid ah barnaamijyada hordhaca ah. Barnaamijyada hordhaca way dabacsan yihiin markay noqoto dhinaca xawaaraha waxbarasho, baaxadda iyo nuxurka. Barnaamijyadan waa inay xitaa yihiin kuwo la waafajiyo aqoonta aad horey u haysatay iyo baahidaada.

Fasalka sii diyaarinta

Fasalka sii diyaarinta waxaa ilmahaagu ku baranayaa maadooyin kala duwan iyadoo isla mar ahaantaas ilmuhu baranayo aasaaska luqada iswiidhishka. Hadafku in ilmahaagu hal ama dhowr maado ku barto fasalka sii diyaarinta waa in ilmahani sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah diyaar ugu noqdo la socodka waxbarashada
fasalada caadiga ah.

Ilmahaaga ugu badnaan laba sanno ayaa la siin karaa waxbarashada fasalka sii diyaarinta. Ilmahaagu waxbarashadiisa oo dhan ma ku qaadan karo fasalkaas. Inta ay leegtahay qaybta waxbarasho ee ka dhacaysa fasalka sii diyaarinta iyo inta ay leegtahay qaybta waxbarasho ee ka dhacaysa fasalka caaadiga ah way ku kala duwanyihiin ilmo kastaba. Waa maamulaha iskoolkan qofka go'aaminaya sida waxbarashadan
loo qorshaynayao.

Macalimiintu waa inay qiimeeyaan aqoonta ilmaha ee dhinaca maadooyinka kala duwan ee fasalka sii diyaarinta. Marka macalimiintu qiimeeyaan in ilmuhu ka soo bixi karo hal maado oo ah dhinaca fasalka caadiga ah waa in ilmuhu ka qayb qaataa waxbarashada oo sidaas lagu baddelaa.

Iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah

Dhinaca dugsiga hoose-dhexe waxaa ilmahaagu heli karaa waxbarashada maadada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Caruurta iswiidhishku aanu ahayn luqadooda hooyo waxay baran karaan iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah haddii ilmahani u baahanyahay tan. Waa maamulaha iskoolka qofka go'aaminaya haddii ilmo uu baranayo iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waxaad la xiriiri kartaa maamulaha iskoolkan haddii ilmahaagu baahi u qabo dhigashada iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Dhinaca dugsiga sare waxaa ilmahaagu baran karaa koorsada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Qorshaha ahmiyada saacadaha

Dugsiga hoose-dhexe waxaa ilmahaagu ku lahaan karaa qorshaha ahmiyada saacadaha. Haddii ilmahaagu leeyahay qorshaha ahmiyada saacadaha waxay tani tahay in ilmahani heli karo waxbarasho dheeraad ah dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Si ilmahaagu u heli karo wakhti dheeraad ah dhanka iswiidhishka waa in wakhti laga jaraa waxbarashada maadooyinka kale. Isu geynta wakhtiga waxbarasho isku mid ayay noqotaa, laakiin waa la qaybiyaaa wakhtiga waxbarasho si wakhti dheeraad ahi u noqdo dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waa maamulaha iskoolka qofka go'aaminaya haddii ilmo uu helayo qorshaha ahmiyada saacadaha. Ilmuhu
wuxuu lahaan karaa qorshaha ahmiyada saacadaha ugu badaan hal sano.

Waxbarashada afka hooyo

Ilmahaagu wuxuu xaq u yeelan karaa waxbarashada afka hooyo haddii ilmahaagu leeyahay af hooyo oo aan ahayn iswiidhish. Dhinaca dugsiga xanaanada iyo fasalka barbaarinta waa in ilmahaagu helo fursada in la horumariyo afkooda hooyo iyo luqada iswiidhishka labadaba. Dhinaca dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare wuxuu ilmahaagu xaq u leeyahay waxbarashada afka hooyo haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo.

Haddii aad doonaysid in ilmahaagu helo waxbarashada afka hooyo markaasi waa inaad codsato tani. Weydii iskoolka sida aad samaynayso iyo nooca shuruudaha ku xiran.

Caawinta waxbarasho ee afka hooyo

Caawinta waxbarasho ee afka hooyo waxay muhiim u tahay in la awoodo in la xoojiyo waxa ilmuhu hore u yaqaanay ee dhinaca maadooyinka kala duwan ee iskoolka. Ilmahaagu wuxuu helayaa caawinta waxbarasho ee afka hooyo haddii ilmahaagu u baahanyahay tani. Waxaad la xiriiri kartaa macalimiintu ama maamulaha iskoolkan si loo helo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan caawinta waxbarasho ee afka hooyo.