Östra Göinge
Östra Göoing waxeey ku taala waqooyi-barida Skåne, ee qeeybta taariikhiga ah ee goobta-xuduuda uu dhaxeeyso Iswiidhan iyo Denmark. Halkaand dhulka wuu kala duwan yahay, laga bilaabaa dhul-beereed oo leh dhul balaaran iyo beero, jiq iyo dhul daaqeen oo jiro koonfurta, ilaa jid ka baxo geedka caleenta fiiqan, aqal iyo har jirto waqooyiga.
Xaqiiqooyinka degmada
Tirada dadka
15034
Cabirla dhulka
451 kiilomitir oo laba jibaaran
Wabiyada yaryar ee ugu weeyn uguna caansan waa Immeln iyo warbi-yareedka Tydinge. Laag yar oo biyeed ee Helge ayaa dhexmarto Östra Öinge, taasi oo mecno weeyn ku leh dhalinta-korontada. Halkaan waxaa ku yaalo shan deegaan: Broby, Glimåkra, Hanaskog, Knislinge iyo Sibbhult. Guriga degmada waxuu yaalaa Broby.
Deegaan
Inta badana degmada waxaa ku yaalo guriyo la kireeysto, laakin sido kale in yar oo ah guriyo la gato iyo guriyo filo ah oo la kireeysto.
Halkan waxaad ka daawan kartaa filim ku saabsan sida ay u shaqayso in guri laga kireysto Östra Göinge (waxaa lagu helayaa shan luqadood)
Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada
Luqadaha ugu weyn waa: Ingiriisi, Carabi, Faarsi, Tigrinya, Soomaali, Jarmal, Daari, Boolish, Amxaara, Taylaandiis, Dheenish, Lituwaani, Estooniyan, Rumeeniyan, Isbaanish, Fiyatnamiis, Hangeeriyan, Noorwiijan iyo Finlaandiis.
Jaaliyado iyo ururu
Degmada waxaa ka jira 72 urur iyo ururo mutadawiciin ah.
Maxaa ka ag dhaw
Degmada waxaad ka heli kartaa waxkasto oo aad ku fakarto oo aad rabtid. Waxaa ku yaala maktabad, dukaan cunto iyo edeegyada kala duwan iyo dukaamo. Waxaa kale oo aad ka helaysaa dhismaha cayaaraha iyo waxyaabo kale duwan waqtiyada firaaqada- iyo dhaqan firfircoon. Websidka degmada waxaad ka akhrisan kartaa wax yaabaha jira iyo hawlaha firfircoon ee dhacaya.
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa dheeraad ku saabsan:
Degmada Östra Göinge waxay leedahay oo gaar u ah Qaybta suuqa shaqada taas oo taageero u ah jidka ay shaqo ku helayaan dadka ku nool degmadan sida shaqada ku haboon iyo caawimaada arjiyada codsiga.
Degmada Östra Göinge waxay ku dadaashaa inay dhamaan dadka cuusb ee u soo guuray siiso fursado isku mid ah inay soo dhex galaan bulshada, keligood is masruufaan oo helaan degmada hawlaheeda iyo adeegyadeeda.
Waxaanu doonaynaa in dadka yimaada Östra Göinge ay qayb ka ahaadaan bulshadan. Saaxiibada luuqada ee dadka dalka ku cusub waa in dadka dalka ku cusub ay xiriir shakhsiyan ah la yeeshaan luuqada Iswiidhishka iyo bulshada Iswiidhan.
Dalyeelka carruurta
Xanaanada caruurta waxaa laga helaa dhamaan tuulooyinka: Broby, Knislinge, Hanaskog, Sibbhult, Glimåkra, Hjärsås iyo Östanå.
Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare
Degmadu waxay bixisaa dugsi hoose dhexe waxay siisa ardaysa dhigata ilaa iyo fasalka sagaalaad. Websidka degmada waxaad ka heli kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga hoose dhexe iyo xataa fursado ilaa iyo waxbarashada dugsiga sare.
Furadaha waxbarasho
Sibbult waxaa ku yaala xarunta waxbarashada Göinge (GUC), Glimåkrana waxaa ku yaalo dugsiga dadka waa weeyn.
Caafimaadka
Hal farmashiye aa ku yaalo Broby, halna Knislinge. Broby iyo Knislinge sido kale waxaa ku taalo rug caafimaad. Labadaas qaabilaadba waxeey lee yihin rugta caafimaadka caruurta. Rugta caafimaadka umilsada waxeey ku taalaa Knislinge. Dhakhtaro ilko badan oo kala duwan ayaa ku yaalo degmada. Qaabilaada degdega ugu dhaw waxeey ku taala isbitaalka dhexe ee Kristianstad. Sido kale halkaas waxaa ku taalo qeeybta-dumarka iyo qaabilaada cudurada dumarka uu gaarka ah. Talobixinta caafimaadka waxaa laga wacaa lambarka telefoonka 1177, xaaladaha degdega ah wac 112.
Caawinaad turjubaan
Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.
Xiriirka gaadiidka
Degmada isgaarsiin baseed oo fiican lee dahay. Bas ayaa lagu tagi karaa xarunta-tareenka ee Hässleholm, Kristianstad iyo Osby, 30 daqiiqo oo gudaheed.
Shaqo iyo ganacsi
Shaqo-bixiyayaasha waaweyn ee u dhow waa IKEA oo ku yaala Älmhult, degmada Östra Göinge, degmada Hässleholm iyo magaalada ganacsiga ee Kristianstad. Gudaha saacad barkeed oo safar ahna waxaa lagu gaarayaa Malmö, Lund, Helsingborg iyo Växjö iyo toddoba garoomada diyaaradaha ah oo mid ka mid ahi tahay caalami.
Fursadaha in la bilaabo oo ganacsi laga socodsiiyo Östra Göinge aad ayay u fiicanyihiin. Broby waxaa ku taala waaxda Kobcinta iyo fikradaha ganacsiga iyo Xarunta shirkadlayda cusub kuwaas oo kaa caawin kara inaad bilowdo shirkad gaar kuu ah.