In laga shaqeeyo Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/5-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa warbixin ku saabsan in laga shaqeeyo Iswiidhan. Adigu waxaad tusaale ahaan heli kartaa warbixin ku saabsan sida aad u helayso shaqo, sida aad u bilaabi karto shirkad gaar kuu ah iyo sida suuqa shaqada ee Iswiidhan u shaqeeyo.

Arbetsförmedlingen

Xafiiska Shaqadu waa hey'ad dawladeed taas oo ay tahay inay kaalmo ka gaysato suuq shaqo oo si fiican u shaqaynaya. Xafiiska Shaqadu waxay shaqo raadiyaha ka taageertaa inuu helo shaqo iyo in shaqo bixiyuhu helo shaqaale cusub.

Bixi canshuurta marka aad adigu shaqayso

Waa khasab inaad canshuur ka bixiso mushaaradaada marka aad shaqayso. Shaqo bixiyahaagu waa inuu bixiyo kharashyada bulsho. Tani waxaa lagu magacaaba shaqo cadaan ah.

Waxaa jira faa'iidooyin badan in lagu shaqeeyo cadaan. Waxaa ka mid ah inaad adigu helayso:

  • Caddaynta shaqaalanimo.
  • Dad ku garanaya.
  • Xaqa fasax.
  • Xaqa fasax waalidnimo oo lacag leh.
  • Caymisyada.
  • Dhibcaha lacagta hawl gabka.
  • Lacag haddii aad xanuusato.
  • Lacag haddii aad xanuusato.

Haddii aad shaqayso adigoo aan bixin canshuur waxaa lagu magacaaba tani inaad ku shaqaynayso madow. In lagu shaqeeyo madow waa sharci daro. Tani waxay keeni kartaa xabsi ah ilaa laba sanno.