Bilow shirkad gaar kuu ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27/2-2024

In la bilaabo shirkad gaar kuu ah waxay baddel fiican u noqon kartaa in shaqo laga raadsado gudaha Iswiidhan.

Maxaa shuruud u ah in la bilaabo shirkad gudaha Iswiidhan?

Waxaad u baahantahay fikrad ganacsi iyo qorshe ganacsi si aad shirkad uga bilowdo Iswiidhan. Waxa aad xitaa u baahantahay aqoonta maamulka iyo dhaqaalaha.

Canshuurta shirkadaha

Si aad u bilowdo shirkad waa in xitaa laguu ansixiyay canshuurta shirkadaha. Canshuurta shirkadaha waxaa mar kasta loo soo gaabiyaa F-skatt. Adigu waxaad in laguu ansixiyo F-skatt ka codsan kartaa bogga Hey'ada Canshuuraha.

Adigu waxaad in laguu ansixiyo F-skatt ka codsan kartaa bogga Hey'ada Canshuuraha.

Caawimaad laga helo Xafiiska Shaqada

Haddii aad doonaysid inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah waxaad caawimaad iyo talo ka heli kartaa tusaale ahaan Xafiiska Shaqada. Xafiiska Shaqada waxay leeyihiin barnaamij lagu magacaabo "Taageerada bilowga hawlaha ganacsiga". La xiriir Xafiiska Shaqada haddii ay adiga ku khuseyn karto inaad ka qayb-qaadato.

Xafiiska Shaqadu waxay doonayaan inay arkaan fikradaada ganacsi iyo qorshahaaga ganacsi si loo qiimeeyo haddii ay aaminsanyihiin inaad ku guuleysan doontid shirkadaada.

Dhinaca Xafiiska Shaqada waxaad ka heli kartaa caawimaada:

  • Tababar shaqo oo aad ku sameyneyso qaybta ganacsiga aad dooneyso inaad bilowdo
  • Waxaana ganacsatadaas la siiyaa waxbarasho turjubaan joogo oo ku saabsan canshuuraha, xisaabxir iyo ruqsadaha laamaha ganacsiga.
  • Waxaa taageero iyo talooyin lagugu siinayaa luuqaddaada hooyo.
  • Hab lagu la xiriiro oo xiriir joogto ah looga samaysto laamo ganacsi oo kala duwan.
  • Dabagal luuqaddaada ah oo lagu sameynayo halka ganacsigu kuu marayo.

Talo-bixinta in la bilaabo shirkad gaar kuu ah

Way fiicnaan kartaa in la helo caawimaada talo-bixiye ka hor intaanad bilaabin shirkad. Bogga intarnat-ka ee verksamt.se waxay uruuriyeen talo-bixiyayaal kala duwan oo caawinaya adigaa ku cusub Iswiidhan.

Hey'adda cashuuraha waxey meelo badan ku qabataa kulamo lacag la'aan ah. Waxaa jira kulamo laguugu tala galay haddii aad billaabeysid shirkad waxeyna Hey'adda cashuuraha ku tusineysaa sida aan u diiwangalineysid shirkaddaada waxeyna kusiineysaa talooyin la xiriira billaabidda shirkad.