Ödeshög
Degmada Ödeshög waa degmo aad u qurux badan rabta ineey kordhiso tirada dadka degan degmada. Marka laga reebo bartamaha degmada oo iyadana la dhaho Ödeshög waxaa kaloo jira tuulooyinka Trehörna iyo Hästholmen. Wadada weyn ee E4 oo ag marta waxeey fududeyneysaa in saacad wax ka yar lagu tago magaalooyinka waaweyn oo eey degmadu dariska latahay ee Linköping iyo Jönköping.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
5337
Cabirla dhulka
669 kiilomitir oo laba jibaaran
Deegaan
Inta badan dadka degmada waxeey deganyihiin guyo eey ayaga leeyihiin. Shirkadda guryaha ee degmada ee Ödeshögsbotäder waxeey maamushaa guryo gaaraya 279. Badankood waxeey ku yaallaan bartamaha degmada, inta kalana waxeey ku yaallaan Hästholmen. Degmada waxeey kaloo leedahay guryo baraafat ahaan loo kireysto.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha looga hadlo Degmada Ödeshög waxeey kala yihiin carabi, soomaali, tigree, daari, filibiin, boolish, laatish, leetlaandees, af-ruush, iyo af-roomaaniyaan.
Jaaliyado iyo ururu
Jaaliyadaha ka dhisan degmada waxaad ka raadin kartaa, liiska jaaliyadaha ee degmada.
Maxaa ka ag dhaw
Waxkasta weey isku dhowyihiin degamda. Bartamaha degmada waxaa ku yaal dukaanka ICA oo leh meel aad boostada ah. Waxaa kaloo kale oo kuyaal xafiiska degmada o ka kooban maktabad, xafiiska shaqada oo furan hal maalin isbuucii. Waxaa kaloo ku yaal dukaamada kabaha iyo kuwa gada dharka iyo alaabta caruurta ku cayaarto.
Dalyeelka carruurta
Degmada waxeey leedahay dugsiyada xanaanada carruurta oo isugu jira kuwo eey dowladdu leedahay iyo hal gaar looleeyahay oo iskool karishtaan ah. Caruurta markeey dhameeyaan ama subixii inteysan billaabin dugsiyada xanaanada waxaa loo diyaariyey xarumo lagu maaweeliyo.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiga degmada Ödeshög waa dugsi usaaxiib ah qaab wanaagsanaan iyo nidaam ku dhisan is qiimeyn iyo is qadarin. Dugsiyada ugu waaweyna waxeey kala yihiin Fridtjuv Bergskolan oo leh fasallada 1-5. Lysingskolan oo leh fasallada 6-9. Qeybta diyaarinta maadoonyinka leeska rabo si loo galo dugsiga sare waxeey ku taal degmada laakin barnaamijyada kale waxaa loo aadaa degmooyinka dariska ah.
Furadaha waxbarasho
Degmada Ödeshög waxeey leedahay studie- och yrkesvägledare qof ku takhasusay inuu dadka ka caawiyo barnaamijyada kala duwan uu qofka rabo inuu barto. Waxaa degmada ka jira jaanisyo waxbarasho oo badan. Jaamacada ugu dhow waxeey ku taal Linköping iyo machad ku yaal Jönköping.
Caafimaadka
Degmada Ödeshög waxeey leedahay rug caafimaad oo leh xarunta daryeelka carruurta. Isla dhismaha rugta caafimaadka waxaa ku yaal farmashiiye iyo rugta caafimaadka ilkaha. Xanuunnada degdega ah waxaa lagu daaweeyaa qeeybta emerjensiga ee isbitaalka Motala.
Caawinaad turjubaan
Waxaad xaq u leedahay turjubaan markaad la xiriireysid xafiisyada dowladda.
Xiriirka gaadiidka
Hadaadan heeysan baabuur waxaad raaci kartaa gaadiidka guud ee degmada. Tareen isteeshinka ugu dhow waxuu ku yaal Mjölby. Shirkadaha baska iyo tareenka waxaa lakala dhahaa Östgötatrafiken iyo SJ.
Shaqo iyo ganacsi
Meealaha shaqo ee ugu waaweyn degmada waa shirkadaha beeraha iyo dhirta, warshadaha wax soosaarka iyo shaqooyinka caafimaadka. Shaqo bixiyayaasha ugu weyn waxeey ku yaallaan Mjölby iyo Väderstad waxeeyna kala yihiin (Toyota Industries Europe AB) iyo (Väderstad-Verken AB).