Samee wargelinta in aad u soo guurtay Iswiidhan oo hel lambarka shakhsiga (personnummer)

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 1/9-2025

Qofka Dalka Iswiidan u soo guuray oo sharciga degenaanshada la siiyay badi ahaan waa inuu ku jiraa diiwaan-gelinta dadweynaha (folkbokförd). Macnaha diiwan-gelinta dadweynaha waxaa weeyaan inaad ka diiwaan-gashantahay in aad deggantahay Iswiidhan oo aad hesho lambarka shakhsiga (personummer). Waa Haya'dda Cashuuraha ta go'aamisa haddii aad geli karto diiwaan-gelinta dadweynaha.

Wargeli guuritaanka waxaana qabsataa ballanka sugidda aqoonsi-shaqsiyeedka

Haddii aad ku talo jirto inaad ugu yaraan hal sano ku noolaato Dalka Iswiidan, waa inaad rasmi ahaan iska diiwaan-geliso hey`adda ay arrinta khuseeyso. diiwaan-gelinta dadweynaha darteed waa inaad hey´adda ay khuseeyso aad wargeliso inaad Dalka Iswiidan u soo guurtay. Taasoo aad ku dhaqaaqi karto adigoo isticmaala Adeeggga ku salaysan farsamada elektroonikada ee Hey`adda ammuraha canshuuraha ”Flytta till Sverige”. Adeegga waa lacag la`aan.

Adeegga waxaa lagu heli karaa luqadaha a-iswiidish, af-ingriisi iyo af-ukrain. Waxaad kaloo caawinaad ka heli kartaa xafiiska adeegyada.

Dhammaan xubnaha oo wadahadal u soo guuray waa in hey`adda ay wargeliyaan guuritaanka. Xitaa carruurta waa in la diiwaan-geliyaa.

Kadib waa in adiga iyo xubnaha qoyskaaga ee ku wehliya waa in hubista lambarada aqoonsiga darteed aad xafiiska adeegyada ballan aad ka qabsataan. Xilliga booqashadaas waa in aad tustaan warqadaha lambarada aqoonsiga iyo kaarka ruqsadda sharciga degenaanshada.

Hay`adda canshuuraha (Skatteverket) waxay sameysay filim ku saabsan sida loo wargeliyo u soo guurista dalka Iswiidhan. Filimka waxaa lagu daawan karaa af-iswiidhish iyo af-ingiriisi.

Diiwaan-gelinta dadweynaha kadib waxaa lagu siin doonaa lambarka shakhsiga (personnummer)

Kadib markii Hey`adda ammuraha canshuuraha rasmi ahaan ku diiwaan-geliso waxaa lagu siin doonaa lambarka shakhsiga (personnummer). Waxaad heli doontaa warqad wadata lambarkaaga shakhsiga oo loo soo diri doono cinwaanka aad sheegtay in aad u guurtay.

Waxaad u baahantahay lambarka shakhsiga (personnummer) si aad tusaale ahaan

  • U codsato kaarka aqoonsiga
  • U samaysato aqoonsiga ku salaysan farsamada elektroonikada, tusaale BankID
  • Ugu qaybgasho barnaamijka sal-dhigida ee Xafiiska shaqada
  • Hey`adda caymiska bulshada uga codsato taageero-dhaqaaleed loo yaqaanno Gunnada sal-dhigida (etableringsersättning)
    u furato xisaab bangi.

Hey’adda ammuraha cashuuraha waxay soo saartay filim ku saabsan lambarka shakhsiga (personnummer). Filimka waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ku duuban.