Gällivare
Gällivare waxeey jirtaa 10 maayl dhanka waqooyiga wareega cirifka. Degmada waxaa dagan in dhafeeyso 18 000 oo qof ayadoo meesha dhawaanaansho uu leh shaqo, adeegyada iyo dabiicada. Halkaan waxaa ku yaalo isbitaal, xaneeyn caruur si fiican uu dhisan, dugsiyaal fiican, ururo badan iyo soo bandhigid dhaqamed oo kala duwan. Ganacsiga kala duwan markii laga tago, macdan soo saarka ayaa ilaa tobanaan sano ah waa dhaq-dhaqaaqa ganacsi e koobaad.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
22906
Cabirla dhulka
20553 kiilomitir oo laba jibaaran
Halkaan waxaa ka socdo badaladi-bulshadeed ee ugu weeyn dalka. Guriyaal cusub oo gaaraayo weeyninkooda 250 000 mitirka labajibaaran, hoowlo degmo iyo meelo ganacsi ayaa la dhisi doonaa 20 sano ee soo socdo.
Deegaan
Gällivare waxaa ka jirto guri la'aan badan. Shirkadahaan guriyeed ee socdo ayaa jiro: Topbostäder, HSB, Riksbyggen, Hemåt fastigheter, LKAB fastigheter och Focusfastigheter. Markii aad hesho sharciga daganaanshaha ee rasmiga, isla markaba ka istaag safka guriyada ee shirkadaha.
Liistada guri-kireeyayaasha
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Gällivare waxaa looga hadlaa iswiidhish, afka samiga, afka tornedal-finishka iyo afka finishka. In ka mid ah luuqadaha ugu weeyn ee ku hadlaan dadka goor dhow soo dagay waa af dari, afka iraan, af soomaali, af tigrinya, af amxaari, af ingriis, af ruush iyo afka thayland.
Jaaliyado iyo ururu
Gällivare waxeey taajir ka tahay ururada oo leh soo bandhig weeyn dhanka howlaha dibada, tusaale ahan ururada isboortiga, heesaha, tiyaatarka, farshaxanka, ciyaaraha, dhaqanka iyo siyaasada. Kaniisadooyin badan ayaa ku yaalo Gällivare; kaniisada Iswiidhan, goobta dimeedka ee Västleastadianska iyo kaniisada bings, ururka dimeedka ee injiiliga, shuhuud yaho, kaniisada fidinta iyo kaniisada Nytt Liv. Ururka muslimeed ee ugu dhow waxuu ku yaalaa Luleå.
In urur laga firfircoonaado waa mid faraxad-galin leh, waxaana baraneeysaa dad aad isku hami lee dihiin. Ururo badan ayaa hayo hoowlo loogu tala galay caruur iyo dhalinyaro. Haddii aad dooneeyso in lagaa caawiyo helida ururka ama kaniisada adiga kuu haboon talefoon kala xariir isku xidhaha isdhexgalka ama boostada-elegtrooniga uu dir integration@gallivare.se.
Maxaa ka ag dhaw
Bartamaha Gällivare waxaa ku yaalo dukaamo, hey'adda socdalka, qasnada ceeymiska, xafiiska shaqada, xafiiska canshuuraha, goobta-dabaasha iyo maktabad. Dukaamana waxeey ku yaaliin 1 kilomitir dhanka waqooyiga ee Gällivare (ICA, COOP iyo kuwo kale), basas waxeey ka baxaan bartamaha Gällivare.
Dalyeelka carruurta
Gällivare waa lee dahay xanaaneeyn caruur. Canugaada waxaad uu dalbi kartaa howl xanaaneeyn haddii aad shaqeeyso, waxbarato, fasaxa waalidka ku jirto ama aad tahay qof shaqo sii firfircoon le huu raadinaayo. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiyada xanaanada iyo habka loo dalbado waxeey ku jirtaa bogga degmada. Haddii aad dooneeyso in laga caawiyo codsiga booska xanaanada, la xariir isku xidhaha isdhexgalka ama boostada-elegtrooniga uu dir integration@gallivare.se.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Gällivare waxaa ku taalo dugsiyaalo hoose oo badan oo looguna tala galay fasalka 1-9aad.
Dugsiga sare waxuu xooga saaraa farsmada casriga, ardayda iyo macalimiinta dhamaantod waxeey heleyaan kombiyuutaro gaar ah oo loo isticmaali karo shaqo-iskuuleed. Sido kale ardayda dhamaantood waxeey fursad uu lee yihiin in ee akhriyaan koorsooyinka la iskaga rabo haboonaanshaha-jaamacada.
Furadaha waxbarasho
Dugsiga waxbarashada dadka waa weeyn, waxbarashada iswiidhiska ee loogu tala galay ajnabiga, jaamacada-dhaw iyo waxbarashada bulshada ee loogu tala galay ajnabiga cusub waxaa laga helaa Malmberget, ku dhawaad 5 kilomitir waqooyiga Gällivare.
Caafimaadka
Gällivare waxaa laga helaa isbitaal, rugta caafimaadka, daryeelka hooyoyinka, qaabilaada dhalinyarada, rugta caafimaadka caruurta, qaabilaada degdega iyo daryeelka ilkaha.
Caawinaad turjubaan
Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.
Xiriirka gaadiidka
Gällivare waxaa ka shaqeeyo diyaarado, tareen iyo basas. Safarka diyaarada ee ku socdo Stockholm waxaa lagu xisaabaa 2 saacadood iyo 30 daqiiqo. Tareenka ku socdo Luleå 2 saac iyo 30 daqiiqo, tareenka uu socdana Kiruna 1 saac. Waxaa jiro basas xili kala duwan baxo oo uu dhaxeeyo Gällivare iyo Malmberget.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn Gällivare waa Maamulka degmada Gällivare, LKAB, Boliden, Gobolka Norrbotten. Gällivare waxay leedahay shirkado yar yar oo badan dhanka farsamada, warshadaha macdanta iyo adeega.