Mjölby
Waxaad u tumid degmo aad u ballaaraneyso oo isla markaana taariikh soo jireena leh, laakiin hadda waxeey xooga saareeysaa mustaqbalka. Waxaa degan meeshaan qiyaastii 26 000 oo qofood dadkana weey sii badanayaan.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
27758
Cabirla dhulka
557 kiilomitir oo laba jibaaran
Degmadaan waxaad ka qeyb qaadaneysaa faa'iidada eey leedahay in lagu noolaado magaalooyinka yaryar iyo baadiyaha, adigoo isla markaana waqti yar aad ku tagi kartid magaalooyinka waaweyn, Linköping waa 20 daqiiqo oo tareen ah 45 daqiiqana waxaad ku tagi kartaa Norrköping. Waxaan heysanaa saddax magaalood oo dhaxda degmada ku yaal: Mjölby, Skänninge iyo Mantorp. Mjölby ayaa ugu weyn. Goobta Östgötaslätten waa xaafad baadiya ah. Waxeey u dhowdahay dhul dabiici ah oo fursad kuu siinaya howla xilli firaaqaha oo tayo sare leh.
Deegaan
Shirkadda ugu weyn ee guryaha kireeysa ee degmada Mjölby waa Bostadsbolaget. Shirkadda Bostadsbolaget waxeey leedahay 2500 oo guri iyo 250 lokaallo. Hadaad rabtid inaad saf u istaagtid guryaha ama aad rabtid inaad warbixin dheeraada ka ogaatid guryaha banaan waxaad ka heli kartaa shirkadda Bostadsbolaget boggeeda internetka.
Waxaa xataa jira shirkado kuwa gaarka loo leeyahay ah oo iyagana kireeya guryaha, waxaad helaysaa liis ay ku yaalaan dhamaan shirkadaha guryaha websidka degmada. Dadka qaxootiga ah waxaa guryo helida ka caawiyo waaxda is dhexgalka dadka qeeybteeda qaabilaada.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Waxaa degmada Mjölby looga hadlaa luqado badan taasna waxeey ku xiran tahay degmada oo khibrad dheer u leh qaabilaada qaxootiga. Luqadaha looga hadlo qaarkood waa carabi, af-soomaali, oromo, faransiis, daari iyo kuwo kaloo badan.
Jaaliyado iyo ururu
Jaaliyadaha oo dhan waxaad ka heli kartaa liiska diiwaangalinta jaaliyadaha ee degmada.
Maxaa ka ag dhaw
Mjölby meel kasta weey u dhowdahay. Waxaa ku yaal maktabad, xafiiska shaqada iyo xafiiska daryeelka qoyska iyo qofka. Dukaamada kala duwan oo dhan weey ku yaallaan sida kuwa cuntada, dharka, kabaha och alaabta guryaha laakiin waxaa kaloo ku yaal dukaamada gacan labaadka oo laga gadan karo alaabta guriga, dharka iyo waxyaalo kaloo badan.
Degmada waxeey leedahay iskoolka dhaqanka meeshaasoo lagu diyaaro muusikiistayaasha iyo jilaayaasha mustaqbalka. Degmada Mjölby waxaa ku yaal mee fiican oo lagu dabbaasho iyo meelo lagu damaashaado oo wanaagsan oo la yiraahdo Lundbybadet. Waxaa ku yaal guri farda fuul, labo meelaha golfka 18-godlaha ah lagu ciyaaro, hool baraf, hoolal isboortis iyo kuwo kaloo badan.
Dalyeelka carruurta
Degmada waxaa ku yaal xanaanada carruurta ee degmada iyo guriga daryeelka qoyska. Ardayda eey da'doodu tahay 6-12 sano, waxeey iskoolka ka hor iyo ka dib joogi karaan xanaanada carruura ee xilli firaaqaha. Carruurta ka xanuunsan xaga jirka iyo dhimirka waxaa la siinayaa caawinaada khaaska ah oo eey u baahan yihiin. Warbixin dheeraada waxaad ka heleysaa xarunta resursenheten boggooda internetka.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Mjölby waxaa ku yaal dugsiyo hoosedhexe oo bdan, warbixin ku saabsan iskoollada kala duwan waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka. Waxaa degmada Mjölby ku yaal labo iskoollada dugsiyada sare ah. Bogga internetka waxaad ka heli kartaa oo kale warbixin ku saabsan dugsiga sare ee loogu tala galay ardayda dhimirka la' iyo dugsiga sare ee isboortiska/baabuurta isboortiska.
Furadaha waxbarasho
Waxaa degmada ka jira fursado waxbarasho loogu tala galay dadka waaweyn, warbixin dheeraada waxaad ka heli kartaa xarunta Mjölby Vuxenutbildning. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taal magaalada Linköping, arday badan ayaana u safarta.
Caafimaadka
Mjölby waxaa ku yaal rug caafimaad, farmashiiye iyo rugta ilkaha. Hadaad u baahan tahay qaabilaad degdeg ah waxaad aadi kartaa isbitaalka Motala lasarett ama isbitaalka Universitetssjukhuset i Linköping.
Akhri dheeraad ku saabsan daryeelka bukaanka.
Caawinaad turjubaan
Hadaadan ku hadli karin luqadda iswiidhishka waxaad Xaq u leedahay turjubaan markaad kulamo ku leedahay xafiisyada dowladda, kuwa degmada iyo xaruma caafimaadka. Turjubaanka hore ayaad usii dalbaneysaa inta aadan meesha kulanka imaanin.
Xiriirka gaadiidka
Waxey degmada Mjölby leedahay isgaarsiin dhinaca gaadiidka ah oo aad u wanaagsan sida tareenna magacooda la yiraahdo Östgötapendeln iyo SJ.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqa bixiyayaasha ugu weyn ee degmada Mjölby waa: Toyota Industries Europe AB,
Väderstad-verken AB iyo Mjölby Kommun