Kadib markii lagu siiyo lambarrada aqoonsiga
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/6-2025
Kadib markii diiwaanka dadweynaha laga diiwaan geliyo oona lagu siiyay lambarrada aqoonsiga ee Dalka Iswiidan, ayaad codsan kartaa kaarka aqoonsiga ee dalka Iswiidan, furan kartaa xisaab bangi, yeelan kartaa aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno [e-legitimation] iyo Swish. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida aad samaynayso.
Kaarka aqoonsiga ka codso xafiiska adeegyada (servicekontor)
Kadib markii lagu siiyo lambarrada aqoonsiga ayaad kaarka aqoonsiga ka codsan kartaa Hey’adda ammuraha cashuuraha. Kaararka aqoonsiga ee Hey’adda ammuraha cashuuraha bixiso waa dukumeenti aqoonsi oo Dalka Iswiidan ka ansaxsan.
Waxaad kaarka aqoonsiga ka codsanaysaa mid ka mid ah xafiisyada adeegyada ee kaararka aqoonsiga bixiya. Waxaad u baahan tahay inaad ballan samaysato oo aad bixiso kharash ka hor inta aanad booqan xafiiska adeegyada.
Hey’adda canshuuraha ayaa sameysay filim ku saabsan kaarka aqoonsiga. Filimka waxaa la helayaa isagoo dhowr luqadood ah.
Codso xisaab bangi
Kadib markii lagu siiyo kaarka aqoonsiga ayaad furan kartaa xisaab bangi. Akawntiga bangiga waa u baahan tahay sidii tusaale lagu soo diro mushahaarkaaga oona ku bixiso kharashyadaada.
Si aad macmiil uga noqoto bangi Iswiidhish ah waa inaad awooddo in lagu aqoonsado oo aad ka jawaabto su’aalo ku saabsan sababta aad ugu baahantahay xisaab bangi. Bangigu wuxuu u baahanyahay inuu ogaado halka lacagtaadu ka imanayso iyo sida aad u isticmaali doonto adeegyada bangiga.
La xidhiidh bangi oo u sheeg inaad doonayso inaad furato xisaab bangi. Haddii aad u baahan tahay inaad kulan la yeelato bangiga, waxaad sii kaxaysan kartaa qof kuu turjuma.
Samayso aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno (e-legitimation)
Adeegyo badan oo dhijitaal ah waxaa shuruud u ah in aad haysato aqoonsiga elaktarooniga ah. Aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno "e-legitimation" waa aqoonsi elektroonik ah. Aqoonsiga noocaas ayaa si sugan aqoonsigaaga ku caddayn kartaa markii aad tusaale booqanayso barta internetka ama isticmaalayso app.
Waxaad tusaale ahaan aqoonsiga elektroonikada isticmaali kartaa in aad
- ku gasho dhanka 1177.se
- ku gasho bangigaaga
- ku muujiso aqoonsigaaga dhanka hey’adaha dawladeed iyo shirkado
- ku bixiso xisaabaadka dhanka intarnetka.
Waxaa jira saddex aqoonsiyo elaktaroonig oo kala duwan oo la doorto:
- BankID kaas oo aad ka dalbanayso bangigaaga
- Freja+ kaas oo aad ka dalbanayso adigoo soo dejisanaya aabka Freja eID
- AB Svenska Pass kaas oo aad dalbanayso adigoo kaar aqoonsi ka codsanaya Hey’adda ammuraha cashuuraha.
Isla aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno "e-legitimation" ayaa isticmaali kartaa markii adeegyada baraha internetka aad isticmaalayso, laakiin maaha kuligood. Hubaal ma ahan inaad isla aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno "e-legitimation" aad dhammaan adeegyada dartood isticmaali karto.
Samayso lambar telafoon oo iswiidhish ah
Si aad u hesho lambar telafoon oo iswidish ah waxaad u baahan tahay inaad haysato sim-kaadh Iswiidhish ah oo aad geliso telafoonkaaga moobilka. Kaarka sim-ka waxaad ka samayn kartaa wicitaanka, dirid fariin sms iyo isticmaalka internetka.
Waxaad kaarka sms ku heli kartaa laba siyaabood:
- Waxaad iibsan kartaa kaarka la buuxiyo. Kaarka la buuxiyo lacag ayaad ka bixinaysaa marka aad iibsanayso. Adiga ayaa dooranaya inta lacag ah ee aad rabto in aad ku shubto kaadhka buuxiska. Kadib ayaad lacagtaas ku isticmaali kartaa kartaa wicitaanka, dirid fariin sms iyo isticmaalka intarnetka.
- Waxaad saxeexi kartaa heshiis rukumasho moobil. Taas macneheedu waxa weeye in aad heshiis la galayso shirkad moobil. Heshiiska waxaa ku qoran inta ay leegtahay internetka iyo inta wicitaan iyo sms ah ee ku jira qiimahaas. Ka dib laguu soo dirayaa xisaabta aad bixinayso bil walba.
Waxaad u baahan tahay inaad caddeyso aqoonsigaga si aad u hesho kaarka la buuxiyo ama rukumasho moobil. Waxaad isticmaali kartaa kaarka aqoonsiga, baasaboor ama BankID.
Lacag ku dir kuna gudoon moobilka
App-ka Swish waxaad ku diri kartaa kuna gudoomi kartaa lacag soo maraysa moobilka. Waxaad ku xawili kartaa lacag oo lacag ugu diri kartaa shakhsiyaad gaar ah iyo shirkado.
Si aad u isticmaasho Swish waxaad u baahan tahay xisaab bangi, BankID iyo lambar telefoon ah Iswiidhish. Wax kharash ah ma laha in la isticmaalo Swish.
Sidan ayaad samaynaysaa si aad u hesho Swish:
- Adigoo isticmaalayo mobaylkaaga soo dejiso app-ka Swish.
- Soo dejiso app-ka BankID. Waxaad BankID ka codsanaysaa bangigaaga.
- Barta internet ka guda-gal bangigaaga, kadib isku-xir Shish, lambarka mobaylkaaga iyo xisaabtaada.
- Fur app-ka Swish kadib ku xir lambarkaaga telafoonka.
Maamulka gobolka Dalarna waxay soo saareen buug yar oo ku saabsan adeegyada lacag bixinta. Halkaas ayaad ka akhrin kartaa sidaad kaadh lacag ugu bixineyso, sida aad ugu gali karto bangiga internetka iyo BankID.
Su’aalo iyo jawaabo
La xiriir mid ka mid ah kuwa bixiya aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno (e-legitimation). Iyaga ayaa awooda go`aanka lagu bixiyo aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee ee loo yaqaanno [e-legitimation], tusaale shuruurdaha waxay noqon karaan inaad haysato lambarrada aqoonsiga ee dalka Iswiidan ama lambarka isku duba-ridka (samordningsnummer).