Tranås
Ku soo dhawaw Tranås – Waa laguu baahan yahay! Tranås oo ah degmo Småland waxeey ka mid tahay magalooyinka yaryar ee iswiidhan oo ruuntii korto, qorsheeyneeysana in ee sii korto. Hadafkeenu waxuu yahay in ahaano 20 000 oo qof sanadka 2025.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
19019
Cabirla dhulka
438 kiilomitir oo laba jibaaran
Waxeey degmadu ku taala meelaha Iswiidhan xiisaha leh oo weeynaanayo uuna dhow Linköping iyo Jönköping. Halkaan waxaa lagu soo bandhiga tayo nololeed oo sareeyso, jawi shirkadeed oo xoog leh iyo dabiicada bada uu dhow oo ku taalo magaalo ganacsiga caado uu leh. Uu dhawaanaanshaha shaqada, xanaanda caruurta, waxbarashada, xiisaha xilliga firaaqada iyo baashalka Tranås waxuu keenaa in waqti badan ku sii hore oo aad isticmaali kartid waxa adiga muhiim kuu ah.
Deegaan
Kireeysasho, iibsasho, dhisid – Tranås hab badan oo degaan lagu doorta ayaa jiro. Waxaan lee nahay dhowr badan oo milkaayaale guri oo leh guriyaal la kireeyo iyo kuwo la iibiyo.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Af carabi iyo dari ayaa ah koox-luqadeedka ugu weeyn laakin halkaana waa looga hadlaa af soomali, afka holland, afka roomaania iyo in kale.
Jaaliyado iyo ururu
Tranås waxeey lee dahay soo bandhig badan marka ee ku saabsan tahay ururo. Degmada diiwaankeeda-urureed ayaad ka heleeysa liis leh warbixin ku saabsan ururo iyo dadka la xariiri karo.
Qaar ka mid ah ururada waa:
- Ururka Dhaqanka Libaneeyska/Suuriyaanka
- Ururka Afgaanka
- Ururka Afrikaanka ee Tranås
- Ururka Soomaalida
- Ururka Boosniyaanka
Maxaa ka ag dhaw
Xafiiska-dalxiiska iyo xafiiska adeega Tranås Direkt waxeey ku wada yaalin hal goob oo ku taalo Storgatan 22 ee bartamaha. Halkaan dadka degmada soo booqdo iyo kuwa daganba dhamaantood waxeey ka helayaan adeeg xirfadeed iyo caawimaanad ku saabsan su'aalo kala duwan. Tranås waxaa joogo toobaraha-muwaadinka oo caawin karo qofka goor dhow uu soo guuray degmada. Toobaraha-muwaadinka waxaa si toos ah loogala xariraa Tranås Direkt.
Maxaa ka ag dhaw
Storgatan ee ku yaalo Tranås waa goob iibsi oo la jecelyahay ayadoo ee keentay taasi dukaamada, dukaamada waa weeyn, biibito raaxo leh iyo maqaayadaha. Sido kale Storgatan waxaa ku taalo maktabadeena-magaalo.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada furan waa goob kulan oo loogu tala galay dadka waa weeyn ee leh caruurta uu dhaxeeyo 0-6 sano oo lagu wada soo dhaweeynaayo. Xiliyada ee furanyihiin ee hada taagan iyo barnaamiyada waxeey ku jiraan bogga degmada. Degmada Tranås waxaa ku yaalo dugsiyaalo xanaano oo badan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Tranås waxeey lee dahay dugsiyaalo hoose oo badan. Bogga degmada waxaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan iskuulada iyo warbixin-xariirka iskuul kasto. Dugsi sare ee Holaved waa dugsiga sare ee Tranås. Booqo boggooda si aad uu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskuulka iyo waxbarashadiisa.
Furadaha waxbarasho
Xarunta-waxbarshada Västra Vux waxaa lagu soo dhaweeynaa dhamaan inta dhaaftay 20 sano si ee wax ugu bartaan ama raadshaan jiheeyn-waxbarasho oo laga raadinaayo waxbarashada dadka waa weeyn ee degmadeed. Ku soo dhawaaw in aad la soo xariiro jiheeynta-waxbarshada Västra Vux si aad uu hesho warbixin ku saabsan fursadaado-waxbarasho. Dugsiga dadka waa weeyn ee Sommenbygden waxuu ku yaala bartamaha Tranås, waxuuna 10 daqiiqo uu jiraa xarunta-safarka Tranås.
TUC Sweden waa shirkad gaar ah oo soo bandhigto waxbarasho sare ee xirfadeed iyo koorsooyin uu haboon shirkado oo lagu qabanaayo bey'ad waxbarasho oo qurxoon, lehna goob shireed iyo biibito. Dugsiga waxbarashada sare ee xirfada TUC waxuu ka mid yahay isku daberidaha ugu weeyn gobolka ee dhanka waxbarashada sare ee xirfadooyinka. Iskuulka waxuu ku yaala bartamaha Tranås, waxaana si sahlan ugu taga kartaa lug, baskiil, bas, tareen ama gaari. Masaafad-safareed oo ka baxsan Tranås waxaa ku taalo Jaamacada Linköping iyo Jaamacada Jönköping.
Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn ee degmadan.
Caafimaadka
Rugta caafimaadka Tranås waxeey ka kooban tahay qaabilaad dhakhtareed ee degmadeed, qaabilaad kalkaaliso degmadeed, qeeybta baxnaaneeynta iyo sheeybar iyo qeybta raajada ee ku xiran qaabilaadyada. Rugta caafimadka wadashaqeeyn hormarsan la lee dahay isbitaalka Höglands ee Eksjö iyo degmada Tranås.
Rugta caafimaadka Tranås waxeey ka kooban tahay qaabilaad dhakhtareed ee degmadeed, qaabilaad kalkaaliso degmadeed, qeeybta baxnaaneeynta iyo sheeybar iyo qeybta raajada ee ku xiran qaabilaadyada. Rugta caafimadka wadashaqeeyn hormarsan la lee dahay isbitaalka Höglands ee Eksjö iyo degmada Tranås.
Tranås xarunteeda qoyska waa goob kulan looguna talogalay caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn. Halkan waxaa ku wada shaqeeya degmada iyo maamulka gobolka iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo caafimaadka iyo horumarka. Xarunta qoyska waxaa laga helaa Daryeelka caafimadka caruurta, Daryeelka caafimaadka haweenka, Qaabilaada dhalinyarada, Hawsha Qoyska, Guddida caafimaadka ardayda Smedjan, dugsiga xanaanada ee furan iyo Talo-bixinta qoyska.
Daryeelka caafimaadka, daryeelka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka ee degmada
Caawinaad turjubaan
Markii xariir lala yeelanaayo hey'addaha waxaa jirto fursad lagu helo caawinaad-turjumaan.
Xiriirka gaadiidka
Tranås waxaa si sahlan ugu tagi kartaa Jönköping iyo Nässjö adigoo raacaayo gaadiidka-gobolka Jönköping. Gaadiidka-Östgöta adigoo raacaayo waxaad kiu tagi kartaa Mjölby, Linköping iyo boosteejooyinka uu dhaxeey. Goobta-duulimaadka ugu dhow waa Linköping City Airport.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo dhiibayaasha waa weeyn ee Trånas waa Degmada Tranås, Montico, Bosch Thermoteknik, Pastejköket, EGF, Materia, Euroform, Carpenter iyo in kale.