Dugsi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 28/6-2023

Caruurta oo dhan xaq ayay u leeyihiin waxbarasho. Degmada ayay waajib ku tahayin la siiyo caruurtaada boos ah iskoolka. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa nooca qawaaniinta jirta iyo nooca taageero ee caruurtaadu heli karaan si ay iyagu u awoodaan inay tagaan iskoolka iswiidhishka.

Afar carruur ah oo kubadda kolayga ku ciyaaraya jardiino iskuul.

Haddii aad shaqeyneysid ama aad waxbaraneysid wuxuu canuggaagu maalintii oo dhan dhigan karaa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta laga billaabo hal sano jir. Taasi waa xuquuq la leeyahay. Haddii aadan shaqeyneynin ama aadan waxbaraneynin canuggu saas oo ay tahay wuxuu dhigan karaa dugsiga guud ee xannaanada iyo barbaarinta carruurta dhawr saacadood maalintiiba laga billaabo da'da 3 sano jirka.

Fasalka barbaarinta waa nidaam iskool oo waajib ah. Caruurta badankoodu waxay dhigtaan fasalka barbaarinta laga bilaabo bilowga sanad dugsiyeedka ay buuxinayaan 6 sano. Waxbarashadan waa inay dar-dargeliso caruurta horumarkooda una diyaariso waxbarasho sii socota.

Dugsiga hoose-dhexe waa waajib Swiidhan gudeheeda. Halkan carruurta oo dhan waxay dhigtaan sagaal sano. Badankoodu waxaa ay fasalka 1 billaabaan dayrta ay buuxinayaan 7 jir. Sannad dugsiyeed kasta waxaa uu ka koobanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah- iyo mid xilli dugsiyeed gu' ah.

Waajibka iskoolka waxay bilaabantaa qaybta deyrta ee sanadka uu ilmuhu buuxinayo lix jir. Fasalka barbaarinta waa khasab. Iskoolka gaarka ah wuxuu leeyahay waxbarasho laga bilaabo fasalka barbaarinta ilaa fasalka 10.

Iskoolka gaarka ah waa nidaam iskool oo dawli ah kaas oo ay socodsiiso hey’adda iskoolka ee Waxbarashada gaarka ah. Iskoolka gaarka ah wuxuu ka kooban yahay fasalka barbaarinta ilaa fasalka 10 oo waxaa loogu talogalay:

  • Ardayda ah dhagoole ama leh hoos u dhac maqalka ah isla markaana leh hoos u dhac ah aragtida iyo maqalka.
  • Ardayda leh hoos u dhac aragtida ah iyo hoos u dhacyo dheeraad ah oo laxaadka ah.
  • Ardayda leh dhibaato luqadda ah oo xoog ah.
  • Arday ku dhashay dhagool iyo indho la’aan.
  • Ardayda ah dhagoole ama leh hoos u dhac maqalka ah oo ay u weheliso hoos u dhac ah awoodda caqliyan.

Dugsi hoose-dhexe oo la habboonaysiiyay waxaa loogu talogalay carruurta iyo da’yarta u dhaxaysa 7 iyo 16 jir ee leh hoos u dhac awoodda garaadka ah ama ay ku dhacday dhaawac maskaxda ah.

Carruurta leh hoos u dhac awoodda garaadka ah mar walba ma ka soo bixi karaan dugsiga hoose-dhexe ee caadiga ah. Markaas ayaa taas baddalkeeda uu ilmuhu tagi karaa dugsi hoos-dhexe oo la habboonaysiiyay. Waa qaab iskuul oo gaar ah oo waxbarasho la habboonaysiiyay siiya arday walba awoodihiisa iyo baahidiisa.

Dugsiga sare ee swiidhishku waa mid aan waajib ahayn. Dugsiga sare seddax sano ayuu dadka badankooda u yahay. Dad badan waxaa ay halkan si toos ah u billaabaan dugsi hoose-dhexe ka dib marka ay jiraan16 sano. Waxbarashada waa in la billaabaa ugu dambeyn sannadka la buuxinayo 20 sano.

Dugsiga sare ayaa ilmahaagu ka dhigan karaa barnaamijyada qaran ee kala duwan ama barnaamijyada hordhaca ah. Barnaamijyada qaranka waxaa ku jira barnaamijyo xirfadeed iyo barnaamijyada isu diyaarinta jaamicadda.

Si ilmahaagu u awoodo dhigashada barnaamij xirfadeed waxaa loo baahanyahay in ilmahaagu haysto shahaaddo baasitaan oo ku aaddan af Iswiidhishka ama af Iswiidhish oo luqad labaad ahaan ah, af Ingiriisi, xisaab iyo shan maaddo oo dheeraad ah. Micnhii waxaa loo baahanyahay shahaaddo baasitaan ah ku aaddan isu geyn siddeed maaddo.

Si ilmahaagu u tegi karo barnaamijka u diyaarinta jaamicada waxaa shuruud u ah in ilmuhu ku baasay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo sagaal maado oo dheeraad ah. Micnihii waxaa shuruud u ah ku baasida isu geyn laba iyo toban maado.

Haddii ilmahaagu aanu geli karin barnaamijyada qaranka waxaa ilmuhu wax ka baran karaa mid ka mid ah afarta barnaamij ee hordhaca ah. Barnaamijyada hordhaca way dabacsan yihiin markay noqoto dhinaca xawaaraha waxbarasho, baaxadda iyo nuxurka. Barnaamijyadan waa inay xitaa yihiin kuwo la waafajiyo aqoonta ilmhaagu horey u haysatay iyo baahidaada.

Dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waxaa loogu talogalay dhalinyarada u dhaxaysa 16 iyo 20 jir ee leh hoos u dhac awoodda garaadka ah ama ay ku dhacday dhaawac maskaxda ah. Wuxuu socdaa afar sano. Waxaa jira barnaamijyo qaran iyo barnaamijyo gaar ah oo la kala doorto.

Waa xaq iyo waajib labadaba in la aado iskool. Gudaha Iswiidhan waa waajib iskoolku laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxiyo lix jir ilaa inta ilmuhu ka baxayo fasalka sanadka ugu sareeya ee dugsiga hoose-dhexe ama buuxinayo 18 jir.

Waajibka iskuulka micnaheedu waa in carruurtu dhigtaan iskuulka haddii aanay jirin sabab ansax ah oo keentay in aanay sidaas samayn. Labada waalid iyo iskuulka labadaba waxaa mas’uuliyad ka saarantahay inay hubiyaan in ilmuhu aado iskoolka. Waa wax iskeed loo doorto in la aado dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay.

Fasalka barbaarinta, dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsiga gaarka ah, dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay waa bilaash.

Fasalka sii diyaarinta waxaa ilmahaagu ku baranayaa maadooyin kala duwan iyadoo isla mar ahaantaas ilmuhu baranayo aasaaska luqada iswiidhishka. Hadafku in ilmahaagu hal ama dhowr maado ku barto fasalka sii diyaarinta waa in ilmahani sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah diyaar ugu noqdo la socodka waxbarashada
fasalada caadiga ah.

Ilmahaaga ugu badnaan laba sanno ayaa la siin karaa waxbarashada fasalka sii diyaarinta. Ilmahaagu waxbarashadiisa oo dhan ma ku qaadan karo fasalkaas. Inta ay leegtahay qaybta waxbarasho ee ka dhacaysa fasalka sii diyaarinta iyo inta ay leegtahay qaybta waxbarasho ee ka dhacaysa fasalka caaadiga ah way ku kala duwanyihiin ilmo kastaba. Waa maamulaha iskoolkan qofka go'aaminaya sida waxbarashadan
loo qorshaynayao.

Macalimiintu waa inay qiimeeyaan aqoonta ilmaha ee dhinaca maadooyinka kala duwan ee fasalka sii diyaarinta. Marka macalimiintu qiimeeyaan in ilmuhu ka soo bixi karo hal maado oo ah dhinaca fasalka
caadiga ah waa in ilmuhu ka qayb qaataa waxbarashada oo sidaas lagu baddelaa.

Dhinaca dugsiga hoose-dhexe waxaa ilmahaagu heli karaa waxbarashada maadada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Caruurta swiidhishku aanu ahayn luqadooda hooyo waxay baran karaan iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah haddii ilmahani u baahanyahay tan. Waa maamulaha iskoolka qofka go'aaminaya haddii ilmo uu baranayo iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waxaad la xiriiri kartaa maamulaha iskoolkan haddii ilmahaagu baahi u qabo dhigashada iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Dhinaca dugsiga sare waxaa ilmahaagu baran karaa koorsada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Dugsiga hoose-dhexe waxaa ilmahaagu ku lahaan karaa qorshaha ahmiyada saacadaha. Haddii ilmahaagu leeyahay qorshaha ahmiyada saacadaha waxay tani tahay in ilmahani heli karo waxbarasho dheeraad ah dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Si ilmahaagu u heli karo wakhti dheeraad ah dhanka iswiidhishka waa in wakhti laga jaraa waxbarashada maadooyinka kale. Isu geynta wakhtiga waxbarasho isku mid ayay noqotaa, laakiin waa la qaybiyaaa wakhtiga waxbarasho si wakhti dheeraad ahi u noqdo dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waa maamulaha iskoolka qofka go'aaminaya haddii ilmo uu helayo qorshaha ahmiyada saacadaha. Ilmuhu wuxuu lahaan karaa qorshaha ahmiyada saacadaha ugu badaan hal sano.

Ilmahaagu wuxuu xaq u yeelan karaa waxbarashada afka hooyo haddii ilmahaagu leeyahay af hooyo oo aan ahayn iswiidhish. Dhinaca dugsiga xanaanada iyo fasalka barbaarinta waa in ilmahaagu helo fursada in la horumariyo afkooda hooyo iyo luqada iswiidhishka labadaba. Dhinaca dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare wuxuu ilmahaagu xaq u leeyahay waxbarashada afka hooyo haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo.

Haddii aad doonaysid in ilmahaagu helo waxbarashada afka hooyo markaasi waa inaad codsato tani. Weydii iskoolka sida aad samaynayso iyo nooca shuruudaha ku xiran.

Caawinta waxbarasho ee afka hooyo waxay muhiim u tahay in la awoodo in la xoojiyo waxa ilmuhu hore u yaqaanay ee dhinaca maadooyinka kala duwan ee iskoolka. Ilmahaagu wuxuu helayaa caawinta waxbarasho ee afka hooyo haddii ilmahaagu u baahanyahay tani. Waxaad la xiriiri kartaa macalimiintu ama maamulaha iskoolkan si loo helo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan caawinta waxbarasho ee afka hooyo.