Talo iyo taageero

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/10-2023

Ilmo yar oo gacantiisa yar ay haysato far dhexda qof weyn gacantiisa.

Masawirqaade: Colourbox

Mid ka mid ah shaqada hey'adda adeegga bulshadu waa in ay hubisaa in carruurta iyo dhallinyaradu ay helaan koritaan aammin ah. Waxaad la xiriiri kartaa hey'adda adeegga bulshada si aad kaalmo iyo taageero ugu heshid dhibaatooyinka kala duwan ee ku adag qoyska in ay gacantooda ku xalliyaa. Waxaad heli kartaa talooyin iyo taageero haddii dhibaato arrimaha qoyska ah aad qabtid, daroogo, dembi iyo wax kaloo badan. Haddii aad taqaannid wax canug ama dhallinyaro ah oo dhibaateysan markaas waxaad la xiriiri kartaa hey'adda adeegga bulshada

Talo bixinta waaliddiinta

Degmooyinka qaar waxaa jirta tala bixin waalid oo gooni ah, halkaas oo aad kala xiriiri kartid arrimaha ku aaddan waalidnimadaada.

Sharciga daryeelka dhallinyarada (LVU)

Haddii qof ka yar 18 sano aynan waaliddiintiisu sabab jirta awgeed canugga dhallinta yar u siin karin taageerada uu u baahanyahay ama ay u baahantahay, ama haddii canugga naftirkiisu uu ku noolyahay nolol is baabi'in ah tusaale ahaan daroogiistanimo iyo khamriyacabnimo ama dimbiilanimo, kan dhallinta yar gacanta ayaa lagu dhigi karaa si waafaqsan sharciga daryeelka dhallinyarada, LVU.

Waxay taasi u baahantahay in ay jiraan xaalado xun-xun oo keenaya in si cad uu caafimaadka canugga dhallintayar uu khatar ugu jiro ama horuumarkiisu dhaawacmayo, daryeelka la siinayana aan si rabitaankiisa ah lagu siin karin.

Adinku ka lammaane ahaan ama qoys xagga xiriirka dhibaato ma ka qabtaan? Waxaa Tala siinta qoyska ka jirta fursad taageero iyo talo siin. Tala siinta qoysku waxaa ay la shaqeysaa lammaanayaasha, dadka kali-kaliga ah iyo qoysaska.

Macluumaadka ku aaddan tala siinta qoyska waxaad ka heli kartaa bogga intarneedka ee degmada.

Waaliddiintu dhammaan taageero ayey mararka qaar ugu baahan karaan waalidnimadooda. Bogga intarneetka ee degmadaada waxaa ku jira warbixin ku aaddan taageerada waalidka ee aad degmada ka heli kartid.

Degmooyin badankoodu waxay bixiyaan nuucyo kala duwan oo waxbarasho waalid ah inta lagu jiro koritaanka canugga.

Waxbarashada waalidka waxaad idinku ka waalid ahaan waaliddiinta kale isku dhaafsan kartaan aqoon iyo khibrado.

Haddii ay is furayaan oona ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda, waa in xafiiska arrimaha qoysaska la xiriiraan. Wuxuu xafiiskas ku caawini karaa xal u helida qilaafka taagan. Haddii eey heshiin waayaan waxeey arinta noqoneeysaa mid uu taalo maxkamada degmada. Maxkamada waxeey markaasi ka codsaneeysaa in xafiiska arrimaha qoyska baaritaan sameeyo inta ee san maxkamada go'aan ku soo gaarin waalidka la siinaayo xilheeynta xanaanad iyo meesha uu canuga dagaayo.

Rugta qoyska waa goob laga helayo taageerooyin kala duwan oo loogu talogalay qoysaska. Waxaa laga helaa rugta umulisooyinka, rugta daryeelka caafimaadka caruurta iyo xanaanada caruurta ee furan. Waxaad talo-bixin iyo taageero ka heli kartaa xafiiska adeega arimaha bulshada. Mararka qaarkood waxaa xitaa lagu bixiyaa kooxo waalid oo waxbarasho la siiyo halkaas oo aad kula kulmayso waalid kale koox ahaan tiro dhowr mar ah si looga sheekaysto waalidnimada.

Dugsi xannaano iyo barbaarin carruureed oo furan waa hawl kooxeed la xiriirta habka waxbaridda oo loogu tala galay carruurta. Dugsiga furan ee xannaanada iyo barbaarinta carruurtu wuxuu qaabilayaa carruurta sii yar-yar iyo waaliddiintooda ama dad kale oo waaweyn. Dhammaan waa la soo wada dhaweynayaa, mana u baahnid in aad boos ka codsatid.