Suuqa shaqada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/5-2023

Waxa jira sharciyo iyo heshiisyo badan oo xukumaya sida looga shaqaynayo Iswiidhan. Sharciyada iyo xeerarka quseeya shaqo-bixiyaha iyo shaqo-qaata waxa lagu magacaabaa xuquuqda shaqada. Suuqa shaqadu wuxu u qaybsanyahay laba dhinac: Shaqo-bixiye iyo isbahaysiga ururka shaqaalaha. Isbahaysiga ururka shaqaaluhu waa urur ay ku jiraan dhammaan ururada shaqaalaha ee isku waaxda ah.

​Shaqo-bixiye

Waxa jira ururo shaqo-bixiye oo ay leeyihiin shaqobixiyeyaalka dawladda, degmooyinka iyo kuwa barayfadka ah. Urur shaqo-bixiye waa urur ay isugu tageen shaqo-bixiyeyaal badan si ay uga shaqeeyaan arrimaha wada quseeya.

Ururka shaqo-bixiyeyaasha barayfadka ah ee ugu weyni waa Svenskt näringsliv. Wakaaladda shaqo-bixiyeyaasha waxa ku urursan shaqo-bixiyeyaasha dawladda sida hey´adaha dawladeed ee Qasnadda Caymiska iyo Hey'adda Canshuuraha. Degmooyinka iyo Goboladda Iswiidhan SKR, waxa ku kulansan shaqobixiyeyaasha degmooyinka.

Shirkad kastaa waxa ay dooran kartaa in ay ku biirayso urur shaqobixiyo.

Ururada shaqaalaha

Urur shaqaale waa urur kala gorgortama shaqobixiyaha , musharrada shaqaalaha. Urur shaqaale wuxu ka shaqeeyaa sidii shaqaalaha xaalkooda shaqaalo u fiicnaan lahaa. Ururada shaqaale waxa ay ka jireen Iswiidhan tan iyo 1800-ladii.

Goobaha shaqooyinka intooda badan waxa ka jira naadi urur shaqaale ama wakiil goobshaqo. Naadi urur shaqaale waa koox xubno ka ah urur shaqaale oo goob shaqo kuwada sugan. Wakiil goobshaqona waa qof u hadla xubnaha goob shaqo.

Naadiyada urur shaqaale iyo wakiillada goob shaqo waxay ku jiraan urur dallad ah. Ururkaas dalladda ahi wuxu isna sii hoos tagaa urur kale oo ka sii weyn tusaale ahaan ururka LO. Waxa caadi ah in xubin laga ahaado ururka shaqaalaha iyo qasnadda shaqo-la´aanta labadaba, A-kassa. Qasnadda shaqo la´aantu waa urur dhaqaale oo lacag siiya xubnihiisa bilaa shaqada ah.

Heshiis wadareed

Heshiis wadareed waa heshiis qoran oo u dhexeeya shaqobixiyaha iyo urur shaqaale. Heshiis wadareedka waxa ku qoran tusaale ahaan shuruuc ku saabsan tusaale ahaan xilliyada shaqada, fasaxyada iyo mushaharka. Badiyaaba waa heshiis wadareedka waxa xukuma mushaharkaaga. Laakiin ururada oo dhan iyo shirkadaha oo dhami kuma jiraan heshiis wadareed.

Heshiis wadareed waxa lagu go´aamiyaa inta uu leegaanayo mushaharka ugu yar ee shaqaaluhu. Heshiisku waxa kale oo uu quseeyaa shaqaalaha aan ka tirsanayn wax urur shaqaale ah laakiin ka shaqeeya goob shaqaale oo ku hirta heshis wadareed. Ma jiro Iswiidhan wax sharci ah oo xaddidaya inta ay leegaanayaan mushaharrada ugu hooseeyaa.