Torsås
Wuxu ku yaalaa meel fiican – badhtamaha Kalmar – Karlskrona – Glasriket. Waxay tani abuuraysaa fursado badan oo ah shirkadayn, dalxiis iyo deegaan! Waxa halkan ka jira waliba ururo xoog u firfircoon oo ay wadaan dad hal-abuur iyo fikir badani!

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
7109
Cabirla dhulka
605 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Marka ad timaado kommun-ka Torsås adigoo la socda nidaamka qaadashada qaxootiga iyo soo dhawaynta, waxan kaa caawinaynaa inaad hesho deegaan ama guri munaasab kugu ah.
Hadafkayagu waxa weeyi in sida ugu dhakhsiyaha badan, laga bilaabo isla maalinka ad soo cagadhigato kommun-ka an kugu casuuno ama kaa siino guri Törsås, Söderåkra ama Bergkvara. Isku xidh ama shabakad bas oo fiican ayay leeyihiin deegaanadani.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Xarunta is dhexgalka dadka waxey qaabishaa dadka soo galootiga ee ka kala yimaada wadamadaan; Iiraan, Ciraaq, Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Libanon, Eritareeya, Soomaliya,Itoobiya, Suudan, Congo-Brazzaville och Ekvatorialguinea. Dadka soo galootiga waxeey ku hadlaan luqadahaan; Carabi, oromo, soomaali, af-amaxaar, tigree, isbaanish, faransiis, af-iiraani iyo daari.
Jaaliyado iyo ururu
Kommun-ku wuxu leeyahay illaa lix kooxood oo kubadda cagta ah iyo waax innebandy ah oo wayn, taasoo ay dadka da'da wayn leh iyo haweenku ay ka ciyaaraan heerarka sare. Waxa halkan laga helaa urur toogashada iyo shiishka ah, xero fardeed si wacan u habaysan oo dad badan oo firfircooni joogaan. Sidoo kale waxa laga helaa noocyo ururo tiro badan oo sameeya ciyaaraha fudud ee jimicsiga iyo dhisida murqaha iyo jidhka, ciyaarta taniska miiska, ku safrida doomaha iyo badda, iskaawdka iyo wixii la mid ah (iwm).
Maxaa ka ag dhaw
Torsås waxad ka helaysaa inta badan wixii ad u baahantahay. Waxa ku taxan wadada Allfargatan oo marta wadnaha magaalada tukaanada oo isku dhawdhaw. Halkan waxad ka helaysaa maktabada, guriga kommun-ka, xafiiska adeega bulshada, xafiiska shaqada, iwm. Haddii ad raadinayso alaab raqiis ah oo guriga lagu sharaxdo ama lagu qalabaysto waxa ku yaala degmadayada dhawr tukaan oo iibiya alaabta duugga ah, (secondhanbutiker).
Dalyeelka carruurta
Tayo, daryeel, isu dhawaansho iyo tiro yar. Kalmadahani waa xidigaha calaamada u ah deegaankayaga ama haga kommun-ka Torsås iyo hawlaha uu qabto. Sidaasi suubban ayaan u qabanaa qorshayaasha la xidhiidha dadkayaga da' yarta ah.
Torsås dugsigiisa hoose iyo xadaanadu way isku ladhanyihiin, waxayna leeyihiin hadafyo iyo ujeedooyin isu mid ah. Waxbarasho nolosha oo dhan ah ayaa qaabaysa aragtidayada ilmaha, laga bilaabo marka uu bilaabo dugsiga xadaanada illaa iyo waxbarashada da'da wayn.
Xadaanadahayaga iyo dugsiyadayadu way yaryihiin waxana laga helaa tacliin hufan iyo deegaan waxbarasho oo shaqaale tababarani joogaan
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Kommun-ka Torsås waxa ku yaala shan dugsi oo hoose/dhexe ah iyo labo dugsi-sare. Dugsiyada oo kookooban dartood iyo macalimiinta oo ku badan dugsiyadu waxay noo suuro galisaa inaan natiijo wanaagsan ka gaadhno wax dhigista. Halkan waxaa ku yaala dugsi gaar ah oo caruurta caawimada saayidka ah u baahan wax lagu baro, kaasi oo uu halhayskiisu yahay "Dadka qaar waxay u baahanyihiin wax badan si ay u helaan inta dadku helaan in la mid ah".
Dugsiga Korrespondensgymnasiet waxa dhigata illaa 500 oo arday, waana dugsiga ugu horeeya Iswiidhan marka ay noqoto waxbarashada internet-ka laga dhigto. In ka mid ah ardaydu waxay wax ku bartaan dugsiga ooy soo xaadiraan, halka in kale ay waxbarashadooda ka dhigtaan khadka internet-ka yagoo guryahooda jooga.
Furadaha waxbarasho
Waxbarashada kommun-ka ee dadka waawayn waxaa habeeya oo maamula xundhurta waxbarasho ee ay ku bahoobeen kommun-ada Torsås, Kalmar iyo Mörbylånga. Xundhurta waxbarasho waxad ka helaysaa hagis, tilmaan iyo warbixin ku saabsan guud ahaan waxbarashada dadka waawayn.
Caafimaadka
Xarumaha caafimaad ee ku yaala Torsås iyo Söderåkra waxay kuu hayaan adeeg daryeel caafimaad oo ay kuu fidinayaan shaqaale aqoon balaadhan iyo waayo aragnimo dheer leh.
Hadafkayagu waxa weeyi inaan kuu aragno adiga shakhsiyan qof gaar ah isla markaasna kuu fidino xidhiidh dhakhtar oo joogto ah. Waxan xooga saarnaa daryeelka caafimaad, waxana noo soo raaca inaan kaa caawino inaad badasho sida ad u nooshahay ama qaab nololeedkaaga caafimaad.
Kommun-ka Torsås waxa ku yaala xarun caafimaad oo ilkaha ah, xarunta daryeelka caafimaadka hooyada iyo caruurta.
Caawinaad turjubaan
Adiga u baahan in warbixinaha laguugu turjumo afkaaga, haddii ay noqoto qoraal ama hadal, waxad xaq u leedahay turjumaan. Waaxda kommun-ka eed booqanayso ayaa kuu balamini turjumaan haddii ad dalbato.
Xiriirka gaadiidka
Wuxu dhacaa kommun-kayagu badhtamaha magaalooyinka Kalmar iyo Karlskrona. Magaalooyinkan oo saaran wadada E22 waxay noo jiraan kaliya sodon daqiiqo. Marka la eego in madaarku uu noo jiro kaliya 30 daqiiqo, waan kaga fiicanahay inta badan magaalooyinka waawayn.
Isku xidhka baska ee ku xidha Torsås degmada Kalmar iyo Karlskrona way fiicanyihiin, marar badan ayayna ka noqnoqdaan maalintii.
Tareen waxad kaga safri kartaa Kalmar iyo Karlskrona. Waxad Malmö ku gaadhaysaa in ka yar saddex saacadood. Afar saacadood waxad ku gaadhaysaa Köpenhamn!
Shaqo iyo ganacsi
Hadafka kommun-ku waa inuu dhiiri galiyo oo uu carbiyo shirkadaha kommun-ka degan.
Si an u gaadhno hadafkaasi waaxda horumarinta ee kommun-ka iyo masuulka dalxiisku waxay si wadajir ah uga shaqeeyaan xarunta horumarinta gudaha (Xarunta shirkadaha Torsås). Saddexdan waaxood oo isku xidhan oo wada shaqaynayaayi waxay caawiyaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga iyo horumarka ee degmada. Waxay kuu shaqeeyaan adiga ah ama raba inuu ka furto shirkad ama ganacsi uu leeyahay kommun-ka Torsås.
Xarunta shirkadaha Torsås waxay kuugu deeqaysaa talobixin iyo inay kugu toosiso jidkii ad u mari lahayd sidii ad u bilaabi lahayd ganacsi ad leedahay una horumarin lahayd.