Canug 6-12 sano jir

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/8-2023

​Canug dugsi billaabaya, iyo saaxiibbo iyo waxa aad daneyneysid ayaa noqonaya wax ka muhiimsan. Isla markaasna baahida loo qabo xiriir dhaw oo qoyska ah weli waa ay weyntahay.

Gabadh yar oo eegaysa kamarad oo xagga hore laga arko, saddex caruur ah ayaa ka muuqda xagga dambe.

Masawirqaade: Colourbox

Carruurtu siyaabo kala duwan ayey horuumar u sameeyaan. Waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka dugsiyada haddii aad taageero u baahantihid ama aad qabtid su'aalo ku aaddan horuumarka canuggaaga.

Fasalka barbaarinta waa nidaam iskool oo waajib ah. Caruurta badankoodu waxay dhigtaan fasalka barbaarinta laga bilaabo bilowga sanad dugsiyeedka ay buuxinayaan 6 sano. Waxbarashadan waa inay dar-dargeliso caruurta horumarkooda una diyaariso waxbarasho sii socota. Fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waa lacag la'aan, waxaana uu leeyahay qeyb weyn oo shaqo hal abuurnimo ah iyo ciyaar. Carruurtu waxay dhigtaan dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta isniin ilaa iyo jimco. Sabtiyada, axadaha iyo maalmaha fasaxa ah waa fasax.

Dugsiga hoose-dhexe waa waajib, lacag la'aan ayuuna dhammaan carruurta u yahay. Waa sida ugu caadi ahaansan in canuggu uu dugsiga billaabo dayrta sannadka uu 7 sano buuxinayo. Dugsiga hoose-dhexe wuxuu ka koobanyahay sagaal fasal. Sannad dugsiyeed kasta waxaa uu u qeybsanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah- iyo mid xilli dugsiyeedka guga ah.

Marka ay ku jiraan da'aaddan carruurta badankoodu waxay tijaabiyaan hawlo kala duwan oo xilliga firaaqada la qabto, waana muhiim in ay saaxiibbo la jiraan.

Waa muhiim in canuggu uu ka tirsanaado wax urur ah, si uu tusaale ahaan uu u sameeyo jimicsi, u barto ciyaarid qalab muusiko ama u tijaabiyo farshaxan iyo riwaayad.

Haddii canuggu uu xanuunsado waxaad la xiriiri kartaa rugtaada caafimaadka.

Haddii aad qabtid su'aalo ku aaddan horuumarka canugga waxaad la xiriiri kartaa caafimaadka ardayda.

Caruurtu waxay xaq u leeyihiin jawi ah bilaa sigaar. Ilmahaaga ka ilaali qiiqa tobaakada oo hubso in cidnaba aanay sigaar ku cabin agtooda. Marka caruurta neeftooda galo qiiq waxay waxyeelo ka soo gaartaa maadooyinka kiimikada khatarta ah isla sida qofka sigaarka cabaya. Tani waxaa lagu magacaabaa sigaar cabista qarsoon.

Caruurtu xaasaasi ayay u yihiin sigaar cabista qarsoon. Waxaa iyaga ku dhici kara infekshano khatar ah, xasaasiyad iyo xiiq. Sigaar cabista qarsoon waxay xitaa ka mid tahay khataraha keena geerida kediska ah ee caruurta dhawaan dhalatay.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto adigaaga doonaya inaad joojiso sigaarka. Talo-bixin iyo taageero weydiiso rugtaada caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Adigu waxaad xitaa heli kartaa caawimaada dhanka tusaale ahaan:

Khadka Jooji Sigaar Cabista – bog intarnat lehna macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tobaakada halkaas oo aad si bilaash ah uga heli karto talo-bixin ay telafoonka kugu siiyaan shaqaale. Wac telafoon lambarka 020-84 00 00 haddii aad doonaysid inaad hesho taageero si aad isaga joojiso sigaarka ama buuriga.

In la cabo khamri aad u yar maaha micnaheedu inaad noqonayso waalid xun. Laakiin waalidka oo khamri badan cabaa waxay raad xun ku yeelan kartaa ilmaha. Marka qofku cabo khamri waxaa xumaata awooda ah in laga warhayo baahida ilmaha. Waxaa xitaa jirta khatar weyn dhanka shil dhaca xilliga isticmaalka khamriga.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto adigaaga doonaya inaad wax ka badasho caadooyinkaaga khamriga. Caawimaad iyo talo-bixin ka raadso rugtaada caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Waxaa kale oo aad wici kartaa telafoonka khamriga Alkohollinjen haddii aad ka fikiraysid caadooyinkaaga khamriga ama kuwa qof kale. Halkaas waxaad kula hadli kartaa talo-bixiyayaal aqoon leh. Dhanka Alkohollinjen waxaad wacaysaa iyadoo bilaash ah oo aanad lagu garanayn. In aad wacdo iyadoo aan lagu garanayn micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay. Wac Alkohollinjen lagana helo telafoon lambarka 020-844 448.

Da'dan marka lagu jiro waa iska caadi shilal in ay ka dhacaan goobaha isboortiga. Waa muhiim in canuggu uu isticmaalo difaac, sida tusaale ahaan koofiyadda madaxa dhawrta, marka uu jiro isboorti iyo hawlo u baahan taas.

Degmada waxaa ku yaalla dhawr meelood oo aad la xiriiri kartid si aad talo iyo taageero u heshid, una heshid waxbarasho waalid ama si aad khibrado ula wadaagtid waaliddiin kale.

Daryeelka canug xanuunsan (VAB) waa markaa adiga guriga la joogtid oo shaqo aadan aadin ama shaqo aadan raadin sidaa canug xanuun guriga kugu haysid.