Haddii aad leedahay hoos u dhaca awooda laxaadka ah, xanuusanayso ama dhaawac tahay

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 30/1-2023

Haddii aad leedahay hoos u dhac laxaadka ah taas oo raad kugu yeelatay jir ahaan iyo caqli ahaan waxaa tani lagu magacaabaa in la leeyahay hoos u dhac laxaadka ah. Adigaaga leh hoos u dhac laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar ah xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon:

Xaaladaha saamayn ku yeelan kara awooddaada shaqo ama waxbarasho waxaa ka mid noqon kara.

  • Haddii aad qabto dhibaato aragga, sida inaad aqoonsato qof meel dheer jooga ama inaad akhriso qoraal far yaryar.
  • Haddii aad qabto dhibaato maqalka, sida inaad maqasho waxa laga wadahadlayo ama ay sanqartu dhibeyso dhegahaaga.
  • Haddii aad tusaale ahaan la xanuunsan tahay culays xagga maskaxda, niyadjab, hurdaxumo, wax isku taxalujinta iyo xasuusta oo kugu adag ama waxfahamka oo kugu adag.
  • Haddii jirku ku xanuunayo, sida inay kugu adag tahay inaad fariisato, istaagto ama socoto ama inaad gacmaha isticmaasho.
  • Haddii qoyska dhibaato ka jirto, sida si xun u isticmaalka khamri iyo maandooriye, qof ehel oo xanuunsan ama gacanqaad guriga ka dhaca.

Taageero si looga qayb qaato hawlaha Xafiiska Shaqada

Haddii aad raadinayso shaqo waxaa muhiim ah inaad ka qayb-qaadato hawlaha aad shaqo ku helayso. Haddii aad Xafiiska Shaqada u sheegtay inaad leedahay hoos u dhac awoodaada ah markaasi hawlahan waxaa lagu haboonaysiin karaa awoodaada. Waxaa Xafiiska Shaqadu ay xitaa ku siin karaan fursado taageero gaar ah dhanka suuqa shaqada.

Dadka leh hoos u dhac awooda shaqo ah waxay heli karaan caawimaada in lagugu haboonaysiiyo goobta shaqada, hawlaha shaqo ama bi'ada shaqo. In lagu haboonaysiiyo waxay tahay in wax laga badalo goobta shaqada ama hawlaha shaqo si adigu aad u heshid fursado la mid ah sida dadka kale inaad ka qayb qaadato hawlahan ama shaqo.

Xafiiska Shaqada ayaa si wada-jir ah adiga kuula eegaya nooca taageero ama ku haboonaysiinta aad u baahantahay. Xafiiska Shaqada waxaa ka shaqeeya dad aqoon u leh hoos u dhacyada awooda ee kala duwan iyo noocyada kala duwan ee taageero ee jira. Si wada-jir ah ayay adiga kuula qorshaynayaan sida aad uga qayb qaadan karto hawlo ku haboon awoodaada.

Taageero dhaqaale

Haddii aad leedahay hoos u dhaca awooda laxaadka ah waxaad xaq u yeelan kartaa taageero dhaqaale oo laga helo Qasnada Caymiska. Waxaad heli kartaa lacag haddii tusaale ahaan adigu aad:

  • u baahantahay caawimaad shakhsiyan ah si aad u dabari karto hawlaha maalinlaha ah
  • aanad shaqayn karin
  • u baahantahay alaabta caawimaada si aad u awoodo shaqo
  • doonaysid inaad dheerayso tegitaanka iskoolkaaga
  • u baahantahay baabuur kugu haboon