Canug 0-5 sano

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/8-2023

​In la lahaado canug ku jira da’da dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waxaa ay adiga ka waalid ahaan kaga dhigantahay farxad aad u badan laakiin haddana taxaddi fara badan.

Caruur yar-yar oo ku ciyaaraysa qalab muusig, xagga dambe waxaa ka muuqda qolka ciyaarta iyo haweenay qof weyn ah.

Masawirqaade: Colourbox

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa meesha aad la xiriireysid inta uurka aad leedihid iyo uurka ka dib, iyo welibo uureysiga aan la dooneynin.

Haweenay uur leh maaha inay cabto khamri. Ilmaha uurka ku jira waxa dhib ka soo gaartaa maadooyinkan waxyeelada leh haddii aad khamri cabto marka aad uurka leedahay. Khamrigu wuxuu kordhiya khatarta in ilmaha uurka ku jiraa soo dhaco iyo in khamrigu waxyeeli karo horumarka ilmaha.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Haddii aad u baahantahay in lagaa taagero joojinta khamri cabista markaasi umulisadaada ayaa kaa caawin karta helida daryeel sax ah. Waxaa kale oo fiican in tusaale ahaan aad la hadasho dhakhtar jooga rugta caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Waalidka iyo khamriga

Khamri cabista badan ee waalidka waxay waxyeelo xun u leedahay caruurta. Caruurta yar yar waa xaasaasi. Meel ay joogaan dad sakhraansan waxaa ka jiri kara sanqar dheer, sanqaro kedis ah iyo ur aan fiicnayn. Waxaa kale oo iman karta in waalidka iyo dadka kale ay ilmaha u qaadaan si aan deganayn taas oo ilmuhu aanu caadiyaysan. Marka qofku cabo khamri waxaa xumaata awooda ah in laga warhayo baahida ilmaha. Waxaa xitaa jirta khatar weyn dhanka shil dhaca xilliga isticmaalka khamriga.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto adigaaga doonaya inaad wax ka badasho caadooyinkaaga khamriga. Caawimaad iyo talo-bixin ka raadso rugtaada caafimaadka ama xafiiska adeega arimaha bulshada. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Waxaa kale oo aad wici kartaa telafoonka khamriga Alkohollinjen haddii aad ka fikiraysid caadooyinkaaga khamriga ama kuwa qof kale. Halkaas waxaad kula hadli kartaa talo-bixiyayaal aqoon leh. Dhanka Alkohollinjen waxaad wacaysaa iyadoo bilaash ah oo aanad lagu garanayn. In aad wacdo iyadoo aan lagu garanayn micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay. Wac Alkohollinjen lagana helo telafoon lambarka 020-844 448.

Tobaakada waxaa ku jira maadooyin badan oo sun ah. Ilmaha uurka ku jira waxa dhib ka soo gaartaa maadooyinkan waxyeelada leh haddii aad sigaar cabto ama buuri isticmaasho marka aad uurka leedahay. Tani khataro ayay u leedahay ilmaha uurka ku jira iyo uurkan. Sigaar cabista wakhtiga uurka waxay kordhisaa khatarta ilmaha oo soo dhaca, waxyeelooyin gaara ilmaha uurka ku jira iyo dhimasho kedis ah oo ilmaha dhawaan dhashay ku dhacda. Waxaa faa'iido weyn leh in la yareeyo ama la joojiyo isticmaalka tobaakada wakhtiga uurka maadaama khatartu markaasi yaraanayso.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Adigu waxaad heli kartaa caawimaada in la joojiyo sigaarka ama buuriga. Talo-bixin weydiiso umulisadaada ama dhakhtarkaaga. Marka aad uurka leedahay waa inaad iska ilaalisaa balastarada nikotiinta, xanjada nikotiinta iyo sigaarka korontada ku shaqeeya oo loo isticmaalo caawimaada in la joojiyo sigaarka ama buuriga. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Adigu waxaad xitaa heli kartaa caawimaada dhanka tusaale ahaan:

Khadka Jooji Sigaar Cabista – bog intarnat lehna macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tobaakada halkaas oo aad si bilaash ah uga heli karto talo-bixin ay telafoonka kugu siiyaan shaqaale. Wac telafoon lambarka 020-84 00 00 haddii aad doonaysid inaad hesho taageero si aad isaga joojiso sigaarka ama buuriga.

Caruurtu waxay xaq u leeyihiin jawi ah bilaa sigaar. Ilmahaaga ka ilaali qiiqa tobaakada oo hubso in cidnaba aanay sigaar ku cabin agtooda. Marka caruurta neeftooda galo qiiq waxay waxyeelo ka soo gaartaa maadooyinka kiimikada khatarta ah isla sida qofka sigaarka cabaya. Tani waxaa lagu magacaabaa sigaar cabista qarsoon.

Caruurtu xaasaasi ayay u yihiin sigaar cabista qarsoon. Waxaa iyaga ku dhici kara infekshano khatar ah, xasaasiyad iyo xiiq. Sigaar cabista qarsoon waxay xitaa ka mid tahay khataraha keena geerida kediska ah ee caruurta dhawaan dhalatay.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Adigaaga waalidka ahi waxaad tusaale muhiim ah u tahay ilmahaaga inuu wax kaa barto. Waxaa jirta caawimaad aad heli karto adigaaga doonaya inaad joojiso sigaarka. Talo-bixin iyo taageero weydiiso rugtaada caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Adigu waxaad xitaa heli kartaa caawimaada dhanka tusaale ahaan:

Khadka Jooji Sigaar Cabista – bog intarnat lehna macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tobaakada halkaas oo aad si bilaash ah uga heli karto talo-bixin ay telafoonka kugu siiyaan shaqaale. Wac telafoon lambarka 020-84 00 00 haddii aad doonaysid inaad hesho taageero si aad isaga joojiso sigaarka ama buuriga.

Carruurta lagu dhalay Iswiidhan waxaa ay qaadanayaan isla jinsiyadda ay waaliddiintu haystaan. Haddii waaliddintu ay u dhasheen waddan ka baxsan midowga Yurub waa in waaliddiintu ay canugga u codsadaan sharci degganaasho. Canuggu wuxuu badanaa helayaa isla sharciga ay waaliddiintu leeyihiin.

Xaqiijinta aabenimada

Haddii waalidiinta carruurta ay is-qabaan, hooyadana ay ka diiwan gashan yihiin dalka Iswiidhan, waxaa ninkeeda loo diiwan gelinayaa in uu yahay aabeha ilmaha. Haddii waalidiinta carruurta aysan is-qabin, waa in aabeha ilmaha uu aabenimada cadeeya. Guddiga arrimaha bulshada ayaa degmooyinka badidooda ka arrinsada, arrimaha xiriirka la leh xaqiijinta aabenimada. Laakiinse, xitaa Guddiga arrimaha bulshada ee degmooyinka ama guddiyada dowladaha hoose ayaa arrimahaas ka arrinsan karo. La xiriir degmada aad degan tahay sida aad ku hesho warbixinta nidaamka degmada u degsan.

Haddii hooyada ilmaha ay ahayd magangelyo-done markii ilmaha ay dhalanayeen, oona iyada iyo lamaneheeda goortaas is-qabin, waa in waalidnimada laga diiwan geliyaa buugga diiwangelinta shicibka. Taasoo lagu dhaqaaqi karo kaddib markii ilmaha la siiyay ruqsadda degenaanshada ee dalka Iswiidhan.

Canuggu wuxuu marayaa wejiyo horuumar oo fara badan, waana caadi in waaliddiintu ay horuumarka canuggooda ka qabaan su'aalo fara badan.

Waa muhiim in aad guriga ka dhigtid mid ammaan u ah carruurta haddii aad qabtid carruur da'daan ah.

In la ahaado fasax waalid micnaheedu waa inaad fasax ka tahay waxbarasho ama shaqo si aad gacanta ugu hayso ilmahaaga. Waa caadi in ragga iyo dumarka labaduba ay fasax ka qaataan shaqada ama waxbarashada si ay guriga carruur ula joogaan. U qaybinta waqtiga fasaxa waaliddiintu waxay xiriir xooggan la leedahay aragtida xuquuqda carruurta. Canuggu wuxuu xaq u leeyahay in uu waaliddiintiisa xiriir dhaw la yeesho.

Ceymiska waaliddiintu waxa uu suurta gelinayaa in waaliddiintu ay fasax noqon karaan si ay canuggooda u hayaan. Waxaa lagu magacaabaa in lagu jiro fasax waalid. Marka aad ku jirtid fasax waalid waa in aad Qasnadda ceymiska ka codsataa lacagta waalidka.

Waxaa jira hawlo kala duwan oo aad samayn karto adigaaga ku jira fasaxa waalidnimo haddii aad doonaysid inaad la kulanto dad kale oo ku jira fasax waalidnimo.

Xanaanada caruurta ee furan waa goob kulan halkaas oo aad kula kulmi karto dadka kale ee waaweyn oo caruurtuna ka helayaan fursad ay la ciyaaraan caruur kale. Cid kasta waa lagu soo dhawaynayaa, adigu uma baahnid inaad ka hor isasii diiwaan-geliso oo waa bilaa kharash. Meelaha qaarkood waxaa laga helaa xanaanada caruurta ee furan ee ku jiheysan waalidka dalka ku cusub halkaas oo xitaa laga helayo fursada in la helo taageerada barashada iswiidhishka. Xanaanada caruurta ee furan waxaa maamusha degmada iyo xitaa kaniisado iyo ururo.

Hawlaha kale waxay ahaan karaan kulanka caruurta dhalaanka ah ee maktabada, maqaaxiyaha waalidka, tababarka caruurta dhalaanka ah iyo dabaasha dhalaanka.

Xarumaha ganacsiga ee wax laga iibsado qaarkood iyo dukaamada waaweyn waxaa laga heli karaa qolka qoyska ee naas-nuujinta. Halkaas waxaa xitaa laga helaa fursada in la fariisto oo la naas-nuujiyo, la badalo xafaayada oo raashinka ilmaha lagu diiriyo jawi degan.

Swiidhish leh canug yar

Adigoo maraya Swiidhish leh canugga yar waxaad la kulmi kartaa waaliddiin kale, waadna ku tababaran kartaan swiidhishka.

Haddii aad shaqeyneysid ama aad waxbaraneysid wuxuu canuggaagu maalintii oo dhan dhigan karaa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta laga billaabo hal sano jir. Taasi waa xuquuq la leeyahay. Haddii aadan shaqeyneynin ama aadan waxbaraneynin canuggu saas oo ay tahay wuxuu dhigan karaa dugsiga guud ee xannaanada iyo barbaarinta carruurta dhawr saacadood maalintiiba laga billaabo da'da 3 sano jirka.

Degmooyinka ayaa mas'uul ka ah in ay jiraan dugsiyo xannaano iyo barbaarin carruureed iyo in canugga boos la siiyo.

Daryeelka caafimaadka carruurtu wuxuu ku jeedaa carruurta laga billaabo dhalashada ilaa iyo billaabidda fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Hawl muhiim u ah daryeelka caafimaadka carruurtu waa in lala socdo caafimaadka dhammaan carruurta, horuumarka iyo xaaladda nololeed.

Rugta daryeelka caafimaadka carruurtu waxaa ay bixineysaa baaritaanno iyo tallaallo laakiin waxaad sidoo kale talo uga heli kartaa wax walba oo taabanaya horuumarka canugga.

Haddii canuggaagu uu xanuunsado oo uu baahanyahay daryeel waxaad la xiriireysaa rugta caafimaadka.

Degmada waxaa ku yaalla dhawr meelood oo aad la xiriiri kartid si aad talo iyo taageero u heshid, una heshid waxbarasho waalid ama si aad khibrado ula wadaagtid waaliddiin kale.