Haddii aad rabto inaad ka guurto Iswiidhan
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/1-2026
Haddii aad go´aansato inaad ka guurto Iswiidhan waxaad kaalmo dhaqaale ka codsan kartaa Hey´adda Socdaalka. Kaalmadan waxaa lagu magacaabaa kaalmada dib u noqoshada.
Inta ay leegtahay kaalmada dib u noqoshada ee aad heli karto
Waxaad kaalmada dib u noqoshada u codsan kartaa naftaada, ninkaaga, xaaskaaga ama lamaanahaaga iyo carruurta ka yar 18 jir.
Sidan ayay tahay kaalmada aad heli karto:
- 350,000 karoon qofkiiba (dadka ka weyn 18 jir)
- ugu badnaan 500,000 karoon ayaa loogu talogalay dadka xaaska ah ama lamaanaha wada nool
- 25,000 karoon ilmo kasta
- ugu badnaan 600,000 ayaa loogu talogalay halkii guri
Yaa codsan kara kaalmadan?
Waxaad codsan kartaa kaalmada dib u noqoshada haddii aad Iswiidhan deggantahay oo heshay sharciga deganaansho 12 Sebtembar 2024 ama ka hor.
Waa inaad haysataa mid ka mid ah sharciyadda deganaansho ee halkan ku qoran:
- helay sharciga deganaansho ee qaxoonti ama dadka kale ee u baahan gaboodka
- sharciga deganaansho oo ay sabab u tahay xaalado laga damqado oo xoogan
- sharciga deganaansho ee joogtada ah sida waafaqsan sharciga dugsiga sare am
- sharciga deganaansho ee joogtada ah sida waafaqsan sharciga ku meel gaarka ee loogu talogalay magan-gelyo doonka iyo qaraabadooda ee laga soo bilaabo 2016 ilaa 2021.
Maxaa ku dhacaya sharcigayga deganaansho haddii aan guuro?
Marka aad ka guurto Iswiidhan, Hey'adda Socdaalka Iswiidhan waxay dib ula noqon kartaa sharcigaaga degenaanshaha. Haddii aad rabto inaad haysato, waxaad u sheegi kartaa Hey'adda Socdaalka.
Haddii aad haysato sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah markaas wuu istaagayaa inuu marka wakhtiga uu kaa dhacayo uu dhammaado.