Borgholm
Degmada Borgholm waxay ku taalaa jasiirada quruxda badan ee Öland. Halkan waxaad dhanka dhulka kaga iman kartaa iyadoo la soo marayo buundada Ölandsbron. Öland waxay leedahay deegaan qurux badan waxayna ka mid tahay meelaha tirada yar ee Iswiidhan ee ugu badan dhanka saacadaha ay cad-ceed ka jirto. Borgholm, Köpingsvik iyo Löttorp waa goobaha ugu waaweyn degmadan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
10877
Cabirla dhulka
3659 kiilomitir oo laba jibaaran
Öland waxaa yimaada dalxiisayaal badan si ay ugu raaxaystaan deegaanka, dhaqanka iyo xeebahayaga dabaasha ee fiican.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:
Deegaan
Degmada Borgholm malahan shirkad guri. Guryaha waxaa laga kireystaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee degmada.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha lagaga hadlo Borgholm waxaa ka mid ah Carabida, Kurmaanji, Faarsi/Daari, Tigrinya iyo qaar kaloo badan.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Borgholm waxaa ka jira illaa 200 oo jaaliyadood iyo ururo. Waxaad jaaliyadaha/ururada kaa raadin kartaa liiska jaaliyada ee degmada.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada Borgholm oo ah xaafadda ugu weyn ee isla degmada Borgholm waxaa ku yaal farmashiiye, maktabad, bangiyo, dukaamada cuntada, tima jare, dukaamada gacan labaadka iyo dukaamada waxyaabaha kala duwan lagu gado sida dharka, radiyaha, telefishinka, ubaxyada, dukaamada alaabta guryaha, kuwa alaabta elektaroonikada. Borgholm waxaa ku yaal meel lagu dabbaasho, hool isboortis, garoon kubadda cagta iyo meelaha jir dhiska oo fara badan.
Dalyeelka carruurta
Dugsiyo xanaano ayaa ku yaala magaaladan xarunta ah ee Borgholm iyo dhowr ka mid ah magaalooyinka yar yar. Borgholm waxaa ku yaala xitaa dugsiga xanaanada ee furan.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiyo hoose-dhexe waxay ku yaalaan dhowr ka mid ah xaafadaha degmadan.
Barnaamijka dugsiga sare wuxuu ku yaalaa Kalmar, halkaas oo ardayda degmada ay fursad u haystaan inay ugu safraan si maalinle ah.
Furadaha waxbarasho
Ururka dugsiga sare ayaa habeeya waxbarashada dadka waaweyn, waxbarashada dadka waaweyn ee laxaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga (sif) kuwaas oo ku yaala Borgholm Xarunteeda waxbarashada ee Öland.
Iskoolkan waxaa laga helaa waxbarashooyinka:
- Daryeelka iyo xanaanada
- Kijada iyo maqaaxida
- Daryeelka xayawaanka ee soo sarka caanaha (tababar ahaan)
- Daryeele caruur/kalkaaliye arday.
Caafimaadka
Rug caafimaad ayaa ku taala Borgholm iyo Löttorp. Borgholm waxaa ku taala xitaa rugta daryeelka caruurta iyo hooyada. Daryeelka caafimaadka ilkaha wuxuu ku yaalaa Borgholm iyo xitaa dhowr ah rugaha daryeelka ilkaha oo si gaar ah loo leeyahay.
Caawinaad turjubaan
Turjubaan waa la dalban karaa marka aad la kulmeeysid dhakhtar iyo mararka kale oo aad u baahan tahay turjubaan.
Xiriirka gaadiidka
Waxaa jira basas isku xiriiriya dhowr ka mid ah qaybaha degmadan. Jadwalka wakhtiga iyo macluumaad dheeraad ah waxaa laga helayaa bogga intarnatka ee gaadiidka gobolka Kalmar.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Borgholm waa shaqa bixiyaha ugu weyn ee degmada, qeybaha ugu weyna waa caafimaadka iyo daryeelka.degmada waxaa kaloo ka dhisan shirkado isugu jiro waaweyn iyo yaryar waxeeyna ka shaqeystaan dhinacyada beeraha iyo dalxiiska, maadaama dakhliga degmada oo dhan badankiis oo ku dhisan yahay dalxiiska. Shirkado badan oo kuwaas kamid ah waxeey dad badan shaqaaleeysiiyaan xilliga xagaaga oo ah marka eey dadka usoo dalxiis tagaan degmada.