Caafimaadka ilmaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 28/6-2023

Waxaa jira meelo fara badan oo lala xiriiri karo marka laga hadlayo arrimaha khuseeya caafimaadka canugga.

Ilmo jooga rug caafimaad oo la kulamaya dhakhtar lana socda hooyada.

Rugta daryeelka caafimaadka carruurta

Rugta daryeelka caafimaadka caruurta (bvc) waxaa lagu bixiyaa baaritaanada caafimaadka iyo talaalada loogu talogalay ilmahaaga. Bvc waxay bixiyaan daryeelka caafimaadka ee dhamaan caruurta ilaa da'da lix sano. Adigaaga waalidka ah waxaad ka heli kartaa taageero iyo talo-bixin dhanka waalidnimadaada iyo horumarka ilmahaaga, dabeecadaha iyo cudurada. Waa caadi in wax walba la weydiiyo. Laga bilaabo wixi wel-wel ah dhanka caafimaadka iyo horumarka ilmaha ilaa dhibaatooyinka maalinle sida tusaale ahaan raashinka iyo hurdada.

Marka ilmahaagu xanuusanayo ee u baahanyahay daryeel waa inaad la xiriirtaa rugta caafimaadka.

Meelo badan waxaa rugta daryeelka caafimaadka caruurta ku taalaa gudaha rugta qoyska.

Rugta qoyska

Rugta qoyska waa goob laga helayo taageerooyin kala duwan oo loogu talogalay qoysaska. Waxaa laga helaa rugta umulisooyinka, rugta daryeelka caafimaadka caruurta iyo xanaanada caruurta ee furan. Waxaad talo-bixin iyo taageero ka heli kartaa xafiiska adeega arimaha bulshada. Mararka qaarkood waxaa xitaa lagu bixiyaa kooxo waalid oo waxbarasho la siiyo halkaas oo aad kula kulmayso waalid kale koox ahaan tiro dhowr mar ah si looga sheekaysto waalidnimada.

Rugaha qaabilaadda la xiriirta dawada carruurta iyo dhallinyarada, BUM, waa rugo qaabilaad oo takhasus gaar ah leh oo loogu tala galay carruurta iyo dhallinyarada ilaa iyo 17 jir.

Marka laga hadlayo xanuunnada gaagaaban ee ku dhaca canug sidiisa kale caafimaad qaba BUM waa ay qaabileysaa canug ilaa iyo intuu ka jirsanayo 12 bilood.

Daryeelka ilkaha bulshadu waa daryeelka ilkaha ee gobolku wado hawshiisa. Daryeelka ilkaha bulshadu wuxuu carruurta siinayaa daryeel ilko oo joogto ah oo dhammeystiran ilaa iyo sannadka ay buuxinayaa 21 jir.

Marka laga hadlayo dhallinyarada magangelyo doonka ah waxaa mas'uuliyadda maamulka gobolka ee in ay siiso daryeel ilko joogsataa marka uu qofka dhallinta yari buuxiyo 18 sano, taas oo ka duwan dhallinyarada haysata sharciga deggenaashaha.

Caruurta ilkaha u cadday

Isla marka ilmaha ay u soo baxaan iliga ugu horeeya waxaa fiican in la bilaabo caddayga ilkaha. Haddii ilmuhu wakhti hore la sii qabsado way sii fududaanaysaa in caddayashadu ay caado u noqoto ilmaha.

Dhamaan caruurta joogta Iswiidhan waxaa lagu casuumaa laguna talinayaa talaalka ka hortaga cuduro dhowr ah oo kala duwan. Caruurta waxaa loo talaalaa inay gabood fiican ka helaan ka hortaga cudurada khatarta ah.

Carruurta ilaa iyo 18 sano ee aan loo tallaalin si waafaqsan barnaamijka tallaalka waxaa la siinayaa tallaal dhammaystir ah.

Gudida ardaydu waxay joogaan iskoolka caruurta. Gudida ardayda waxay ka shaqeeyaan inay taageeraan ardayda waxbarashadooda, horumarkooda iyo caafimaadkooda. Maamulaha iskoolka ayaa mas'uul ka ah gudida ardayda.

Gudida ardaydu waxay ardayda siiyaan helitaanka dhakhtar iskool, kalkaalisooyin caafimaad, la-taliyayaal, takhasuska cilmi-nafsiga iyo macalimiin khaas ah.

Gudida ardaydu waa inay arday kastaa ku casuumaan booqashada caafimaadka oo leh baaritaanada aragtida iyo maqalka iyo talaalyada.

Haddii ilmahaagu u baahanyahay caawimaad iyo taageero dhanka caafimaad daro cilmi-nafsiyan ah markaasi waa inaad ugu horeyn la xiriirtaa gudida ardayda ee iskoolka ilmahaaga ama rugta caafimaadka. Ilmahaagu wuxuu heli karaa daryeel takhasus ah haddii loo baahdo. Haddii ilmuhu yahay ilaa lix sano waxaad la xiriiri kartaa rugta daryeelka caafimaadka caruurta si loo helo talo-bixin. Ilmaha ayaa keligii laga bilaabo da'da 13 sano la xiriiri kara rugta qaabilaada dhalinyarada.

Caafimaad darro maskaxeed waa fikrad lasoo koobay oo ay soo gelayaan dhibaatooyinka maskaxda ee aan cuslayn iyo kuwa leh calaamooyin sii culus labadaba.

Niyad jabku wuxuu u soo baxaa siyaabo kala duwan hadba inta uu qofku jiro. Carruurta iyo dhawr iyo toban jirka niyadda jabsan niyad jabku kama muuqanayo mar walba. Waxaa caadi ah in taas beddelkeeda ay tusaale ahaan yihiin kuwo xanaaqsan oo xanaaq dhaw.

BUP

BUP waxuu daryeelaa caruurta iyo dhalinyarada oo ugu baahi weeyn caawinaad ama daryeel dimirka. Waxeey qaabilaan dhalinyarta ilaa 18 sano, kadib waxaa laga tirsanaada qeeybta-dimirka ee dadka weeyn.

Rugta qaabilaadda dhallinyarada waxaa loogu tala galay dhallinyarada laga billaabo 12-13 jir ilaa iyo 25 jir. Booqashooyinku waa lacag la'aan.

Rugta qaabilaadda dhallinyarada waxaa jirta fursad ah in la helo wadahadal taageero oo loogu tala galay qofka aan wacnaan dareemeynin oo u baahan cid uu la hadlo. Waxay sidoo kale ku saabsanaan kartaa arrimo ku aaddan jirka ama galmada iyo waxyaabaha uurka looga hor tago.

Waxaa jira bog intarnatka ah laguna magacaabo Youmo.se lagana helayo macluumaad ku saabsan jirka, galmada iyo caafimaadka kuna qoran dhowr luqadood oo kala duwan. Yuomo.se waxaa loogu talogalay dhalinyarada u dhaxaysa -13-20 sano. Dhanka youmo.se waxaa xitaa laga helayaa macluumaadka xiriirka ee dhamaan rugaha qaabilaada dhalinyarada ee Iswiidhan.

Ka waalid leh carruur naafo ah waxaa uu qofku si sharci ah xaq ugu leeyahay taageero ka imaaneysa bulshada. Dadaallada badankooda waa in qofka naftirkiisu uu codsadaa.

Taageerada uu qoysku xaqqa u leeyahay waxaa ay ku xirantahay hadba naafanimada canuggu uu qabo iyo inta ay taasi saameyn ku yeelaneyso baahida canugga ee maalinlaha ah. Waa degmada iyo maamulka gobolka uu ilmuhu deggenyahay, labadaba kuwa mas'uulka ka ah in ay siiyaan taageero.

Mararka qaar ardayda qaba naafanimadu waxay u baahanyihiin in ay dhigtaan dugsiyo kale oo la waafajiyay hadba baahidooda.

Carruur baxnaanin

Baxnaaninta carruurtu waxaa ay qaabileysaa carruurta iyo dhallinyarada leh naafanimo ballaaran oo nolosha qofka oo dhan la soconeysa.

Dadaallada baxnaanintu waxa ay noqon karaan talooyin, taageero iyo daweyn iyo welibo u qorid iyo ku tijaabin qalab wax caawiya.