Canug 13-18 sano jir

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/5-2023

Ka waalid u ahaan canug dhawr iyo toban jir ah micno weyn ayuu qofku weli ugu fadhiyaa nolosha canugga. Waa muhiim in aadan joojin in aad ahaatid waalid oo aadan si degdeg ah ugu wareejin mas’uuliyad aad u weyn canugga dhawr iyo toban jirka ah.

Wiil dhowr-iyo-toban jir ah oo dhafoorka haysta.

Dhallinyaro badan marka ay dhawr iyo toban jir noqdaan waxaa ay billaabaan in ay iska xureeyaan waaliddiintooda. Waxay rabaan in ay iskood isu bixiyaan oo ay isu diyaariyaan nolosha dadka waaweyn. Waaliddiinta mas'uuliyad ayaa ka saaran in ay taageeraan safarka carruurtooda ee ku aaddan caalamka dadka waaweyn. Waa muhiim in isu dheelli tir la helo si xudduudo loogu sameyn karo canugga. Isla markaasna waa in canuggu uu waddanka cusub horuumar ku sameyn karyo.

Baaluqid

Marka la baaluqayo jirku wuxuu iska beddelaa carruurnimo, wuxuuna isu beddelaa qof weynnimo. Waa wax qof kastaba u gooni ah marka ay baaluqiddu billaabaneyso laakiin dadka badankooda waa inta u dhexeysa toban ilaa iyo seddax iyo toban sano. Waa muhiin in dhawr iyo tobanjirradu ay billaabaan in ay ku fikiraan galmadooda iyo jirkooda. Sidoo kale waa caadi in la yeesho saaxiib wiil ah ama saaxiib gabar ah.

Carruurtu waxaa ay dhigataa dugsiga hoose-dhexe ilaa iyo fasalka sagaalaad. Dhammaan dhallinyarada Iswiidhan ee dhammeystay dugsiga hoose-dhexe waxaa ay xaq u leeyihiin waxbarasho dugsi sare oo seddax sano ah. Waxbarashada dugsiga sare waxaa ay siineysaa aqoon aasaasi ah oo ku aaddan sii wadidda waxbarashada iyo nolol xirfadeed oo mustaqbal ah.

Waxbadan ayaa jirka qofka dhawr iyo toban jirka ah ka dhacaya, jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba.

Haddii dhawr iyo toban jirkaagu uu xanuunsado markaas waxaad la xiriireysaan rugta caafimaadka ee halka aad deggantihiin.

Qaar dhallinyarada ka mid ah waxay u baahanyihiin cid ay la hadlaan, waxaana ay la xiriiri karaan caafimaadka ardayda ama rugta qaabilaadda dhallinyarada.

Waqtiga firaaqadu qeyb aad u muhiim ah ayuu nolosha dhawr iyo toban jirka ah ka yahay. Aqoonsi u gaar ahna muhiim ayuu horuumarka dhallinyarada u yahay.

Dhallinyaro badan waxaa ay dhegeystaan muusiko, waxaa ay isticmaalaan intarneet, waxaa ay shitaan TV, waxaa ay waxyaabo la sameeyaan saaxiibbo iyo wax kaloo badan.

Xubin ka ahaanshada ururradu hoos bey u dhacdaa marka carruurtu ay sii weynaadaan.

Saameynta khamriga

Khamri waa sun oo maskaxda dhaawici. Dhallinyarad maskaxdooda aad bey fududahay in la saameeyo maadaama maskaxda korin ku socdo ilaa laga gaari 25 sano.

Khamriga qofka weey sirkhaansiin iyo saameyn wax qiimeynta. Dhallinyarad waxey dhahan in ayaga la kulmaan dhib markey cabbaan haddii lala barbar dhigo markeysan cabbin. Waxaa kamid ahaan kara is khilaafid, jir dilm shil, suubin galmo aan dooneyn, sirkhaansan baabuur wadid ama dareewal sirkhaansan baabuur la raaci.

Warbixin

  • Tukaanka khamriga oo la dhaho Systembolaget qofka waa inuu 20 sano jir yahay haddii oo doonaayo inuu khamri ka iibsado.
  • Markey makhaayad noqoto qofka waa inuu jira 18 sano haddii oo dooni khamri.
  • Tukaamada cuntada oo iibsho khamriga bulshada qofka waa inuu jiro 18 sano.
  • Qofkii u soo iibsho ama ka iibsado dad aan qaankarin khamri waxaa lagu xumikara ganaax ama xabsi.

Saameynta sigaarka

Dhallinyaro badan oo bilaawdo iney sigaar cabban ama tubaako isticmaalaan waxey ku noqon balwad iyo ku adkaan iney iska joojiyaan. Waxaa ku jirto Nikotiin oo sababto balwada oo ah maado ku jirto tubaakooyinka.

Nikotiinka waxey badin wadno garaacida iyo keentaa dihiig karka. Keento inuu sida dhiiga jirka ugu wareegsan yaraato iyo awooda jirka oo soo nusqaanto. Sigaar cabbida waxey kordhisaa halista cudurada sida neefta, sonkorta dadka weyn ku dhacdo, sanbab xanuunka, cudurada wadnaha iyo xididada iyo kaansarka.

Warbixin

  • 18 sano jir baa ah xadka.
  • Wixii alaab oo tubaako waxaa kaliya laga iibin kara qofkii buuxiyay 18 sano.
  • Alaabta tubaakada laga ma iibinkaro qofkii looga shakiyo inuu u gudbin qof aan gaarin 18 sano. Waxaa laguu magacaabaa sharci daro u adeegid.
  • Waa mabnuuc sigaar in lagu cabbo lokaalada oo dugsiga xannaanada, iskuulada iyo meheradaha kale oo carruurta iyo dhallinyarada.
  • Mabnuucida sigaar cabbida waxey xitaa quseysaa barxada iskuulka ama dhulka bannaanka oo kamid ah dugsiga xannaanada iyo dugsiga xilliga firaaqaha, dhammaan maalmaha iyo haben iyo maalin.
  • Mabnuucida sigaar cabbida waxey quseysaa lokaalada daryeelka iyo isbitaalada.
  • Mabnuuciad sigaar cabbida waxey xitaa quseysaa lokaalada la wada wadaago, tusaale ahaan ruwaayadaha, shaleemooyinka, gudaha tareemada iyo basaska, tukaamada, makhaayadaha shaaha iyo makhaayadaha cuntada.

Saameynta kanabis[cannabis]

Dhallinyaro oo cabbo kanabis waxey dhahan iney lee dahay raaxo iyo ayaga ka qaadan farxad, marmar qosol iyo markaas kadib degnaansho iyo dabacsanaan. Laakiin dhammaan sidaan ma u wada dareemaan.

Kanabis wuxuu xitaa lee yahay saameyn aan wanaagsaneen, oo qofka raad joogto ku noqon. Maskaxda baa saameyn oo qofku wuxuu noqon qof maahsan iyo u jawaabi sidii qof maqan camal. Qofka waxaa ku adkaan inuu xasuusto waxyaabo dhawaan dhacay iyo ku adkaan inuu barto waxyaabo cusub. Cawaaqibyada kale oo halista waxaa kamid ah walwal, cabsi aan xad leheen iyo niyad jabid. Waxaa kale qiica kanabiska ku jiro kiimakada sababto cudurka kaansarka oo aad bey uga tan badan tahay qiica sigaarka.

Isticmaalida kanabiska waxey xitaa saameyn ku yeelan kartaa nolol maalmeedka: iskuulka oo dhibaato kala kulantid, saaxibo cusub yeelatid iyo khilaafyo guriga kala kulantid. Haddii canugaaga dhallinyarada isticmaalo mukhaadaraad iyo warbixin boliiska gaarto waxey sabab u noqon kartaa iney ku adkaato inuu helo ruqsadka baabuur tababarashada ama tusaale ahaan ameerika tagi karin. Waxey xitaa culus kugu noqon kartaa markaa codsaneysid shaqooyinka qaarkood.

Warbixin

  • Kanabis waa mukhaadaraadka ugu caansan oo dhallinyarada si sharci ku xad gudbid u isticmaalan.
  • Dhammaan in lagu shaqo la ahaado mukhaadaraadka kanabis waa sharci ku xad gudbid – in la abuuro, la iibsho, la gato, la isticmaalo iyo meel lagu keediyo
  • Kanabiska oo maanta la iibsho iyo la isticmaalo intaas oo jeer buu ka awood badanyahay kii la heli jiray 1970:meeyadii.
  • Mukhaadaraadka la dhaho Spice, oo isticmaalidiisa soo badaneyso, ka suubsan dhir la qallajiyay oo markaas lagu buufiyay dhacaanka kanabis oo shaybaare suubiyay. Spice weey ka awood badan tahay kanabis iyo weey adagtahay in raadkeeda la helo markii qofka jirkiisa laga baaro mukhaadaraad.
  • Dhallinyarad inta ugu badan oo maanta cabbo sigaarka Kanabis waxey koow ka bilaabeen iney cabban sigaarka caadiga.
  • In badan ayagoo khamri ku sirkhaansan bey marka koowad tijaabiyaan kanabis.
  • Sida ugu caadiyeysan oo lagu helo kanabis waa saaxiibaha ama saaxiibyada saaxiibadooda, oo caadiyan xafladaha qofka shaqsiga.

Degmada waxaa ku yaalla dhawr meelood oo aad la xiriiri kartid si aad talo iyo taageero u heshid, una heshid waxbarasho waalid ama si aad khibrado ula wadaagtid waaliddiin kale.