Shaqo iyo caruur

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3/5-2023

Adigaaga leh caruur yar waxaad joogi kartaa guriga markaad ka maqantahay shaqada, waxbarashadaada ama hawlaha Xafiiska Shaqada si aad u hayso ilmahaaga marka ay yaryihiin ama haddii ilmuhu xanuusado.

Marka hadhow aad shaqayso, wax barato ama ka qayb qaadato hawlaha Xafiiska Shaqada ayaa ilmuhu tegi karaa dugsiga xanaanada ama la joogi karaan daryeelaha caruurta ee maalintii.

Gunada waalidka

Haddii aad leedahay caruur ama haysato mas'uuliyada sharci ee ilmo waxaad lacag ka heli kartaa Qasnada Caymiska si aad guriga ula joogto ilmahaas. Tani waxaa lagu magacaabaa gunada waalidka.

Adigu waxaad heli kartaa gunada waalidka oo wakhti buuxa ama wakhti kala bar ah. Wakhti buuxa micnaheedu waa inaad guriga la joogtid ilmahaaga maalin dhan. Wakhti kala bar ah micnaheedu waa inaad guriga la joogtid ilmahaaga qayb ka mid ah maalinta.

Gunada waalidka ee wakhti kala bar ah

Haddii aad hesho guno waalidnimo si aad guriga ula joogto ilmahaaga xilli ah qayb maalinta ka mid ah markaasi ma shaqayn kartid, raadin kartid ama wax baran kartid xilliga qaybtaas ka mid ah maalintaas.

Haddii aad tusaale ahaan shaqayso lix saacadood maalin waxaad heli kartaa gunada waalidka ee laba saacadood maalintaas.

Ka fikir inaad haysato tiro maalmo ah ugu badnaan kuwaas oo aad ku heli karto gunada waalidka. Marka ay kuwaas dhamaadaan ma heli kartid ayaamo dheeraad ah oo guno waalid ah.

Haddii ilmahaagu uu xannuunsanyahay

Waxaa kaloo heli kartaaa kharashka waalidka haddii uu ilmahaagu xannuunsanyahay. Taasi waxaa lagu magacaabaa kharashka waalidka ee ku meel gaarka ah ama daryeelid ilmo VAB. Markaas waxaad heleysaa boqolkiiba 80 oo mushaarkaada ka mid ah. Sanad walba waxaad laguu ogolyahay inaad isticmaashid 120 maalmood oo ah kuwa lacagta lagu qaato.

Xanaanada caruurta

Haddii aad tahay waalid oo shaqayso ama wax baratid, waxaa ilmahaagu xaq u leeyahay xanaanada caruurta. Ilmahani tusaale ahaan wuxuu joogi karaa dugsiga xanaanada ama daryeelka caruurta ee maalintii.

Haddii aad ka diiwaan gashantahay Xafiiska Shaqada waxaa ilmahaagu xaq u leeyahay xanaanada caruurta xilliga wakhtiga aad samayso hawlaha ku jira qorshahaaga dejisan.

Haddii aad fasax waalidnimo kula jirto ilmahan walaal ka yar waxaa ilmahani xaq u leeyahay xanaanada caruurta qiyaastii saddex saacadood calaa maalin ama 15 saacadood calaa toddobaad.

La xiriir degmadaada si aad uga ogaato wax badan daryeelka carruurta meesha aad degentahay.