Tallaaboyinka aad xilliyada ugu horeeyo aad qaadi karto

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 10/6-2025

Kadib markii ruqsadda degenaanshada lagu siiyo waa inaad la xiriirto hey`adaha dowliga ee kala duwan oo aad la qabsato noolasha Dalka Iswiidan. Boggan waxaad ka heleysaa liis ku qoran tallaabooyinka la rabo inaad qaado xilliyada ugu horeeyaan.

Shan wax oo laga rabo inaad samayso kadib markii ruqsadda degenaanshada lagu siiyo

  • Samee wargelinta in aad u soo guurtay Iswiidhan si aad u gasho diiwaan-gelinta dadweynaha (folkbokförd) una hesho lambarka shakhsiga (personnummer)
  • Kaarka aqoonsiga ka codso Hey’adda ammuraha cashuuraha.
  • Isku qor barnaamijka saldhigidda etableringsprogram ee Xafiiska Shaqada
  • Macmiil ka noqo bangi Dalka Iswiidan ah oo samayso kaarka bangiga
  • Samayso aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno "e-legitimation" kaasoo aqoonsigaaga kaga caddayn karto baraha internetka
Nin hor taagan kadinka Xafiiska adeegga ee Dawladda.

Samee wargelinta in aad u soo guurtay Iswiidhan si aad u hesho lambarka shakhsiga (personnummer)

Tallaabada ugu horeeyso ee la rabo inaad qaado kadib markii ruqsadda degenaanshada lagu siiyay waxay tahay inaad Hey`adda ammuraha canshuuraha wargeliso inaad dalka u soo guurtay oo lagugu qori diiwaanka dadweynaha. Markaas kadib ayaa lambarka shakhsiga (personnummer) lagu siin doonaa.

En hand håller i en mobiltelefon. I bakgrunden syns en dator.

Kadib markii lambarka shakhsiga (personnummer) lagu siiyo

Kadib markii diiwaanka dadweynaha laga diiwaan geliyo oona lagu siiyo lambarrada aqoonsiga ee Dalka Iswiidan, waxaad dalban kartaa kaarka aqoonsiga ee Dalka Iswiidan, furan kartaa akawnt bangi, yeelan kartaa aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno "e-legitimation" iyo Swish.

Haweeney ka shaqaynaysa goob shaqo dhisme.

Isku qor barnaamijka saldhigidda

Kadib markii lagu siiyo ruqsadda degenaanshada, waxaad ka qaybgeli kartaa barnaamijka saldhigidda ee Xafiiska shaqada.

Su’aalo iyo jawaabo

Haa, kadib markii aad u soo guurto Dalka Iswiidan waa in aad halkaan iska diiwaan gelisaa. Qofkii ula kac ahaan ka weecdo diiwaan-gelinta dadweynaha wuxuu ku kacay fal dambiyeed.

Sharraxaadda kalmado iyo erayo

Ruqsadda deganaanshaha

Helitaanka sharciga degenaanshada micnaheeda waxaa weeyaan in Hey’adda Socdaalka ay oggolaatay codsigii ku noolaashada Dalka Iswiidan.

Diiwaan-gelinta dadweynaha

In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha micnaheedu waa in aad diiwaan-gashantahay in aad ku nooshahay gudaha Iswiidhan. Dhammaan dadka ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha waxay helaan lambar shakhsi. Waa Hay’adda Cashuuraha ta mas’uulka ka ah diiwaangelinta dadweynaha. In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha ma la mid aha in la haysto sharciga deganaanshaha.