Söderköping
Degmada Söderköping waxeey ku ag taala xeebta östgöra, waxeeyn masaafad-safar dhow uu jirtaa magalooyinka jaamacadeed ee Norrköping iyo Linköping. Magaalada farxada leh ee xiddido xog leh lala leh qarniyada-dhexe, waxaa dagan dadka degmada barkood. Barka kale waxeey dagan yihiin baadiyaha ku hareero, halkaasi ee ku yaaliin xaafado dhisan ee sii yaryar.

Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
14626
Cabirla dhulka
1326 kiilomitir oo laba jibaaran
Söderköping waxaa dhexmaro biyo mareenka Göta, xilliga xagaagana waxaa ubaxmo dakada-Kanal ayadoo leh maqaayado, dukaamo iyo dukaanka jalaatada ee Iswiidhan ugu weeyn "Smultronstället". S:t Anna Skärgärd, waxuu ka mid yahay Iswiidhan meelaha ugu qurxoon hadana ugu jasiirado yaryar badan, waxuu kuman ahaan ugu badanaayo dadka soo booqdo, waxeeyna lee dahay degaan xilliga firaaqo xilliga xagaaga. Boqolaal ayaa dagan meesha sanadkii oo dhan, dad badan waxeey lee yihiin shirkado yar oo ka howl galo laanta dalxiiska iyo farsamada gacanta. Degmadeena waxaa ku badan amaanka, furnaanshaha iyo tixgelinta. Nagu soo dhawaaw!
Deegaan
Shirkada degmada, Ramunderstaden, waxeey magaalada ku lee dahay guriyaal badan oo laga kireeysto sido kalena waxeey qorsheeynsaa oo kale dhismooyin cusub inta lagu jiro 2015. Sido kale waxaa jiro dhowr guri-kireeyaal oo madaxbanaan.
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Waxaa ka mid luuqada ugu weeyn ee ku hadlaan dadka degan degmada oo dibada ku dhashay afka cariba, af dari, af soomaali, af tigrinya, afka boosniya, afka isbaaniya, afka thayland, af ingriis iyo af fransiis.
Jaaliyado iyo ururu
Bogga Söderköping waxaa ku jiro warbixin ku saabsan ururada kala duwan ee ka jiro dhanka isboortiga, dhaqanka iyo kuwa kale.
Maxaa ka ag dhaw
Xafiiska-warbixinta ee ku yaalo Stinsen kuna ag yaalo xarunta-safaarka waxuu kuug ucaawinaa xariiro-bulsho ee kala duwan. Sido kale halkaan waxaa ku taalo matkbada Söderköping. Xafiiska shaqada waxuu ku ag yaala Hagatorget. Xafiiska bulshada iyo qaabilaada waxeey ku yaalin Samverkanshuset. Sadax dukaan oo gacan labaad iibiyo ayaa ku yaalo magaalada: Röda korset, Bra Begagnat iyo Återviningen.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada-caruurta waxeey jirtaa ayadoo madaxbanaan iyo mid ee degmada lee dahay, waxeeyna ku faafsan yihiin degmada oo dhan. Xanaanooyinka furan waxeey ku yaalin Xarunta-reerka iyo ururada diimeed ee krishtanka.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Dugsiyada-hoose waxeey ku yaalin magaalada, sido kalen waa ku yaalin shan xaafado oo yaryar oo ku yaalo baadiyaha. Iskuulka-Waldorf ayaa ku yaalo magaalada. Sido kale magaalada waxaa ku yaalo hal dugsi sare, iskuulka Nyströmska.
Furadaha waxbarasho
Iskuulka Nyströmska waxuu soo bandhigaa barnaamijyo dugsi sare oo kala duwan iyo bilaabadka-luuqada ee loogu tala galay dhalinyaro, waxbarashada dadka waa weeyn oo leh heer hoose iyo koorsooyinka dugsi sare iyo waxbarasho xirfadeed ee heer dugsi sare ah oo loog utala galay dadka waa weeyn, waxbarashada shaqada, waxbarshada dugsiga dadka waa weeyn, barashada iswiidhishka ee loogu tala galay ajnabiga iyo Introvux.
Caafimaadka
Söderköping waxeey lee dahay hal rug caafimaad oo uu maamulo xafiiska maamulka gobolka iyo rugta caafimaadka Geria, oo si madaxbanaan loo maamulo. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha iyo dhowr dhakhtar ilko oo madaxbanaan ayaa ka jiro magaalada.
Hal xarun-reered oo leh daryeelka hooyoinka, daryeelka caruurta iyo xanaanada furan ayaa ku taalo rugta caafimaadka ee maamulka gobolka lee yahay ayadoo lala kaa shado degmada.
Caawinaad turjubaan
Qofkii uu baahdo turjumaan waxuu xaq uu lee yahay in uu helo marka uu booqanaayo dhamaan xafiisyada dowlada Iswiidhan.
Xiriirka gaadiidka
Basaska gaadiidka-Östgöta ayaa dhexmaro degmada, waxeeyna si toos ah uu tagaan Valdemarsvik iyo Norrköping. Norrköping waxaa ka baxo tareen tago Linköping iyo meelo kale.
Shaqo iyo ganacsi
Degmada Söderköping waa shaqo dhiibaha ugu weeyn. Sido kale halkaan waxaa ku yaalo warshado yaryar iyo shirkado yaryary oo ka hoowl galo ganacsiga, tusaale ahaan dukaamada-cuntada. Norrköping oo jirtaa masaafad-safareed waxaa ku yaalo shirkado waa weeyn iyo machadyo guud.