Ammaanka ilmaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/2-2023

Waa muhiim in laga fikiro ammaanka canugga. Taasi waxay yareyn kartaa in canuggaagu uu shil la kulmo. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida looga hor tegi karo shilal iyo waxa aad sameyn kartid haddii uu shil dhaco.

Laba carruur yar yar oo xiran koofiyadaha baaskiilka oo ag taagan baaskiilka dadka waaweyn. Carruurtan waxay xiranyihiin dharka xagaaga oo xagga dambe waxaa ka muuqda dhir cagaaran.

Masawirqaade: Colourbox

Waa muhiim in carruurtu sida ugu dhakhsi badan ee suurta gal ah ay u bartaan dabaal.

Carruurtu waa in ay haystaan jaakadda sabbeynta marka ay biyo ag joogaan, saaranyihiin doon ama ku ciyaarayaan xeebta. Laakiin khatartu sidoo kale guriga berkadda lagu qubeysto wey ka jirtaa. Dhawr santimitir oo biyo ah ayaa ku filnaan kara. Biyo agtood carruurtaada marnaba ha uga tegin iyadoo aan isha lagu hayn, hana ka fogaannin in ka badan inta aad canugga ka qaban kartid.

Haddii aadan qabin wax jaakad sabbeyn ah waxaad badanaa ka deynsan kartaa degmada.

Dhammaan kuwa gaaray 15 sano waa in ay haystaan koofiyadda madaxa dhawrta ee baaskiilka. Waa lagu ganaaxi karaa haddii aad canug ku qaadid baaskiilkaaga isagoo aan haysan koofiyadda madaxa dhawrta.

Koofiyadda madaxa dhawrta waa in ay si suga madaxa ugu fadhidaa. Wax ma dhawreyso haddii ay gadaal-gadaal ama horay-horay u fadhido.

Swiidhan waxaa ka jira sharci dhahaya in dhammaan kuwa raacaya baabuur ay suun xirtaan, horay iyo gadaal labadaba. Carruurta ka gaaban 135 sentimitir waxaa u dheeri ah in ay isticmaalaan wax badbaado oo gaar loogu farsameeyay, badbaadiyaha canugga yar, kursiga carruurta ee gawaarida ama kursi suun leh/barkin.

Canuggu wuxuu si fuduuli ah u baarayaa hareerihiisa isaga oo aan wacyi u lahayn dhammaan khataraha ka jira dhinacyadiisa.

Adiga ka waalid ahaan waa ay kugu adkaan kartaa in aad dusha kala socotid waxa uu canuggaagu intarneetka ka sameynayo iyo xiriirada uu abuurayo ama ay abuureyso. Waxa intarneetka ka dhacaya waa kuwo aan khatar lahayn laakiin waxaa mararka qaar dhacda in canug lagu waxyeelleeyo ama uu qeyb ka noqdo waxyeelleyn carruur kale tusaale ahaan foorjeyn iyo caayid.

Guddida dawladda ee saxaafadda waxay soo saartay buug yar iyo filimo kaa caawinaya inaad ilmahaaga u taageerto qaab fiican.

Hey'adda badbaadada iyo diyaargareynta, MSB, waxaa ay soo saartay laba filin oo tilmaamamaya sida soo sameynayo wadno- iyo sambabo badbaadin.

Carruur 1 sano ka yar

Carruur 1 sano ka weyn