Barnaamijka sal-dhigashada ee Xafiiska Shaqada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23/10-2023

Waxaa jirta taageero gaar ah kana timaada Xafiiska Shaqada looguna talogalay adigaaga dhawaan helay sharciga daganaansho. Tani waxaa lagu magacaabaa barnaamijka sal-dhigashada. Hadafku barnaamijka sal-dhigashada waa inaad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah u barato iswiidhishka, u hesho shaqo oo lacag gaar kuu ah u hesho.

Si looga qayb-qaato barnaamijka sal-dhigashada waa inaad:

  • Ahaataa inta u dhaxaysa 20 iyo 64 sanno.
  • Heshay sharciga daganaansho ee qaxoonti, qaxoontiga dalka dibediisa laga soo qaado, u baahan magan-gelyo ama aad tihiin qaraabo mid ka mid ah kuwaasi.

Xafiiska shaqadu waxay samaysay filimo sharaxaya waxa barnaamijka sal-dhigashadu yahay.

Maxaa ku jira barnaamijka sal-dhigashada?

Nooca hawlaha ku jira qorshahaaga waxay ku xirantahay baahidaada. Si wada-jir ah ayaad Xafiiska Shaqada ula qorshaynaysaa hawlahaaga oo ku salaysan waayo-aragnimadaadi hore iyo xiisahaaga.

Hawlahani way ku jiraan mar kastaba:

  • Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, SFI.
  • Maadooyinka cilmiga bulshada. Tani waa waxbarasho taas oo aad helayso aqoon aasaasi ah oo ku saabsan bulshada Iswiidhan.
  • Dadaalo kuu diyaarinaya shaqo. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan tababar goob shaqo. Adigu waxaa kale oo aad heli kartaa caawimaada in aqoontaada xirfadeed iyo waxbarashooyinkaaga laguu qiimeeyo. Tani waxaa lagu magacaabaa sugnin.

Goorma ayay dhacaan hawlaha barnaamijka saldhigashada?

Hawlaha ku jira qorshahaaga waxaa la samaynayaa 40 saacadood gudaha toddobaadkii. Badanaaba waxaad ka qayb-qaadanaysaa barnaamijka sal-dhigashada muddo ah 24 bilood.

Mararka qaarkood waxaad ka qayb-qaadan kartaa saacado ka sii yar toddobaadkii ama bilo ka sii yar dhinaca barnaamijka sal-dhigashada. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii adigu aad:

  • Hel shaqo wakhti nus ah inta lagu jiro wakhtiga aad ka qaybqaadanayso barnaamijka sal-dhigashada.
  • Tahay fasax waalidnimo dhowr maalmood toddobaadkii.
  • Leedahay hoos u dhac awooda laxaadka ah.
  • Xanuusanayso oo aanad ka qayb qaadan karin 40 saacadood toddobaadkii.

Haddii aad fasax waalidnimo wakhti buuxa gasho inta lagu jiro wakhtiga aad ka qaybqaadanayso barnaamijka sal-dhigashada waxaa jirta fursad ah in aad dib u sii wadato ka dib fasaxa waalidnimo.

Sanad isdaba joog ah

Haddi aad ku cusubtahay Iswiidhan oo ka qaybqaadato barnaamijka saldhigashada markaas sanadka isdabajooga ah wuxuu kuu noqon karaa fursad. Hal sano ayaad xawaare sare wax ku baran kartaa ama tababar ku samayn kartaa goob shaqo wakhti buuxa iyo xilli firaaqaha. Hadafku waa in aad dhakhso u hesho shaqo.

Magdhawga maalmeed

Waxaad heli kartaa lacag haddii aad raacdo qorshaha ku jira barnaamijka sal-dhigashada. Tani waxaa lagu magacaabaa magdhaw maalmeed.

Waxaa kale oo aad xaq u yeelan kartaa kordhinyo kala duwan.

  • Haddii aad leedahay caruur waxaad xaq u yeelan kartaa ku kordhinta barnaamijka daganaanshada.
  • Haddii aad degantahay keligaa waxaad xaq u yeelan kartaa magdhawga guriga.

Waa Qasnada Caymiska kuwa go'aaminaya haddii aad helaysid wax magdhow ah.

Waajibka waxbarasho

Waajibka waxbarasho wuxuu khuseeyaa qaar ka mid ah dadka ku cusub gudaha Iswiidhan. Waajibka waxbarasho micnahiisu waa in adigu aad u baahantahay inaad wax barato si aad u kordhiso fursadahaaga inaad hesho shaqo.