Aneby
Kusoo dhowoow degmada Aneby- degmo yar oo laakiin qani ah! waxyaabaha keenaya inaad jeclaatid inaad usoo guurtid degmadaan waa iskoollo fiican, shirkadaha oo ganacsigoodu wanaagsan yahay iyo masaafadooda oo aan kala fogeyn.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
6776
Cabirla dhulka
554 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Shirkada ugu weyn ee guryaha waa Aneby bostäder. Waxaa kaloo jira shirkado badan oo kuwa gaarka loo leeyaha ah oo iyagana kireeya guryaha.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Waxaa degmada Aneby looga hadlaa luqado badan. Qaar kamid ah luqadahaas waa carabi, tigree, daari, iiraani, boosniyaan, af-ruush iyoaf-jarmal.
Jaaliyado iyo ururu
Aneby waxaa ku taal kaniisada iswiidhishka iyo kaniisado kaloo madax banaan. Waxaa ka jira meeshaan jaaiyado badan oo gaaraya 80 jaaliyadood. Waxaa degmada Aeby ka jira xiiso loo qabo arrimaha la xiriira isdhexgalka dadka, maamulka degmadana waxeey wada shaqeyn la leeyihiin jaaliyadaha kala duwan si loo sameeyo meelo ey dadka ku kulmaan
Maxaa ka ag dhaw
Aneby meel kasta waad u lugeyn kartaa. Bartamaha degmada waa Fredstorget. Waxaa meeshaan ku yaal dukaamo cunto, farmashiiye, bangiyo, makhaayado iyo dukaamo. Waxaa kaloo ku yaal dukaamada gacan labaadka oo gada dhar, gabo iyo maacuun.
Guriga degmada xataa waxuu ku yaal Fredstorget. Waxaa meeshaan ka shaqeeya dadka u shaqeeya xafiisyada dowladda ee degmada oo isugu jira dhinaca daryeelka caafimaadka iyo iskoollada. Xafiisyada degmada ayaad la xiriireysaa hadaad qabtid su'aalo ku saabsan qaxootiga iyo hadaad wadanka ku cusub tahay.
Maktabada Aneby waxeey boqol mitir u jirtaa guriga degmada. Waxaad ka amahaan kartaa buugaagta, joornaallada iyo filimo luqado kala duwan leh. Waxaad isticmaali kartaa kombiyuutarrada maktabada. Maktabada Aneby waxaad imaan kartaa markeey xataa eey dadka ka shaqeeya aaney joogin.
Waqtiyada eey shaqaalaha joogin maktabada waxeey furan tahay saacadda markeey tahay 07:00-22:00. Waxa lagaa rabo waa kaar iyo nambar iyo inaad ka diiwaan gashan tahay maktabada isla markaasna aad imaan kartid waqtiyada aaney shaqaalaha joogin. Waxaa arrimahaas oo dhan kaa caawinaya shaqaalaha maktabadda.
Dalyeelka carruurta
Hadaad iskool dhigatid ama aad shaqeeysid waxeey carruurtaada xaq u leeyihiin ineey dugsiada xanaanada dhigtaan. Hadaad rabtid inu cunugaaga xanaanada dhigto waa inaad foom dalbasho ah buuxisid si boos aad u heshid, foomka aad buuxineysid waxaa la dhahaa " dalbashada boos dugsiga xanaanada carruurta ah eller guriga xanaanada carruurta".
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Aneby waxeey caruurta ku koreysaa bii'ad wanaagsan iskoolladeeduna eey fiican yihiin. Waxaa ku yaal meeshaan xanaanada carruurta, guriga xanaanada carruurta, dugsiyada hoosedhexe iyo iskoolka ardayda dhimirka la'. Hadafka laga leeyahay waa in waxbarashada eey noqoto wax lagu farxo oo aan dhib aheyn. Dugsiga hoosedhexe ee Aneby waxuu ka kooban yahay shan qeeybood. Bartamaha degmada waxaa ku yaal iskoollada Furulidskolan, Parkskolan iyo Svartåskolan. Degmada bannaankeedana waxaa ku yaal Vireda iyo Sunhult.
Degmada Aney kuma yaal dugsi sare. Sidaas darteed dhalinyarada degmada badankood waxeey dugsisare u aadaan degmooyin kale. Degmooyinka dariska ah waa Eksjö, Tranås, Nässjö iyo Jönköping.
Furadaha waxbarasho
Weey badan yihiin fursadaha waxbarashada dadka waaweyn ee ka jira degmada. Aneby waxaad ka baran kartaa sfi ( luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga ). Waxbarashada waxeey ka kooban tahay 15 saacadood isbuucii, maalmaha isniin-arbaco ama arbaco-jimco. Si aad ugu qeybgashid casharadda waa inaad ku qoron tahay diiwaanka dadka degmada isla markaasna aadan hore usoo dhigan luqadda iswiidhishka (shahaadada koorsada D).
Waxbarashada sfi waxaad dhigan maalin kasta ama geybqeyb ayaad u dhigan kartaa, hadaad rabtid waxaad la qaadan kartaa koorsooyin kale. Waxbarashada sfi waxeey la jaan qaadeysaa hadafka aad rabtid inaad gaartid. Koorso markeey dhamaato waxaa la gu siinayaa natiijoyinka E-A. macalimiinteena luqadooda hooyo iswiidhish maahan ee waa (ruush, carabi iyo iiraani) taasoo fududeeyneyso in luqadaada hooyo wax laguugu fasiro.
Hadaad rabtid inaad maadooyin aan iswiidhish aheyn baratid waxaad ka baran kartaa degmoyinka dariska ah sida Eksjö, Tranås, Jönköping. Barashada sida uu mujtamaca iswiidhishka u shaqeeyo waxaa lagu bartaa luqadda carabiga, luqadaha kale waxaan wado shaqeyn la leenahay degmooyinka kale.
Machadjaamacadeedka Högskolan Höglandet (HH) oo ku yaal Aneby waxaad ka baran kartaa waxbarasho heer jaamacadeed ah. HH waa wada shaqeyn ee leeyihiin ururka Höglandets kommunalförbund iyo degmooyinka Aneby, Eksjö, Nässjö, Sävsjö iyo Vetlanda. Xarunta waxbarashada dadka waaweyn waxaad bokiman kartaa qol iyo kombiyuutar. Mararka qaar imtixaanada waxaad ku sameyn kartaa degmada Aneby. Jaamacadaha ugu dhow waxeey ku yaallaan finns i Jönköping och Linköping . hadaad degan tahay Aneby waxaa tigitkaada safar ee jaamacada kaa bixinaya degmada Aneby.
Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:
Caafimaadka
Aneby waxaa ku yaal rug caafimaad, rugta ilkaha iyo rug ilkaha oo gaar loo leeyahay. Isbitaalka ugu dhow waa isbitaalka Höglandssjukhuset ee ku yaal Eksjö iyo isbitaalka sjukhuset Ryhov ee ku yaal Jönköping. Degmada Aneby waxaa kaloo ku yaal rugta daryeelka qoyska meeshaasoo eey ku yaallaan dugsiga xananada furan, rugta daryeelka hooyada iyo rugta daryeelka carruurta.
Caawinaad turjubaan
Turjubaan waad heleysaa marka aad kulan la leedahay xafiisyada dowladda iyo meelaha kaloo aad rabtid.
Xiriirka gaadiidka
Degmada Aneby waxeey leedahay fursado safar oo wanaagsan. Waxaa jira tareen toos kuu geynaya Nässjö-Jönköping iyo Tranås-Linköping-Norrköping, wakhtiyada uu baxana weey isku dhowyihiin. Jönköping hadaad bas ama tareen ugu safartid waxuu safarka qaadanaa hal saac wax ka yar. Linköping xataa waa isku mid. Wakhtiyada eey baxaan gaadiidyada kala duwan iyo qiimaha waxaa ka heli kartaa JLT ama SJ.
Shaqo iyo ganacsi
Shirkadaha ka dhisan degmada weey kala duwan yihiin, kuwa ugu badan waa warshadaha waxsoosaarka. Saddaxii qofoodba hal qof ayaa ka shaqeeya warshadaha waxsoosaarka degmada Aneby.