Xuquuq iyo waajibaad
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 10/5-2023
Xeerka waalidku waa sharciga ugu muhiimsan marka laga hadlayo carruur iyo qoys. Waxaa isaga ku cad xuquuqda carruurta marka loo eego waalidkooda iyo waaliddiinta waajibaadkooda marka loo eego carruurta.
Xuquuqda waaliddiinta iyo carruurta ee daryeelka caafimaadka
Waa adiga, ka waalid ahaan, iyo carruurta cidda heleysa warbixin oo fursad u heleysa in ay meel iska taagto arrimaha taabanaya daryeelka carruurta. Waxay tusaale ahaan ka dhignaan kartaa in aad u baahantihiin turjumaan.
Xuquuqda waaliddiinta ee dugsiga
Dhammaan kuwa ka shaqeeya dugsiga waa in ay wada shaqeyn la yeeshaan waalidka si ay u horuumariyaan waxa uu dugsigu ka koobanyahay iyo hawshiisa.
Ugu yaraan hal mar xilli dugsiyeedki waa in macallinku uu waalidka ku casuumaa wadahadal horuumarineed oo ku aaddan ardayga xaaladdiisa dugsi ahaaneed.
Sida waafaqsan xeerka waaliddiinta waxay carruurtu xaq u leeyihiin xannaano, ammaan iyo tarbiyo wanaagsan. Carruurta waa in loola dhaqmaa si qof ahaan iyo nuuc ahaanba looga taxaddiry, mana loo geysan karo ciqaab jir ahaaneed ama macaamilid bahdil ah.
Waajib ahaanshada dugsiga
Ku dhawaad dhammaan carruurta deggan Iswiidhan waxaa waajib ku ah dugsi. Waajib ahaanshada dugsigu waxay ka dhigantahay in ardaygu uu ka qeyb qaadanayo hawl lagu abaabulayo dugsi, haddii uusan ardaygu lahayn sabab loo qaateen ah oo ah in uu iska dhaafo. Qofka waalidka u ah canug uu dugsi ku waajibay waa in uu hubiyaa in canuggu waajibkiisa dugsi ka soo baxo.
Waajib ahaanshada nafaqeynta
Waajib ahaanshada nafaqeyntu waxay soconeysaa ilaa iyo inta canuggu 18 sano ka buuxinayo Haddii canuggu uu dugsi dhigto 18 sano jirnimadiisa ka dib waaliddiinta ayey nafaqadiisu waajib ku tahay inta uu dugsigu socdo, laakiin ugu badnaan ilaa uu canuggu 21 sano ka buuxiyo.
Sida canugga ugu fiican ayaa wax kala saareysa xagga arrimaha ku aaddan daryeelka, deegaanka iyo wada jiridda. Rabitaanka canugga ayaa mar walba la tixgelinayaa, iyadoo la eegayana da'da iyo bislaashada. Haddii ay taasi ugu habboontahay waa in hadafku uu ahaadaa in waaliddiintu yihiin xannaano wadaag.
Xannaanaynta carruurta
Xannaanaynta carruurta waxay tahay xuquuqda iyo waajibaadka saaran qofka xilhayeha xannaanadda oo badanaa ah waalidka. Taasi mecnaheed waxeey tahay in xananeeynta caruurta aad ku lee dahay xuquuq iyo waajibaad ku saaran. Carruurta waxay xaq ku leeyihiin xannaanyn inta ay ka gaarayaan da'da 18 sano.
Xaqiijinta aabenimada
Markii qof carruur ah (oo aan weli 18 sano buuxsan) la siiyo ruqsadda degenaanshada, waa in aabeha u xaqiijiya in uu aabehiisa yahay, waa haddii isaga iyo hooyada aysan is-qabin. Sharciga sidaaso faraya iyadoo fiirogaar aan la siinin haddii aabeha u dalka Iswiidhan joogo iyo in kale. Guddiga arrimaha bulshada ayaa degmooyinka badidooda ka arrinsato arrimaha xiriirka la leh xaqiijinta aabenimada, laakiinse, xitaa Guddiga arrimaha bulshada ee degmooyinka ama ama guddiyada dowladaha hoose ayaa arrimahaas ka arrinsan karo. La xiriir degmada aad degan tahay sida aad ku hesho warbixinta nidaamka degmada u degsan.
Xannaano wadaag ah
Xannaanaynta wadaagan waxaa loola jeeda in waalidiinta labadoodaba mas'uul ka yihiin carruurtooda. Waa in si wadajir ah u go'aamiyaan arrimaha carruutooda khuseeyso. Labada waalidba waxaa saaran isku waajibaad xitaa haddii laba waalid aysan isla wada nolayn. Qofka ah xilhayeha xannaanadda cunugga wuxuu xaq ku leeyahay in warbixin carruurtiisa ku saasban la siiyo. Macneheeda waxay tahay in aad xaq uu lee dahay in waxii caruurtaada ku saabsan ku soo wargaliyaan maamulka dugsiga xannaanadda, dugsiyada caadiga, xarumaha daryeel-caafimaadeedka, maamulka adeegga bulshada, booliska iyo hay'adaha.
Xannaano lagu keli yahay
In waalidiinta mid ka mid ah keligiis la siiyo xilhaynta xannaanada mecnaheed waa waalidkaas kaligiis saaran tahay mas'uuliyada canuga iyo go'aamada ku saabsan canuga. Haddii labada qof ay is qabaan waxay wadajir uu leeyihiin xilhaynta xannaanadda carruurtooda. Haddiise ay is qabin waa in warqad ku buuxiyaan maamulka bulshada (xafiiska arrimaha qoysaska) oo lagu cadeeya aabaha cunugga dhallay. Markaas kaddib ayay labadooda wadajir xaq ugu leeyihiin xilhaynta xannaanadda carruurtooda.
Qof waalidka booskiisa sharci ahaan u jooga canugga
Canugga, waaliddiin ama qof kale oo weyn la'aan yimaada Iswiidhan, waxaa loo doorayaa qof waalidka booskiisa sharci ahaan u metesha. Qofka waalidka booskiisa sharci ahaan gala wuxuu mas'uul ka noqonayaa canugga xaaladihiisa shakhsiga ah, wuxuuna dhawrayaa canugga danihiisa wakiilka sharciga ah iyo waaliddiinta booskoodi.
Xeerka qoyska
Haddii ay is furayaan oona ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda, waa in xafiiska arrimaha qoysaska la xiriiraan. Wuxuu xafiiskas ku caawini karaa xal u helida qilaafka taagan. Haddii eey heshiin waayaan waxeey arinta noqoneeysaa mid uu taalo maxkamada degmada. Maxkamada waxeey markaasi ka codsaneeysaa in xafiiska arrimaha qoyska baaritaan sameeyo inta ee san maxkamada go'aan ku soo gaarin waalidka la siinaayo xilheeynta xanaanad iyo meesha uu canuga dagaayo.
Iswiidhan si waafaqsan sharci waa mamnuuc in xoog jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed loo adeegsado carruur. Taasi xitaa wey khuseysa waaliddiinta carruur aysan dhalin korsada iyo dugsiga.
Waxaa xitaa sharci darro ah in lagu dhibo carruurta inay arkaan ama maqlaan dembi ka dhacay gudaha dad xiriir dhow leh. Carruur maaha inay u baahdaan inay arkaan ama maqlaan tusaale ahaan jir-dil, hanjabaad ama xadgudubyo galmo oo u dhaxeeya waalidka, walaalada ama qaraabada. Tani micnaheedu waa in rabshad dagaal oo dhex maraysa waalidka ay xitaa tahay rabshad dagaal oo lagula kacay ilmo. Dembigan waxaa lagu magacaaba dembiga nabad ka qaadista carruurta oo waxa ciqaabtiisu noqon kartaa xabsi. Carruurta markhaati u ahayd dembi ka dhacay gudaha dad xiriir dhow leh waa dhibbanayaal dembi oo waxay xaq u yeelan karaan magdhow.
Xoog adeegsi jir ahaaneed waa nuuc kasta oo xoog adeegsi ah oo jirka loo geysto. Garaacid fudud, in timaha laga jiido iyo in la qanjaruufto sidoo kale waa xoog adeegsi.
Xoog adeegsi maskax ahaaneed wuxuu noqon karaa handadaad, cabsi gelin, in wax kama jiraan laga soo qaado ama in canugga meel lagu xiro. Xoog adeegsiga maskax ahaaneed wuxuu si la mid ah kan jir ahaaneed u dhaawaci karaa canugga isku kalsoonidiisa iyo horuumarkiisa.
Haddii aad ka welwelsantahay in canug uu dhibaato ku jiro waxaad la xiriiri kartaa Hey'adda adeegga bulshada. Haddii aad markhaati u ahayd xoog adeegsi ka dhan ah canug waxaad booliiska kala xiriiri kartaa taleefan nambarka 114 14.