Berg
Berg waxeey ku taala gobolka Jämtland. Bartamaha waa Svenstavik oo leh qiyaas ahan 1000 qofood.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
7150
Cabirla dhulka
6145 kiilomitir oo laba jibaaran
Svenstavik iyo meelaha ka yar ee degmada waxaa ka jiro inta badan oo loo bahaan yahay si loogu noolaadu nolol wacan. Tusaale ahaan iskuulo, dukaamo, dugsi xanaaneed, xrun caafimaadeed iwm. Isbitaalka gobolka iyo bandhigyada ee badeeceed waxeey jirtaa masafaafad-tareen ee gudaha Östersund. Dadka doonaayo waxa jiro hoowlo badan oo xooga lagu saaraayo howlaha firfircooniga ee dibada. Degmada Berg waxaa si fiican uga jiro howlo firfircooni iyo dhaqaameed iyo jawi-shirkaadeed oo xoog leh.
Deegaan
Degmada waxaa laga heli karaa kuriyaal kiro ka bilaabmo hal qool iyo guriyaal afar qol leh. Shirkada guriga ee degmada waxaa la dhahaa Bergs hyreshus laakin sido kale waxaa jiro guriyaal la kireeysto oo loo maro shirkad guriyaasha ee gaarka ah, Nordros fastigheter.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Berg waxaa joogo dad ku hadlo af carabi, af soomaali, af tigrinya, af faarisi, afka thayland iyo af ruush.
Jaaliyado iyo ururu
Ugaarta keeymaha waaweyn, dhulka duur joogta iyo buuraleyda. Nolosha doomaha, keyn ku socoshada, dhul iyo buuro,ulaha barafka lagula socda iyo dhirirka lagu sameeyo, fardaha iyo nolosha xayawaanka,waa dhaqanka ee Berg. Waddooyin kaa wadaya laga bilaabo dhulka keenta ilaa dhulkaduur joogta ee buuraha labadaba xagaa iyo jiilaal. Biyaha biyo mareenka dabiiciga ah, biyo durdurka, balliyada, iyo balliyada ay suurta galka tahay in si toos ah asalka looga cabo.
Nolol urureedka wuxuu muhiim u yahay degmada Bergs taasoo xooga saareysa ururada iskaa wax u qabsiga ah. Nolol urureedka iyo nolosha hawada xorta ah waxey kordhinayaan caafimaadka bulsho oo wanaagsan. Ururada Berg waxey qeyb lixaad leh ka qaataan bandhiga howlaha fasaxa. Degmada Bergs waxey qani ka tahay nolosha hawada xorta ah ee dabiicigaa ee kalluunka badda, haro, iyo biyo bali socda.
Dhaqanka iyo nolosha urureedka waa qeyb muhiim ah oo bulshadeena ka mid ah waxeyna muraayad u tahay degaankena miyiga oo dhan. Halkaan waxaa jira 300 ururo diiwaan gashan oo iu dhowaad ah dadka wax ay xiiseeyaan oo dhan.
Gudaha degmadan waxaa ka jira dhowr ururo diineed kala duwan oo ka tirsan Kaniisada Iswiidhan.
Kaniisado ayaa ka jira meelo badan oo kala duwan gudaha degmadan. Gudaha Svenstavik waxaa ku yaala kaniisad ka tirsan kaniisada diin faafinta Iswiidhan. Masaajidka ugu dhow wuxuu ku yaalaa Östersund.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha waxaa ku yaalo ICA, maktad, xafiiska shaqada, xafiiska bulshada iyo dukaan gacan labaad ah oo dhar gado. Meelaha ka sii yar waxaa ku yaalo dukaamo-cunto iyo maktabad.
Fiirso filin ku saabsan waxyaalaha ee kuu fiicantahay degmada Bergs
Fiirso filin muujinaayo degmada Bergs
Dalyeelka carruurta
Dugsi xanaanano meelo badan ayee degmada uga taala. Tusaale ahaan gudaha Svenstavik, Hackås, Myrviken, Åsama, Rätan iyo Storsjö gudaha Ljungdalen.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsi hoose-dhexe wuu ku yaala Svenstavik, Hackås, Myrviken, Åsama Rätan iyo Storsjö Ljungdalen. Sido kale Svenstavik waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Fjäll, oo ku kala dooran karto qeeybo kala duwan.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada luuqada iswiidhiska soo galooytiga, waxbarashada bulshada, dugsihoose ee dadka waa weeyn, dugsi sare ee garka ah iyo dugsi sare ee dadka waa weeyn waxaa laga helee Svenstavik. In kale oo ku saabsan waxbarashada dadka waa weeyn ka akhriso bogga-internetka demgada.
Caafimaadka
Degmada waxaa ku taalo labo qaabilaad ee ilko, hal ku taalo Svenstavik iyo hal ku yaalo Myrviken. Sido kale qeeybahaan waxaa ku yaalo xarun-caafimaad oo leh dhakhtar, kalkaaliso caafimad, rugta caafimaadka caruurta, rugta caafimaadka hooyoyinka iyo kalkaaliso jimicisi bukaan.
Caawinaad turjubaan
Degmada waxeey markii loo baahdo isticmaasha caawinaad-turjumaaneed, oo qadka telefoonka ku jiro ama qolka joogo.
Xiriirka gaadiidka
Gaadiidka-Gobolka waxuu gobolka ka maraa qeeybo weeyn. Laga bilaabaa Rätan, Åsarna, Svenstavik iyo Hackås, waxaa xaalado qarkood fursad loo lee yahay in tareen lagula tago jidka-gudaha. Jidka-gudaha, maalin kasto waxaa ka baxo tareen uu socdo Stockholm oo maraayo Mora.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Berg waxey ka jiraan shaqooyinka inta badan shirkadaha yaryar ee gaarka loo leeyahay oo laammo badan leh. Waxaa jira dhowr shirkado oo waaweeyn qeybta dalxiiska, alwaaxa, warshadaha iyo ganacsiga. Weli qeybta ka shaqeysa qeybta beeraha -iyo keynta waa sarreysaa marka la barbar dhigo wadanka intiisa kale. Shaqada ku xiran qeybta dalxiiska waa korortaa maadaama tirada booqoshooyinka ee degmada ay kororto. Degmada waxey ka tahay afar meelood meel shaqada, iyo shaqaalaha inta badan waxey joogaan qeybta daryelka, xanaaneynta, iskuulka iyo xanaaneynta carruurta. Dalxiiska wuxuu yahay mid leh faaiido horumarineed oo sii kordheysa, dad badana waxey booqdaan degmadeena.