Kordhi fursadaada inaad hesho shaqo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 26/1-2023

Waxaa jira qaabab badan oo kala duwan in aad fiicnaysiiso fursadahaaga in la helo shaqo.

Adigaaga hore u haystay waxbarasho mid ka mid ah dhinacyada xirfadeed ee hoos ku qoran waxaad akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa aad samayn karto.

Xirfadaha gabaabsiga ah – halkan waxaa looga baahanyahay xoog shaqo

Xirfad gabaabsi ah waa xirfad ay gabaabsi ku tahay xooga shaqo. Waxaa jira xirfado gabaabsi ah oo badan gudaha Iswiidhan iminka, taas oo waxbarasho jaamicadeed iyo shuruud waxbarasho oo hoose labadaba ah.

Dhowr tusaale oo ka mid ah xirfadaha gabaabsiga:

  • Kalkaaliyayaasha caafimaadka
  • Macalimiinta dugsiga barbaarinta iyo xanaanada
  • Injineer madani ah
  • Macalimiin
  • Dhakhtar
  • Cunto kariye
  • Rakibaha-VVS
  • Kalkaaliso hoose
  • Farsamo yaqaanada korontada

Tababar goob shaqo

In la sameeyo tababar goob shaqo waa qaab fiican in aad ku kordhiso fursadahaaga inaad shaqo ka hesho Iswiidhan.

Tababar goob shaqo wuu fiicnaan karaa haddii aad doonaysid inaad:

  • Hesho waayo-aragnimo dhinaca xirfad cayiman.
  • Barato waxa xirfad cayiman tahay.
  • Ku sii fiicnaatid xirfad cayiman.
  • Hesho dad ku garanaya oo shaqo bixiye ah si loo raadsado shaqo.

Xilliga tababarka goob shaqo waxaad caawimaad ka helaysaa qof ku haga. Ka dib tababarka goob shaqo waxaad shahaado ka helaysaa shaqo bixiyaha.

Adiga laf ahaantaada ayaa la xiriiri kara shaqo bixiyayaal kala duwan si aad u weydiiso haddii aad tababar goob shaqo ka samayn karto meeshooda. Xafiiska Shaqada xitaa way kaa caawin karaan in la helo tababar goob shaqo.

Jidka deg-dega ah

Adigaaga dhawaan helay sharciga daganaansho ee raadinaya shaqo waxaad mari kartaa waxa lagu magacaabo jidka deg-dega ah. Jidka deg-dega ah waa barnaamij waxbarasho oo laga helo Xafiiska Shaqada.

Waxaad tegi kartaa barnaamijka waxbarasho haddii aad waayo aragnimo ka haysato xirfad uu gabaabsi ka jiro dhinaca xooga shaqo gudaha Iswiidhan. Xirfad noocan ah waxaa badanaaba lagu magacaabaa xirfad gabaabsi ah.

Jidka deg-dega ah waxaa ku jira:

  • Waxbarasho iswiidhish ah oo loogu talogalay xirfadaada.
  • Tababar goob shaqo.
  • Qiimeynta intay leegtahay waxaad ka taqaano xirfadan. Tani waxaa lagu magacaaba suninta aqoontaaa.
  • Waxbarasho dheeraad ah oo dhinaca xirfadan ah haddii aad u baahantahay tani. Tani waxaa lagu magacaabaa waxbarasho dhammaystir ah ama waxbarashada suuqa shaqada.

Waxaa jira jidka deg-dega ah dhinaca dhowr xirfadood oo kala duwan.

Jidka shaqo ee maxaliga ah – shaqo loogu talogalay adiga oo dhawaan sharciga daganaansho helay

Xafiiska Shaqada iyo degmooyinka waxay si wada-jir ah u leeyihiin wax lagu magacaabo jidka shaqo ee maxaliga ah. Jidka shaqo ee maxaliga ah waa barnaamij kaas oo aad tegi karto iyadoo loo sii maro Xafiiska Shaqada. Adiga ayaa lagula raadinayaa shaqo bixiye u dhow meesha aad degantahay kaas oo u baahan xoog shaqo.

Dhinaca jidka shaqo ee maxaliga ah badanaaba waxaa ku jirta:

  • Waxbarashada iswiidhishka.
  • Waxbarashada xirfadan.
  • Tababar goob shaqo

La xiriir Xafiiska Shaqada haddii aad xiisaynayso shaqooyinka kuu dhow.

Dhegayso Xafiiska Shaqada idaacadeeda intarnatka ee Ny i Sverige

Xafiiska Shaqada waxay bilowday idaacad intarnatka ah oo ku baxda dhowr luuqadood taas oo magaceedu yahay Ny i Sverige. In la dhageysto idaacadan waxay la mid tahay qiyaastii in la dhageysto barnaamij idaacad laakiin waxaad ka dhageysanaysaa dhanka kombiyuutar, shaashad yar ama telafoonka moobilka. Dhageyso idaacada Ny i Sverige oo hel talooyinka ku saabsan sida ay tahay in looga shaqeeyo waxna looga barto gudaha Iswiidhan, sida aad u qorayso codsi shaqo oo fiican iyo sida aad isagu diyaarinayso wareysiga shaqo.