Bräcke
Degmada Bräcke waxay ku taala bartamaha Iswiidhan, gudaha gobolka Jämtland. Degmadan waxay caan ku tahay biyo kaluun oo fiican, farshaxan cunto oo ay ku heshay abaal marin iyo marinka ciyaaraha barafka ee ugu dheer Iswiidhan. Degmadan waxay leedahay baadiye nolol firfircoon leh oo leh ururo iyo shirkado badan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
6387
Cabirla dhulka
3784 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Waxaa jira dhowr noocyo kala duwan oo guryo ah oo laga kireysto gudaha degmada Bräcke. Laga bilaabaa guri hal qol iyo kijo ah ilaa guri ka sii weyn oo afar qol iyo kijo ah. Guryahaas waxay ku yaalaan goobaha bartamaha Bräcke, Gällö, Pilgrimstad iyo Kälarne. Haddii aad rabto inaad guri ka kireysato ama ka iibsato gudaha degmada Bräcke waxay qiimayaashu waxay aad uga hooseeyaan kuwa magaalooyinka waaweyn.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha ugu badan marka laga reebo Iswiidhishka waa Ingiriisi, Carabi, Tigrinya iyo Soomaali.
Jaaliyado iyo ururu
Gudaha degmadan waxaa laga helaa tiro ururo badan oo leh jihooyin kala duwan. Tusaale ahaan ururada cayaaraha, ururada dhaqanka, kaniisado iyo isbahaysiyo kala duwan. Haddii aad doonaysid caawimaada inaad la xiriirto urur waxaad la xiriiri kartaa degmadan.
Maxaa ka ag dhaw
Gudaha Bräcke waxaa laga helayaa rug caafimaad, rugta daryeelka caafimaadka carruurta iyo dhakhtarka ilkaha. Isbitaalku wuxuu ku yaalaa Östersund. Gudaha bartamaha Bräcke waxaad ka helaysaa waxyaabo fudud laakiin balaaran oo ah dukaamo, dukaamo cunto, huteel, maqaaxiyo cunto, dukaan jalaato, farmasi, dukaanka khamriga, dukaamada alaabta isboortiga iyo wakhti firaaqaha iyo ganacsiga birta iyo rinjiga. Gudaha Bräcke waxa kale oo laga helayaa Laan-qayrta cas oo ku leh dukaanka alaabta la soo isticmaalay iibisa, ururka Badbaadada Carruurta, ABF, iyo ururo diini ah oo kala duwan. Kaniisadaha Iswiidhishka waxay ku yaalaan tuulooyinka badankooda. Urur diineedka kaniisada iyo kaniisada Elim ayaa ku yaala Bräcke. Gudaha Östersund, qiyaastii hal saacad dhinaca baabuurka u jirta Bräcke, waxaa xitaa ku yaala masjid. Gudaha Östersund waxaa xitaa ku yaala dukaamada magaca caanka ah leh ee waaweyn.
Tuulooyinka ku hareersan degmada waxaa laga helaa wax badan oo ah shirkado kuwaas oo bixiya hoy iyo cunto.
Meelaha kale ee waaweyn waa Kälarne iyo Gällö, halkaas waxaa ku yaalla dukaamo cunto iyo waxyaabo la mid ah. Gudaha Gällo waxaa xitaa ku taala marinka ciyaaraha barafka ee ugu dheer Iswiidhan kaas oo laga helo ku dul socodka barafka sanadkii oo dhan dhinaca gudaha buur, huudhiyada doonta yar oo kale ah, xadiiqado, maqaaxiyo cunto oo qado, hoy iyo waxyaabo la mid ah.
Dalyeelka carruurta
Daryeelka carurta ee degmada Bräcke si fiican ayuu ugu dhisan yahay caruurta uu dhaxeysa 1 iyo 5 sano ahna qaab dugsi xanaano och iskaashatada ay waalidku wada leeyihiin. Gudaha degmada waxaa ku yaala afar dugsiyo xanaano oo degmadu maamusho iyo labo ah iskaashato ay waalidku gaar u maamulaan. Dugsiyada xanaanada ee degmadu iska leedahay waxay ku yaalaan Gällö, Pilgrimstad, Bräcke iyo Kälarne. Iskaashatada waalidku leeyihiin waxay ku yaalaan Rissna iyo Kälarne.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsi hoose-dhexe waa waajib oo waxaa loogu tala galay ardayda ah da'da 7 ilaa 16 jir. Dugsiyadeena waa kuwo hawshoodu markasta horay uu socoto kuwaas oo daneeya in la abuuro fursado fiican oo loogu talo galay ardayda aqoontooda iyo horumarkooda bulsho ahaan. Gudaha degmada Bräcke waxaa ku yaala saddex ah dugsiyo hoose-dhexe, gudaha Bräcke, Gällö iyo Kälarne. Dugsiga sare ee Jämtland ee Bräcke wuxuu ka mid yahay Ururuka dugsiyada sare ee Jämtland oo bixiyaa waxbarashada dhinaca barnaamijka dhismaha iyo dhismayaasha iyo barnaamijka la qabsashada hore.
Furadaha waxbarasho
Adigo ah, qof uu dhaxeeyo 20 iyo 64 sano waxaad dhameeystira kartaa oo aad dhigan kartaa dugsiga hoose-dhexe ama sare adigo dhiganaayo dugsiga dadka waa weeyn ee Bräcke. Sido kale waxaa dhigan kartaa waxbarasho-xirfadeed. Xarunta-waxbarashada ee degmada Bräcke waxaa si balaaran lagu soo bandhigaa koorsooyin iyo waxbarasho. Waqti-buuxo ama waqti ka yar ayaa dhigan kartaa, sido kale waxa isku dhex wadi kartaa waxbarasho iyo shaqo. Waxaad aada jiheeyaha waxbarashada oo joogo xarunta-waxbarashada si aad uu hesho talo uuna dhiibato su'aalo ku saabsan taageerada waxbarashada. Gudaha Östersund, oo ku dhawaad 7 mayl uu jirto Bräcke, waxaa ku taalo Jaamacada-Mitt (Mittuniversitet) oo ah jaamacad ugu soo dhow.
Caafimaadka
Degmada yaa ka mas'uul ah daryeelka caafimaadka iyo bukaanka oo ku beegan dhanka howsha ku socoto dadka aan tagi karin xarunta-caafimaadka, waxeeyna soconeeysaa ugu yaraan sadax bilood. Xarun-caafimaadeed, rugta caafimaadka eecaruurta iyo dhakhtarka ilkaha waxeey ku yaalaan gudaha xuduuda degmada. Labo xarun caafimaadeed ayaa jirto, gudaha Bräcke iyo gudaha Kälarne. Xarun caafimaadeed oo kasto waxeey shaqaaluhu ka shaqeeyaan kooxo-daryeel oo kala duwan. Kooxaha waxa ku jiro oo ka mid ah dhakhtar, kaalkaalisooyin caafimaadeed, umulisooyin, rugta caafimaadka ee caruurta, kaalkaaliyaha jimisiga bukaanka, howlo bulsho-dimireed. In kale oo badan ka akhriso Xarunta caafimaadka Bräcke.
Caawinaad turjubaan
Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.
Xiriirka gaadiidka
Gudaha degmadan waxaa laga helaa bas iyo tareen. Macluumaadka jedwalyada wakhtiga iyo qiimayaasha waxaad ka helaysaa gaadiidka gobolka Jämtland, SJ iyo Norrtåg.
Akhri dheeraad ku saabsan gaadiidka dadweynaha ee degmadan.
Shaqo iyo ganacsi
Gudaha Bräcke waxaa ku yaala tiro badan oo ah shirkado yar iyo qaar meel dhexaad ah. Laamaha ugu waaweyn waa shaqada alwaaxa iyo birta. Dad badan oo jooga degmadan ayaa masaariiftooda ka hela shaqada dhirta duurka, dhinaca nadiifinta, hawsha miinshaarta iyo dib u sii fiicnaysiinta alaabta alwaaxa laga sameeyo. Degmadan waxa kale oo ay caan ku tahay inay leedahay farshaxano dhinaca cuntada ah. Sanadaha soo socda ee ugu dhow waxaa jiri doonta baahi weyn oo loo qabo kabaryeeriyo, cunto kariyayaal, dhakhaatiir, kalkaalisooyin caafimaad, ku xigeenada kalkaaliyayaasha caafimaad, macaliminta dugsiga xanaanada, bir tumayaal iyo dab-yaqaano gudaha Bräcke iyo degmooyinka u dhow. Waxaa jira fursado fiican in laga helo shaqo dhinaca daryeelka caafimaadka iyo xanaanada, shaqada dhirta duurka, alxamka iyo warshadaha iyo gaadiidka.
Xafiiska shaqada waxuu kuu soo bandhigi karaa waxbarasho badan iyo howlo ku diyaarinaayo shaqo lagu tagi karo tareen. Taasi waxeey kor uu qaadi kartaa fursadaada ee dhanka helida shaqada. Waxeey tusaale ahaan ku saabsan tahay waxbarasho dhanka daryeelka iyo xanaanada. Alxanka, ka shaqeeynta tumaaleed, darawal-shaqadeed, shaqo-bakhaar, farsamo howl garaash, shaqo maqaayad, iibin iyo adeega macmiilka. Warbixin dheeraad ah waxaa laga helaa Xafiiska shaqada.