Codso dheeraynta sharciga degganaanshada
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/6-2026
Adigaaga codsaday magangalyo ee haysta sharci degganaansho oo wakhti ku xadaysan waxaad codsan kartaa in laguu dheereeyo taas. Waxaa laguu dheerayn karaa sharciga degganaanshada haddii aad weli u baahantahay gabbaad ama haysato sababo kale oo ah in aad sii joogto gudaha Iswiidhan. Waa muhiim in aad codsato dheeraynta ka hor inta aan sharcigaaga degganaanshada kaa dhicin.

Haddii aad heshay meeqaamka qaxoonti ahaan
Adigaaga helay meeqaamka qaxoonti ahaan waxa aad haysataa sharci degganaansho ku meel gaar ah oo ah saddex sano. Saddex sano ka dib ayaa laguu dheerayn karaa sharciga degganaanshada, haddii aad weli u baahantahay gabbaad.
Haddii aad tahay dadka u baahan gabbaad kale
Adigaaga helay meeqaabka dadka u baahan gabbaad kale waxaad haysataa sharci degganaansho oo leh wakhti xadaysan ahna 13 bilood. Ka dib 13 bilood ayaad heli kartaa in laguu dheereeyo sharciga degganaanshada, haddii aad weli u baahan gabbaad.
Codso ka hor inta aan sharcigaaga degganaanshada kaa dhicin
Waa in aad codsataa dheereynta sharciga degenaanshaha ka hor inta aan sharcigaaga degganaanshada ee leh wakhti xadaysan aanu kaa dhicin. Haddii aad la habsaanto codsiga ma laguu oggola in aad shaqayso inta aad sugayso go’aanka. Waxa aad xitaa khatar ugu jirtaa in aad weydo faa’iidooyinka qaarkood, tusaale ahaan taageerada sal-dhigashada, kaalmada waxbarasho ama gunnada waalidka.
Waxa aad codsan kartaa dheeraynta ugu horeyn laba bilood ka hor inta aan sharcigaaga degganaanshada kaa dhicin. Codsiga ka samee adeegga elaktarooninga ee Hey’adda Socdaalka boggeeda intarnetka adiga oo ku gelaya Bank-ID. Adeeggan elaktarooniga ah waxaa la helayaa isagoo ah af Iswiidhish iyo af Ingiriisi.
Fiirso filim ku saabsan in la ahaado qaxoonti ama dadka u baahan gabbaad kale
UR Skola ayaa samaysay filim sharraxaya farqiga u dhaxeeya in la haysto meeqaamka qaxoonti ahaan iyo in la haysto ka ah dadka u baahan gabbaad kale. Filimkan waa af Iswiidhish. Waxa uu leeyahay qoraalo xagga hoose oo ah af Iswiidhish, Carabi, Kurdi, Faarsi, Soomaali iyo Tigrinya.
Su’aalo iyo jawaabo
Marka aad hesho dheereynta sharciga degganaanshada waxa aad caadi ahaan helaysaa sharci degganaansho oo ah hal ama labo sano. Sharciga degganaanshada wuu ka sii gaabnaan karaa intaas haddii aad gashay dembi.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Qaxoonti
Qaxoonti waa qof ka soo cararay dalkiisa sababtoo ah qofkaas gabbaad ma ku heli karo halkaas oo wuxuu khatar ugu jiraa in loo gaysto dhibaato. Dhibtaas waxaa sabab u ahaan karta
- halka laga soo jeedo
- dalka loo dhashay
- diinta
- aragti siyaasadeed
- jinsi
- hanaanka jinsi
- ka tirsanaanshaha koox bulsho oo gaar ah.
Dadka u bahaan gabbaad kale
Qofka helay meeqaamka dadka u baahan gabbaad kale waa qof khatar ugu jira in lagu ciqaabo dil, loo gaysto ciqaab jir-ahaaneed iyo jir-dil ama la dhaawaco iyadoo ay sabab u tahay dagaal hubeysan.