Motala
Kusoo dhowoow degmada Motala- magaalo badadeedka gobolka Östergötland! Weey fududahay inaad nolol fiican ugu noolaatid degmada Motala, waxaana yaal waxyaabo badan oo aad kala dooran kartid. Wax kasta oo aad u baahan tahay si aad u heshid nolol firfircoon weey yaallaan meeshaan, meelo lagu dabbaasho, ciyaaraha, jawi wanaagsan, kalluumeysi, doomaha, dhaqanka iyo jaaliyadaha iyo wixii hal maala. Dhawaanshaha iyo in wax kasta si fudud loo helo waxeey kor u qaadeysaa qiimaha degmada. Ma rabtaa inaad ku noolaatid magaalo yar oo isla markaana u dhiganta magaalo weyn? Kusoo dhowoow Motala.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
43673
Cabirla dhulka
1267 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Ka dhawaanshaha biyaha waxeey ku siineeysaa meelo in la dego ku wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku yaal guryo kiro, guryo la gadan karo, fillooyin. Kuwa guryaha kireeyo weey badan yihiin waxaana ka mid ah shirkadda guryaha ee degmada Platen. Shirkadaha kale ee guryaha waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka. Guryaha la gato iyo fillooyinka waxaad ka heli kartaa Hemnet wixii warbixin dheeraada ah oo ku saabsan xaafadaha la dego ee degmada Motala waxaad ka heli kartaa degmada boggeeda internetka. Ma dooneysaa dhul bannaan? Waxaad saf u gashaa dhulalka safka loo galo.
Akhri dheeraad ku saabsan guryaha degmadan.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha waaweyn ee loogu hadlo waa carabi, daari/iiraani, af-soomaali, tigree, fiinlaandees, kirundi, faransiis, kurdish, boolish, roomaaniyaan, arli, ruush, isbaanish, af-siiriyaan, teeylaandees, fiitnaamees.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada Motala waxaa ku yaal jaaliyado badan sida jaaliyadaha qowmiyadaha kala duwan eey leeyihiin ama jaaliyadaha ku howlan meheradaha xilli firaaqaha. Hadaad raadineysid jaaliyad khaas ah waxaad ka heli kartaa degmada liiskeeda diiwaangalinta jaaliyadaha. Hoos waxaa ku yaal jaaliyadaha ka jira degmada qaarkood.
- Jaaliyada Arabiska vänskapsföreningen
- Jaaliyada Bosniska föreningen Liljan
- Jaaliyada Kroatiska föreningar
- Jaaliyada Kurdiska föreningen
- Jaaliyada Somaliska kulturföreningen
- Jaaliyada Syrianska föreningen
- Jaaliyada Syrisk ortodoxa kyrkan ungdomsförening
- Jaaliyada Syrisk ortodoxa Maria Kyrkan
- Jaaliyada Södra Afrika- kommittén
Maxaa ka ag dhaw
Degmada Motala waxeey su'aalahaada ugu jawaabi kartaa taleefanka 0141-22 50 00 ama waxaad si toos ah u booqan kartaa Drottninggatan 2, 591 35 Motala.
Bryggan- waa xarun horudhac lagu siiyo dadka wadanka ku cusub oo soo dega degmada Motala
Xarunta Bryggan waxaan si wadajir ah iskula shaqeeynaa dad khibrado meelo kala duwan ka heysta si dadka ku cusub degmada Motala eey u helaan soo dhaweyn wanaagsan. Degmada Motala waxaa ku kulma dadka wadanka ku cusub oo da'kasta leh waxaana loo sii gudbiyaa xafiiska shaqada iyo barashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxotiga, sfi. Caruurta iyo dhalinyarada oo dhan waxeey la kulmaan shaqaalaha Bryggan si meel leeskula dhigo asaaskooda waxbarasho. Shaqaalaha ayaa ka mas'uul ah ineey wargeliyaan degmada qeybteeda daryeelka carruurta iyo iskoollada, waxeeyna carruurta geeyaan iskoolka eey bilaabayaan si eey ardayda kale isku baraan. Marka koowaad eey carruurtaas la kulmayaan kalkaalisada iskoolka waxeey kula kulmaan xarunta Bryggan. Waxaan kaloo carruurta ka caawinnaa la xiriirka jaaliyadaha kala duwan hadeey waxyaabo gaar ah oo eey xiiseynayaan.
Akhri warbixin dheeraada oo ku saabsan Motala.
Alaab rakhiis ah iyo maacuun
Dalyeelka carruurta
Warbixin dheeraada oo ku saabsan xanaanada carruurta iyo xanaanada furan waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmada Motala waxaad ka heleysaa fasalka xanaanada ( laga bilaabo 6 sano ), dugsiga hoosedhexe ( laga bilaabo 7 sano, sanad dugsiyeed waajib ku ah arday kasta 9 sano) iyo dugsi sare ( saddax sano dugsiga dhexe ka dib) oo leh qeybo waxbarasho oo kala duwan, qeybta ilmaha iyo xilli firaaqaha, dhismaha, dhaqaalaha, enerjiga iyo elektaroonikada, gaadiidka, macalinnimo, bulshada, farsamada warshadaha, borograam horudhax, dhaqan, culuunta seeyniska, culuunta mujtamaca, farsamada, daryeelka iyo caafimaadka. Warbixin ku saabsan iskoollada iyo warashada oo dhan waxaad ka heleysaa degmada boggeeda internetka.
Furadaha waxbarasho
Degmada Motala waxeey ku siineysaa waxbarasho dadka waaweyn ah oo nuucyo kala duwan leh sida waxbarashada xirfadda (YH), farsamada cabirrida, caawiyaha kalkaalisada, daryeelaha dadka dhimirka ka jiran iyo sida loo daryeelo. Waxaan heynaa waxbarashada luqadda iswiidhishka loogu tala galay qaxootiga (sfi), koorsooyin cunto karis, waxbarasho heer jaamacadeed oo ah dhinacyada wax soosaarka, macalimiinta xanaanada carruurta iyo macalimiinta caadiga ah. Waxaa kaloo jira fursado aad ku baran kartid sida shirkado loo furto hadaad rabtid inaad shirkad furatid waxaana caawimaad ka heleysaa xarunta Nyföretagarcentrum.
Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:
Caafimaadka
Warbixin dheeraada oo ku saabsan daryeelka iyo xananada waxaad ka heleysaa degmada Motala boggeeda internetka.
Caawinaad turjubaan
Qofkii booqanaya xafiisyada kala duwan oo aanan ku hadlio karin luqadda iswiidhishka waxuu xaq u leeyahay turjubaan. Waxaana qorsheynaya maamulaha aad kulanka la leedahay.
Xiriirka gaadiidka
Baabuur
Dhinaca koofureed: wadada weyn ee E4 ayaa ku geyneeysa degmada Ödeshög meeshaasna waxaad ka sii qaadaneysaa jidka 50 oo ku geynaya magaalada Örebro.
Dhinaca waqooyi: wadada 50 ee ku wajahan degmada Jönköping ayaa ku geyneeysa degmada degmada Motala.
Dhinaca bari: wadada weyn ee E4 isla markaana ku wajahan degmada Linköping oo aad kasii qaadaneysid jidka 34 (fd. 36) ayaa ku geyneeysa degmada
Tåg
Bas
Diyaarad
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn Motala waa degmada Motala, Gobolka Östergötland, Autoliv Electronics, Motala Verkstad, Poppelstaden Omsorgsförvaltning iyo Proxima Specialistdaryeelka. Shaqo-bixiyaha ugu weyn Borensberg waa Arla Plast, iyo masaafo u jirta Motala (qiyaastii 40 daqiiqo dhanka tareenka) xitaa fursado shaqo ayaa ka jira Linköping.